{"id":22293,"date":"2016-06-20T22:11:01","date_gmt":"2016-06-20T22:11:01","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=22293"},"modified":"2016-06-20T22:11:01","modified_gmt":"2016-06-20T22:11:01","slug":"guddoomiyaha-kulmiye-oo-shaki-laaan-ku-tilmaamay-guul-xisbigu-mar-kale-ka-gaadho-doorashooyinka-soo-socda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/06\/20\/guddoomiyaha-kulmiye-oo-shaki-laaan-ku-tilmaamay-guul-xisbigu-mar-kale-ka-gaadho-doorashooyinka-soo-socda\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha KULMIYE oo Shaki La\u2019aan ku Tilmaamay Guul Xisbigu mar kale  ka Gaadho Doorashooyinka soo Socda"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa ( AN)- Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE,\u00a0ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi,\u00a0ayaa rajo wayn ka muujiyey in xisbigiisu mar kale ku guulaysanayo\u00a0doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee u qorshaysan\u00a0inay qabsoomaan horraanta sannadka 2017.<\/p>\n<figure id=\"attachment_22298\" aria-describedby=\"caption-attachment-22298\" style=\"width: 800px\" class=\"wp-caption alignnone\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/DSC_8631.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-22298\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/DSC_8631.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"????????????????????????????????????\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-22298\" class=\"wp-caption-text\">????????????????????????????????????<\/figcaption><\/figure>\n<p>Sidaana waxa uu Md. Muuse Biixi ka sheegay casuumad hoggaanka xisbiga<br \/>\nKULMIYE u sameeyey qaybo ka mid ah qurba-joogga iyo madaxda laamaha\u00a0xisbiga ee dibadda, gaar ahaan dalal ka tirsan qaaradda Yurub caawa.Casuumadda oo ahayd afur iyo casho ka dhacday huteelka Ambassador ee\u00a0caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo qayb ka ah dardargelinta u\u00a0diyaargarowga xisbiga ee doorashooyinka soo socda, waxa ka qaybgalay<br \/>\nxubnaha hoggaanka xisbiga oo uu hormood u yahay Guddoomiyaha, ahna\u00a0murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Maayarka\u00a0 Caasimadda Md. Cabdiraxmaan Soltelco, wasiirro ka tirsan xukuumadda,\u00a0xildhibaanno, masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, qurba-joog fara\u00a0badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee waddamada dibadda ku nool\u00a0oo ay ku jiraan madaxda laamaha xisbiga ee dalal ku yaal Yurub oo ay ka<br \/>\nmid yihiin Sweden, Finland, Wales iyo kuwo kale.<\/p>\n<figure id=\"attachment_22299\" aria-describedby=\"caption-attachment-22299\" style=\"width: 800px\" class=\"wp-caption alignnone\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/DSC_8642.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-22299\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/DSC_8642.jpg?resize=696%2C463\" alt=\"????????????????????????????????????\" width=\"696\" height=\"463\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-22299\" class=\"wp-caption-text\">????????????????????????????????????<\/figcaption><\/figure>\n<p>Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed,\u00a0Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, Maayarka caasimadda\u00a0Md. Cabdiraxmaan Soltelco, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mr.\u00a0Maxamed Aaden Cilmi (Ilkacase) iyo siyaasiga Maxamed Axmed Caalin\u00a0(Tiimbaro) oo dhawaan xisbiga ku biiray, ayaa hadallo kooban oo ay ka\u00a0jeediyeen kulankaasi uga mahadceliyey qurba-joogga ajiibidda casuumadda\u00a0xisbiga KULMIYE u sameeyey, waxa kaloo ay uga xog-warrameen hawlaha<br \/>\nxisbiga iyo xukuumaddiisa, waxqabadka ay dalka ka hirgelisay, u\u00a0diyaargarowga doorashada iyo arrimo kale.<br \/>\nGuddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse\u00a0Biixi Cabdi oo khudbad kooban ka jeediyey madasha, ayaa soo dhaweeyey\u00a0qurba-joogta xisbiga, waxaannu u sheegay in xisbal-xaakimku marayo\u00a0halkii u wanaagsanayd waqtigan, isla markaana uu rajo wayn ka qabo inuu\u00a0mar kale ku guulaysanayo doorashooyinka soo socda.<br \/>\n\u201cKULMIYE maanta meel wanaagsan buu joogaa, tartanka soo socdana shaki\u00a0kama qabo Ilaahay idinkiisa siday u eegtahay iyo indhahay leedahay,\u00a0KULMIYE waa intiisii oo wuu weliba ka sii xoogaystay, KULMIYE waa\u00a0xisbigaa 14 jirka ah ee ay isugu yimaadeen haldoorkii Somaliland oo\u00a0dhami. Xilka inna saarani waxa weeye KULMIYE lix sanno oo uu xilka hayey<br \/>\nmagaca loola baxay waa dawladdii waxqabadka oo uu dalka iyo dadka wax\u00a0badan taray, innaguna iminka waddadaa la inoo jeexay ee waddada\u00a0horumarka ayeynu sii wadi, wixii aynu toosinay ee wanaagan ee inoo baxay\u00a0waynu sii wadi doonaa, wixii qalad ah ama aanay fursaddu inna siina\u00a0iminka ayeynu daraasadeedii samaynaynaa oo aynu dhammaynaynaa,\u201d ayuu\u00a0yidhi Md. Muuse Biixi.<\/p>\n<p>Arabsiyo.net<\/p>\n<p>Arabsiyonews@gmail.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa ( AN)- Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE,\u00a0ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi,\u00a0ayaa rajo wayn ka muujiyey in xisbigiisu mar kale ku guulaysanayo\u00a0doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee u qorshaysan\u00a0inay qabsoomaan horraanta sannadka 2017. Sidaana waxa uu Md. Muuse Biixi ka sheegay casuumad hoggaanka xisbiga KULMIYE u sameeyey [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":22294,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-22293","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5Nz","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22293","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22293"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22293\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22293"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22293"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22293"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}