{"id":22192,"date":"2016-06-17T21:44:24","date_gmt":"2016-06-17T21:44:24","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=22192"},"modified":"2016-06-17T21:44:24","modified_gmt":"2016-06-17T21:44:24","slug":"madaxwayne-siilaanyo-oo-abaalmarin-iyo-hadiyado-qiimo-badan-ku-maamuusey-ardaydii-kaalmaha-hore-kagalay-tartanka-quraanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/06\/17\/madaxwayne-siilaanyo-oo-abaalmarin-iyo-hadiyado-qiimo-badan-ku-maamuusey-ardaydii-kaalmaha-hore-kagalay-tartanka-quraanka\/","title":{"rendered":"Madaxwayne Siilaanyo oo Abaalmarin iyo hadiyado qiimo badan ku maamuusey Ardaydii kaalmaha hore kagalay tartanka Quraanka"},"content":{"rendered":"<p><b><u>\u00a0<\/u><\/b>Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo ayaa markii\u00a0 labaad sharfay Diinta Islaamka ka dib markuu Afur iyo Casho u sameeyey tartamayaashii Xifdiga Qur\u2019aanka Kariimka ah ee kaalmaha hore ka galay, munaasibad ku qabsoontay qasriga madaxtooyada galabta.<\/p>\n<figure id=\"attachment_22193\" aria-describedby=\"caption-attachment-22193\" style=\"width: 640px\" class=\"wp-caption alignnone\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/DSC_0003.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-22193\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/DSC_0003.jpg?resize=640%2C427\" alt=\"????????????????????????????????????\" width=\"640\" height=\"427\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-22193\" class=\"wp-caption-text\">????????????????????????????????????<\/figcaption><\/figure>\n<p>Munaasibad tan ka horaysay ayaa ahayd afur iyo casho sharaf madaxweynuhu u sameeyey afurkii kan ka horeeyey haldoorka culimo awdiinka dalka isla qasriga madaxtooyada Khamiistii.<\/p>\n<p>Tartanka Xifdiga oo la magac baxay tartanka Madaxweynaha ee Qur\u2019aanka kariimka ah ayaa ahaa sannadkii Afraad ee tartankan Madaxweynuhu qabsoomo, isagoo ka soo bilaabmay masjidka dhexe ee Caasimadda ee Cali Mataan, laguna khatimay qasriga madaxtooyada, iyadoo dhinacna laga maamuusayo madaxweynaha loogu magac daray, madaxweynuhu sharfayo qur\u2019aanka kariimka ah, in lagu beratamo barashadiisa.<\/p>\n<figure id=\"attachment_22194\" aria-describedby=\"caption-attachment-22194\" style=\"width: 640px\" class=\"wp-caption alignnone\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/DSC_0002.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-22194\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/DSC_0002.jpg?resize=640%2C427\" alt=\"????????????????????????????????????\" width=\"640\" height=\"427\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-22194\" class=\"wp-caption-text\">????????????????????????????????????<\/figcaption><\/figure>\n<p>Sida uu ku warbixiyey sheekh Maxamed Aadan Muxumed, Imaamka iyo (Khadiibka) Masjidka Cali Mataan waxa sannadkan ka qaybgalay tartanka 18 wiil oo ka kala socda gobolada dalka oo dhan, 14 ka mid ah masaajidka ayaa loogu sheegay siday u kala horreeyeen, oo iyaga laftoodu kala sarreeyey, halka afartii ygy sarreeyey, madaxweynuhuna guddoonsiinayo jaa\u2019isadaha.<\/p>\n<figure id=\"attachment_22196\" aria-describedby=\"caption-attachment-22196\" style=\"width: 640px\" class=\"wp-caption alignnone\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/DSC_0005.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-22196\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/DSC_0005.jpg?resize=640%2C427\" alt=\"????????????????????????????????????\" width=\"640\" height=\"427\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-22196\" class=\"wp-caption-text\">????????????????????????????????????<\/figcaption><\/figure>\n<p>Waxa kaloo u yidhi \u201cMadaxweyne, sannadba sannadka ka dambeeya tartanku wuu sii adkaanayaa, dhibcaha lagu kala guulaysanayaana way sii yaraanayaan, taasina waxay tusaale u tahay inuu tartanka qur\u2019aan xifdigu sii caan baxayo marba marka ka dambaysa\u201d.<\/p>\n<p>Erey kale oo laga xiganayo hadalka Sheekh Maxamed Aadan oo ah gudoomiyaha guddida tartanka ayaa ahayd, \u201cshaqadan cidna isuma tusayno, oon ahayn in aan ajar iyo xasanaad kaga doonayno Ilaahay\u201d.<\/p>\n<figure id=\"attachment_22195\" aria-describedby=\"caption-attachment-22195\" style=\"width: 640px\" class=\"wp-caption alignnone\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/DSC_0001.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-22195\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyo.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/DSC_0001.jpg?resize=640%2C427\" alt=\"????????????????????????????????????\" width=\"640\" height=\"427\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-22195\" class=\"wp-caption-text\">????????????????????????????????????<\/figcaption><\/figure>\n<p>Wuxuu kusoo jaray hadalkiisa waxqabadka madaxweynaha ee dhinaca diinta oo uu sheegay inay ka mid tahay tartankan qur\u2019aan Akhriska, alkumidda hay\u2019adda zakeda, dhismaha masaajidka madaxtooyada iyo kuwa kale.