{"id":22753,"date":"2016-07-07T13:28:08","date_gmt":"2016-07-07T13:28:08","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=22753"},"modified":"2016-07-07T13:28:08","modified_gmt":"2016-07-07T13:28:08","slug":"mujahid-cali-guray-oo-mar-kale-ka-hadlay-xil-ka-qaadistii-gudoomiye-faysal-ku-sameeyey-rooda-axmed-yaasiin-faysal-cali-waraabana-ku-tilmaamay-kaligii-talis-aan-sharciga-u-hogaansamin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/07\/07\/mujahid-cali-guray-oo-mar-kale-ka-hadlay-xil-ka-qaadistii-gudoomiye-faysal-ku-sameeyey-rooda-axmed-yaasiin-faysal-cali-waraabana-ku-tilmaamay-kaligii-talis-aan-sharciga-u-hogaansamin\/","title":{"rendered":"Mujahid Cali Guray Oo Mar Kale Ka Hadlay Xil Ka Qaadistii Gudoomiye Faysal Ku Sameeyey Rooda Axmed Yaasiin, Faysal cali Waraabana Ku Tilmaamay Kaligii Talis Aan Sharciga U Hogaansamin"},"content":{"rendered":"<p>Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID muj Cali Guray ayaa mar labaad ka hadlay xil ka qaadistii uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku sameeyey gudoomiyihii gobolka saaxil marwo Rooda Axmed Yaasiin,Waxaana uu Mujaahid Cali Guray ganafka ku dhuftay xil ka qaadistaasi, isaga oo dhanka kalena Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay kaligii talis aan u hogaansanayn sharciga, waxaana uu ka dhawaajiyay inuu baal maray go\u2019aankii gudida diiwaangalinta .<\/p>\n<p>Dhanka kalena Cali Guray ayaa baaq u direy taageerayaasha xisbiga UCID isaga oo sidoo kalena Marwo Rooda Axmed Yaasin fariin u direy una sheegay inay hawlaheedii halkii kasii wadato inta go;aan cad soo baxayo.<\/p>\n<p>Waxaana uu mujaahid Cali Guray arinkani kaga hadlay qoraal uu ku baahiyay mid kamida baraha ay bulshadu ku kulanto,waxaan auu u dhignaa sida tan.<\/p>\n<p>JAMHUURIYADDA SOMALILAND<br \/>\nREPUBLIC OF SOMALILAND<br \/>\nUCID<br \/>\nXisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka<br \/>\nJustice and Welfare Party<br \/>\n\u062d\u0632\u0628 \u0627\u0644\u0639\u062f\u0627\u0644\u0647 \u0648\u0627\u0644\u0631\u0623\u0629<br \/>\n4\/07\/2016<br \/>\nUj: Xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Saaxil<br \/>\nWaxan halkan ku cadaynayaa in warqadda xil ka qaadista Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee lagu baahiyay warbaahinta qaarkeed aanay waafaqsanayn Xeerka xisbiga isla markaana ay xadgud ku tahay Go\u2019aankii Guddida Diiwaangelinta oo Gudoomiyuhu si joogto u caadaystay inu ku xadgudbo,<br \/>\nGobolka Saaxil wuxu ahaa gobolkii uu Xisbigu ugu sareeyay ee kaalinta 2aad uu ka galay tartankii xisbiyada iyo ururada ee Doorashadii Golayaasha Degaanka taas oo uga marag kacaysa taageerada mugga leh ey la garab taagan yihiin Xisbiga UCID<br \/>\n.<br \/>\nSidaa daraadeed talaabo aan haba yaraato eh lagala tashan isla markaana aan xisbigu wax talo ah ku lahayn oo lagu wiiqayo midnimad iyo wadajirka xisbiga UCID laguna burburinayo dhismaha xisbiga ee Gobolka Saaxil wax laga ogolaanayo maaha Gudoomiyaha. Inta dacwadda ka dhanka ah Gudoomiyuhu ay dhan u dhacayso ee go\u2019aanka Gudidu soo baxayo dhamaan talaabooyinka keli talisnimada ah ee Gudoomiyaha xisbigu ku kaco waxanu u aragnaa waxba kama jiraan cid ka aqbalaysa xil ka qaadista aan sharciga ahayn ee Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ma jirto.<br \/>\nDhamaan xubnaha xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga ee Gobolka Saaxil iyo guud ahaan bahwaynta UCID ee arkaya talaabooyinka waalida cas ah ee Gudoomiyuhu way ka soo horjeedaan burburinta xisbigooda heeganna waxay u yihiin talaabo kasta oy ku bedbaadinayaan xisbigooda xaqna way u leeyihiin<br \/>\nSidaa daraadeed Gudoomiye Rooda sideedii ayay u wadan kartaa hawlaheedii dhamaan degmooyinka gobolkuna sidaa ha ula socdaan hana kula shaqeeyaan.<br \/>\nWa bilaahi Tawfiiq<br \/>\nCali Maxamed Yussuf<br \/>\nGudoomiye xigeenka 3aad<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID muj Cali Guray ayaa mar labaad ka hadlay xil ka qaadistii uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku sameeyey gudoomiyihii gobolka saaxil marwo Rooda Axmed Yaasiin,Waxaana uu Mujaahid Cali Guray ganafka ku dhuftay xil ka qaadistaasi, isaga oo dhanka kalena Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay kaligii talis aan u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10558,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-22753","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5UZ","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22753","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22753"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22753\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22753"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22753"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22753"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}