{"id":23157,"date":"2016-07-21T07:41:13","date_gmt":"2016-07-21T07:41:13","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=23157"},"modified":"2016-07-21T07:41:13","modified_gmt":"2016-07-21T07:41:13","slug":"somaliland-waxay-xuluf-la-tahay-israel-farriimaha-sirta-ah-ee-wikileaks-ka-baahisay-turkiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/07\/21\/somaliland-waxay-xuluf-la-tahay-israel-farriimaha-sirta-ah-ee-wikileaks-ka-baahisay-turkiga\/","title":{"rendered":"SOMALILAND WAXAY XULUF LA TAHAY ISRAEL ,FARRIIMAHA SIRTA AH EE WIKILEAKS KA BAAHISAY TURKIGA."},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-25998 alignleft\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.haldoornews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/waraaq.jpg?resize=660%2C183\" alt=\"waraaq\" width=\"660\" height=\"183\" \/><\/p>\n<p>Maalintii shalay, wikileaks waxay baahisay wax ka badan 200 kun oo farriimo iimaylo ah, oo xisbiga taladda haya Turkiga ee AKP ay madaxdiisu isweydaarsadeen shantii sanaddood ee ugu danbeeyay. Xogtaa la baahiyay xiise gaar ah ayay ii samaynaysay. Xiisaha ay samaynaysaa waxay tahay; bal in la fahmo arragtida xisbiyahanadda AKP ay ka haystaan Somaliland. Taas oo ka dibna, laga halacsan karo, heerka iyo meeqaamka ay la taagan tahay mawqifka jiyo-siyaasadeed ee Turkigu ka leeyahay. Maadaama uu sannadihii ugu danbeeyay ku foognaa wada-hadaladda u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia.<\/p>\n<\/div>\n<p>Kumanaakaa farrimood, oo ku qornaa afka turkiga, waxa ka mid ahaa farriin ka hadlaysay arrimaha Somaliland, oo ku taariikhaysnayd, 05\/02\/2015. Waxa farriintaas diray xafiiska arrimaha sirdoonka u qaabilsan, gaar ahaan miiska Arrimaha Israa\u2019iil. Waxa ciwaan looga dhigay \u201cQulqulatooyinka Afrika.\u201d<\/p>\n<p>Farriintan oo ka hadlaysa loolanka Turkiga iyo Israil ku dhex maraya, sida warbxintaas lagu sheegayo, Afrika gaar ahaan geeska Afrika. Waxa gogol-xaadh looga dhigay danaha Yuhuudu ay ka leedahay guud ahaan Afrika iyo gaar ahaan Geeska Afrika. Waxa lagu xusay farriintaas in Yuhuudu waligeedba il-gaar ah ay ku haysay Afrika, Geeskuna uu ahaa meelaha qorshaha ugu jiray aasaasahii Sahyuuniyadda caalamiga ah ee Theodr Herzl, kaas oo kaga baaqay shirkii Baaseel, Iswiitsarlaan, ee lagu naaqishayay sidii loo samayn lahaa dawladd yuhuuddu leedahay, sannadkii 1896 kii, in Afrika gaar ahaan bariga Afrika badel wanaagsan u noqon karo oo laga fakiri karo. Warbixitan waxa intaa lagu daray in Yuhuudu tan iyo waagaa aanay hamigoodii ka hadhin. Taasina ay sii labanlaabmatay sannadahii 70 neeyaddii. Wakhtigaas, oo sida oo warbixinta lagu sheegayo, ay dawladda Yuhuuddu ay tababaro iyo taageero milatariba ay u fidisay waddano badan oo afrikaan ah.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/Xayaysiis-By-Abdifataah.gif\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-23133 aligncenter\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/07\/Xayaysiis-By-Abdifataah.gif?resize=405%2C108\" alt=\"Xayaysiis By Abdifataah\" width=\"405\" height=\"108\" \/><\/a><\/p>\n<p>Waxay warbixintu sheegaysaa dadaaladda Turkigu uu haatan ka waddo sidi uu isna uu lug ugu lahaan lahaa arrimaha geeska afrika, isagoo dalka Itoobiya ka higalinaya mashaariic horumarineed oo u badan warshado.<\/p>\n<p>Intaa marka laga tago, waxa ciwaan hoosaad looga dhigay warbixintaas \u201cSomaliland iyo Xaaladdaha ka iman kara\u201d. Warbixintu waxay ku dheeraanaysaa muhiimadda istraatijiyadeed ee Somaliland leedahay. Iyadoo xuduud la leh dalka Jabuuti, isla markaana soohdin la leh marin-biyoodka baabal-mandab ee muhiimka ah. Qoraaga warbixintan wuxuu si kalsooni leh u sheegayaa in Somaliland ay xuluf la tahay Yuhuudda. Taasina aanay ahayn mid qarsoodi ah, balse xitaa ay Israa\u2019iil ay muujisay sannadkii 2010, markii ay sheegtay inay ictiraafi doonto. Somaliland iyadoo noqoto iyadoo ah goob kale oo Yuhuuddu ay xudun ka dhigato marka laga tago dalka Koonfurta Suudaan oo xidhiidh diblomaasiyadeed oo dhaw la leedahay haatan. Waxaanay warbixintu sheegaysaa in Yuhuuddu ay Somaliland aad ugu dananayso, gaar ahaan iyadoo ay haatan dagaalo culus ka socdaan dalka Yemen oo isna xuduud dhinaca badda ah la wadaaga, isla markaana ay ku gacan-sareeyaan xoogaga mucaaradka ah ee Xuutiyiinta, oo sida warbixintaas lagu sheegayo, gacan-saar la leh Iiraan.<\/p>\n<p>Waxaanay warbixintu sheegaysaa ay Somaliland ay noqon karto meel cusub oo lagu hirdamo, dagaalka Yemen ka socdaana uu noqon karo meel uu kaga soo fatahi karo Afrika guud ahaan, iyadoo leh muhiimad istaraatijayadeed oo caalami ah.<\/p>\n<p>Isku soo wada duuboo, waxa muuqata in Turkigu uu Somaliland u arko mid lidi ku ah danahiisa siyaasadda arrimaha dibadda, una haysto dal \u201cshaki la\u2019aan\u201d xulufo la ah Israa\u2019iil. Iyadoo, wakhtiga warbixintan la qoray, Turkiga iyo Israa\u2019iil uu xidhiidhkoodu aad u xumaa, balse haatan ay heshiis gaadheen, dabcanna, ay isbaddeli doonto arragtiyahooda diblomaasiyaded iyo guud ahaan tartanka ay ugu jiraan sidii uu mid kastaaba maslaxadiisa qaran ugu adeegi lahaa.<\/p>\n<p>Waxaanay isweydiintu noqonaysaa sida uu Turkigu uga garnaqi karo arrimaha Somaliland iyo Somalia isagoo marka horeba u arka Somaliland mid lidi ku ah danahiisa siyaasadeed.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo Desk<\/p>\n<p>ArabsiyoNews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maalintii shalay, wikileaks waxay baahisay wax ka badan 200 kun oo farriimo iimaylo ah, oo xisbiga taladda haya Turkiga ee AKP ay madaxdiisu isweydaarsadeen shantii sanaddood ee ugu danbeeyay. Xogtaa la baahiyay xiise gaar ah ayay ii samaynaysay. Xiisaha ay samaynaysaa waxay tahay; bal in la fahmo arragtida xisbiyahanadda AKP ay ka haystaan Somaliland. Taas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":358,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-23157","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-61v","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23157","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=23157"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/23157\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=23157"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=23157"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=23157"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}