{"id":22129,"date":"2016-06-14T19:45:47","date_gmt":"2016-06-14T19:45:47","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=22129"},"modified":"2016-06-14T19:45:47","modified_gmt":"2016-06-14T19:45:47","slug":"kulmiye-oo-madal-la-isku-arkay-ugu-fooladeeyey-prof-samatar-oo-si-rasmi-ah-ugu-biiray-xisbiga-guddoomiye-muuse-oo-faahfaahiyey-heshiiska-dhexmaray-prof-samatar-dareenka-cabdiraxmaan-saylici-mo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/06\/14\/kulmiye-oo-madal-la-isku-arkay-ugu-fooladeeyey-prof-samatar-oo-si-rasmi-ah-ugu-biiray-xisbiga-guddoomiye-muuse-oo-faahfaahiyey-heshiiska-dhexmaray-prof-samatar-dareenka-cabdiraxmaan-saylici-mo\/","title":{"rendered":"KULMIYE oo Madal la Isku Arkay ugu Fooladeeyey Prof. Samatar oo si Rasmi  ah ugu Biiray Xisbiga Guddoomiye Muuse oo faahfaahiyey heshiiska dhexmaray Prof. Samatar +  Dareenka Cabdiraxmaan Saylici + mowqifka aqoonyahanka iyo guusha uu uu  tilmaamay Amb. Cawil"},"content":{"rendered":"<p><strong>KULMIYE oo Madal la Isku Arkay ugu Fooladeeyey Prof. Samatar oo si Rasmi <\/strong><br \/>\n<strong>ah ugu Biiray Xisbiga<\/strong><br \/>\n<strong>Guddoomiye Muuse oo faahfaahiyey heshiiska dhexmaray Prof. Samatar + <\/strong><br \/>\n<strong>Dareenka Cabdiraxmaan Saylici + mowqifka aqoonyahanka iyo guusha uu uu <\/strong><br \/>\n<strong>tilmaamay Amb. Cawil<\/strong><br \/>\n<strong>Boorama (AN)- Xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa <\/strong><br \/>\n<strong>madal la ilyartu is-qabatay ugu fooladeeyey aqoonyahanka ah caanka ah ee <\/strong><br \/>\n<strong>Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo si rasmi ah ugu biiray xisbiga maanta.<\/strong><br \/>\n<strong>Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka cusub ee SAW ee magaalada <\/strong><br \/>\n<strong>Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, kana qaybgaleen hoggaanka sare ee <\/strong><br \/>\n<strong>xisbiga KULMIYE oo ay ku jiraan Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. <\/strong><br \/>\n<strong>Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu mar kale jagadaasi <\/strong><br \/>\n<strong>ugu tartami doona xisbiga doorashada soo socoda, Guddoomiyaha, ahna <\/strong><br \/>\n<strong>Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, <\/strong><br \/>\n<strong>siyaasiga caanka ah ee horena u soo ahaan jiray Wasiirka Maaliyadda Amb. <\/strong><br \/>\n<strong>Xuseen Cali Ducaale (Cawil), wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan <\/strong><br \/>\n<strong>xukuumadda xisbal-xaakimka ee hadda, madaxdhaqameed fara badan, <\/strong><br \/>\n<strong>siyaasiyiin iyo boqolaal dadweyne ah, ayaa lagu soo dhaweeyey Prof. <\/strong><br \/>\n<strong>Axmed Ismaaciil Samatar oo isna halkaasi ka shaaciyey inuu mid noqday <\/strong><br \/>\n<strong>xisbiga KULMIYE oo uu xusay inay qancisay siyaasaddiisa iyo hoggaaminta <\/strong><br \/>\n<strong>madaxdiisuba.<\/strong><br \/>\n<strong>Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxwweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi <\/strong><br \/>\n<strong>Cabdi oo dareen farxad iyo dhoollacadayn badan ah ku qaabilay ku <\/strong><br \/>\n<strong>biiritaanka aqoonyahan Samatar ee xisbigiisa, isagoo ku macneeyey inuu <\/strong><br \/>\n<strong>xisbigu hantiyey halyey la hubo inuu wax badan ku soo kordhin doono.