<\/p>\n<p>Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo kulankaa ka hadlay ayaa faah-faahiyey ujeeddada hoggaanka dalku ka leeyahay munaasibadan diiniga ah, waxanu yidhi \u201cDulucdu ma aha inaynu wada afurno oo kaliya, iyo dhiirigelinta barashada qur\u2019aanka uun, balse way ka xeeldheertahay, waxay daarran tahay oo kale ilaalinta diinta islaamka ee aynu masuulka ka nahay Dawladda masuuliyadeedu ma aha kaliya adeegga bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, waxay sidoo kale dawladdu masuulka tahay dhawrista diinta iyo ku camal falkeeda suubban.<\/p>\n<p>Isagoo si gaar ah ula hadlaya da\u2019yartii tartamaysay wuxu yidhi wasiirku \u201cwaad ka nasiib badan tihiin da\u2019dayadii, qur\u2019aan xafidsanayaashu way nagu yaraayeen, Hargeysa oo aan dugsiga sare ka galay, nin qudha ayaa xifdiga qur\u2019aanka ah looga dambayn jiray, laguna magacaabi jiray Faysal Cali Faarax, imikana gobolkasta oo aad marto wiil da\u2019yar oo xaafid ah ayaa ku tukinaya, ka dheeraada qabyaalad, tahriib, takfiir iyo afkaar khaldan, ogaada inaan dhammaanteen nahay Ehlu-sunna, Xusuusta waxa dalalka qayrkeen ee islaamka ah ka taagan, iyo cadaawadda iyo dilka ka dhacaya, Wuxu u mahadnaqay, sheikh Maxamed Aadan iyo qaban qaabiyeyaashii tartanka madaxweynaha, wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta, warfaafinta iyo wacyigelinta iyo garsooreyaashii tartanka iyo warbaahinta kala duwan ayuu kusoo ururiyey wasiirka Madaxtooyadu\u201d.<\/p>\n<p>Gebegebadii munaasibaddan madaxweynuhu wuxu abaalmarintii guddoonsiiyey halyeyada xifdiga\u00a0 qur\u2019aanka ee kaalmaha hore ku guulaystay sannadkan.<\/p>\n<p>Mubaarak khaliif Yuusuf oo ku tartamayey magaca Maroodijeex ayaa kaalinta koowaad galay waxanu keenay 100%, waxaana la siiyey gaadhi NOAH iyo lacagtii shidaalka, waxa u raacay ducada Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Ibraahim Maxamuud Axmed oo ku tartamaayey magac Sanaag ayaa kaalinta 2aad galay, wuxuuna keenay 99.6%, waxa la siiyey $1,300 oo doollar, Laptop, iyo Kutub diiniya.<\/p>\n<p>Xanafi Bashiir Muxumed ayaa kaalinta Saddexaad galay, wuxuuna keenay 99.5%, waxa la siiyey $1,000, Mobile iyo Kutub.<\/p>\n<p>Sakariye Cali Muxumed oo ku tartamayey Sool ayaa kaalinta afraad galay, wuxuuna keenay 99%, waxana la siiyey $700 oo doollar iyo Kutub.<\/p>\n<p>Abaal gudka Carruurta hormoodka xifdiga qur\u2019aanka ahayd ka hor, madaxweynaha laftiisa ayaa waxa la gudoonsiiyey hadiyad ahayd kitaab Qur\u2019aan ah oo marna qofku akhrisanaayo, marna isugu is akhriyaya, marka lagu daaro mishiinyar oo rimuudka oo kale ah, kitaabka oo wata, axaadiistii rasuulka iyo cilmi kale oo diineed, waxa gudoonsiiyey Madaxweynaah Ilma yar oo Sheekh Maxamed Aadan Dhalay oo ay garab taagnaayeen aabbihii iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.<\/p>\n<p>Gunaanadkii munaasibadda, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa yidhi \u201cfarxad aad iyo aad u weyn ayey ii tahay in aan xafladan ka qaybgalo. Ilaahay waxan ka baryayaa inuu kulligeenba innagu anfaco Qur\u2019aanka Kariimka ah. Ilaahay waxan ka baryayaa inuu wada jir, nabadqab iyo caafimaad qab Inna siiyo, annagoo illaahay uga mahadnaqayna.<\/p>\n<p>Xifdiga Qur\u2019aanka Kariimka ahi waa wax weyn oo muhima, dadkeena, dhallinyarteenna, iyo shacabkeennaba, waan ku dhiirrinaynaa intii awooddeena ah. Dawladdu wax ay kala hadhaysaa ma jirto, waayo dawlad islaama ayeynu nahay. Qaran ahaan waxa loo baahan yahay in aan wax ka tarno oo gacan qabano cid kasta oo wax ka qabanaysa barashada Qur\u2019aanka Kariimka ah iyo kor u qaadka diinta Islaamka. Aad iyo aad ayaan idinku mahad naqayaa, \u00a0Wa salaamu calaykum, wa-raxmatullaahi wa-barakaatu\u201d.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><a target=\"_blank\" name=\"_GoBack\"><\/a>\u00a0<b><u>ALLAA MAHAD LEH<\/u><\/b><\/p>\n<p><b><u>\u00a0<\/u><\/b><\/p>\n<p><b><span lang=\"SQ\">Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)<\/span><\/b><\/p>\n<p><b><span lang=\"SQ\">\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.<\/span><\/b><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo ayaa markii\u00a0 labaad sharfay Diinta Islaamka ka dib markuu Afur iyo Casho u sameeyey tartamayaashii Xifdiga Qur\u2019aanka Kariimka ah ee kaalmaha hore ka galay, munaasibad ku qabsoontay qasriga madaxtooyada galabta. Munaasibad tan ka horaysay ayaa ahayd afur iyo casho sharaf madaxweynuhu u sameeyey afurkii kan ka horeeyey haldoorka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":22193,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-22192","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5LW","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22192","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22192"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22192\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22192"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22192"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22192"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}