{"id":22224,"date":"2016-06-18T12:17:57","date_gmt":"2016-06-18T12:17:57","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=22224"},"modified":"2016-06-18T12:17:57","modified_gmt":"2016-06-18T12:17:57","slug":"mid-ka-mid-ah-dhalinyaradii-ay-xukuumadu-xabsiga-dhigtey-ee-ka-horyimid-heshiiska-dekada-berbera-oo-saldhiga-dhexe-ku-dhex-xanuusanaaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/06\/18\/mid-ka-mid-ah-dhalinyaradii-ay-xukuumadu-xabsiga-dhigtey-ee-ka-horyimid-heshiiska-dekada-berbera-oo-saldhiga-dhexe-ku-dhex-xanuusanaaya\/","title":{"rendered":"Mid Ka Mid Ah Dhalinyaradii Ay Xukuumadu Xabsiga Dhigtey Ee Ka Horyimid Heshiiska Dekada Berbera Oo Saldhiga Dhexe Ku Dhex Xanuusanaaya"},"content":{"rendered":"<div class=\"post-body entry-content\">\n<p>Afhayeenkii garabka dhallinyarada xisbiga WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Dhamme oo isaga iyo dhallinyar kale oo dhawaan dhalliilay heshiiska dekadda Berbera ay maalintii 13 aad maxkamad la\u2019aan ugu xidhan yihiin saldhigga dhaxe ee Hargeysa, ayaa ay aad u adag tahay xaaladda caafimaad ee sarkaalkan.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-26207 aligncenter\" src=\"http:\/\/i1.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/Sadiiq-Dhamme.png?resize=393%2C381\" sizes=\"auto, (max-width: 393px) 100vw, 393px\" srcset=\"http:\/\/i1.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/Sadiiq-Dhamme.png?w=485 485w, http:\/\/i1.wp.com\/ilaysnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/Sadiiq-Dhamme.png?resize=300%2C291 300w\" alt=\"Sadiiq Dhamme\" width=\"393\" height=\"382\" \/><\/p>\n<\/div>\n<p>Sida ay noo xaqiijiyeen ehelada Maxamed Siddiiq iyo weliba sida oo kale mas\u2019uuliyiin sare sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI, ayaa waxa ay sheegayaan in afhayeenkii garabka dhallinyarada WADDANI uu aad ugu dhex xanuunsanaayo saldhigga dhaxe ee Hargeysa isla mar ahaantaana aanay fiicneyn xaaladdiisa caafimaad, waxaana ay tilmaameen in ciidamada booliska Somaliland ay ka horjoogsadeen in dhibanahan dibadda looggu saaro si xaaladdiisa caafimaad looggu soo dabiibo dhakhaatiirta Hargeysa.<\/p>\n<p>Tan iyo intuu uu xidhnaa sarkaalkan iyo dhallinyarta kale ee wehelisa, ayaanay jirin wax dembi ah oo illaa hada ku caddaaday iyo weliba Maxkamad la horkeenay toona, waxaana wararku sii tibaaxayaan in wakhti xaadirkanna ay Maxkamadda gobalka Hargeysa u jartay waaran toddobaad dambe ah taas oo muddada uu xidhnaanayo ku noqonaysa 20 cisho.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo Desk<\/p>\n<p>Arabsiyonews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Afhayeenkii garabka dhallinyarada xisbiga WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Dhamme oo isaga iyo dhallinyar kale oo dhawaan dhalliilay heshiiska dekadda Berbera ay maalintii 13 aad maxkamad la\u2019aan ugu xidhan yihiin saldhigga dhaxe ee Hargeysa, ayaa ay aad u adag tahay xaaladda caafimaad ee sarkaalkan. Sida ay noo xaqiijiyeen ehelada Maxamed Siddiiq iyo weliba sida oo kale mas\u2019uuliyiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":21281,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-22224","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5Ms","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22224","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22224"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22224\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22224"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22224"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22224"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}