<\/strong><br \/>\n<strong>\u201cXafladdani waa guul Somaliland u soo hoyatay, waa guul u soo hoyatay <\/strong><br \/>\n<strong>Gobolka Awdal oo maanta mar kale qoray taariikhda ay ku leeyihiin <\/strong><br \/>\n<strong>Somaliland horumarkeeda iyo dhismaheeda, waxay farxad gaar ah u tahay <\/strong><br \/>\n<strong>xisbiga KULMIYE oo maanta ku guulaystay wixii ay xisbiyadu u tartameen <\/strong><br \/>\n<strong>oo nin waliba isku dayey inuu iska iibiyo oo uu qanciyo Prof. Axmed <\/strong><br \/>\n<strong>Ismaaciil Samatar oo caalamka oo dhan aad codkiisa ka dhegaysataan. <\/strong><br \/>\n<strong>Haddaanu KULMIYE nahay waxa noo farxad ah ugu yaraan inaanu ka gudubnay <\/strong><br \/>\n<strong>ugu yaraan imtixaankii uu Professar-ku naga qaaday,\u201d ayuu yidhi Muuse <\/strong><br \/>\n<strong>Biixi.<\/strong><br \/>\n<strong>Murrashaxa Muuse Biixi waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey heshiiska ay <\/strong><br \/>\n<strong>wada galeen Prof. Samatar ee uu kaga midka noqday xisbiga KULMIYE, <\/strong><br \/>\n<strong>waxaannu yidhi, \u201cDadku waxay isweydiinayaan tolow Axmed Ismaaciil <\/strong><br \/>\n<strong>Samatar waatan looga dabbaaldegayo KULMIYE ee maxay ku heshiiyeen. <\/strong><br \/>\n<strong>Waxaannu ku heshiinay kow Prof. Axmed Ismaaciil Samatar inuu cimrigiisa <\/strong><br \/>\n<strong>inta ka hadhay uu dantiisa gaarka ah tuuro oo uu u tafo-xayto oo danta <\/strong><br \/>\n<strong>qaranka ka shaqeeyo, taasna waanu ka guddoonay. Waxaannu sidoo kale ku <\/strong><br \/>\n<strong>heshiinay haddii aannu KULMIYE nahay waxaannu kula heshiinay in <\/strong><br \/>\n<strong>magacayayaga halka ugu horraysaa ay tahay xisbiga midnimada Somaliland <\/strong><br \/>\n<strong>oo uu KULMIYE u taagan yahay in Somaliland gees ilaa ka gees ay ummaddu <\/strong><br \/>\n<strong>noqoto mid qudha ah, sharcigu sarreeyo, xuquuq siman leh oo wax wada <\/strong><br \/>\n<strong>leh. Waxaannu ku heshiinay in Somaliland nabadda ay haysato iyo <\/strong><br \/>\n<strong>horumarka ay dhisato ee caalamku iska indho-tirayo ee marka laga soo <\/strong><br \/>\n<strong>qaado Turkiga oo kale oo ilaa haatan dhisaya midnimo aanaan garanayn <\/strong><br \/>\n<strong>meel uu ku wado oo dhimatay lixdankii inaannu u wada gurmano.<\/strong><br \/>\n<strong>Sidoo kale waxaannu ku heshiinay in qarankeena laga saaro musuqa, shaqo <\/strong><br \/>\n<strong>la\u2019aanta iyo hayb-sooca beelaha qaarkood, waxaannu sidoo kale ku wada <\/strong><br \/>\n<strong>soconaa inaannu qarankeena ugu hawlgalno sidii uu u noqon lahaa dal <\/strong><br \/>\n<strong>dadkiisu wada leeyihiin oo wiilka Borama u dhashay uu u shaqo tagi karo <\/strong><br \/>\n<strong>Ceerigaabo oo ka ku shashay Ceerigaabo uu degi karo Gabiley isagoo aan <\/strong><br \/>\n<strong>qaloonayn oo aynu dalkeena ka saarno qoqobka uu maanta ku jiro.\u201d<\/strong><br \/>\n<strong>Guddoomiyuhu waxa uu caddeeyey inuu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ka mid <\/strong><br \/>\n<strong>noqon doono ruug-caddaaga xisbiga KULMIYE yeelan doono, \u201cHaddii aynu <\/strong><br \/>\n<strong>KULMIYE nahay si kal iyo laab ah halla iila soo dhaweeyo inuu Prof. <\/strong><br \/>\n<strong>Axmed noqdo odayaasha ruug-caddaaga ah ee xisbiga KULMIYE.\u201d<\/strong><br \/>\n<strong>Ugu dambayntii, Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in KULMIYE iyo <\/strong><br \/>\n<strong>xukuumaddiisu ka tashan doonaan dhexdhexaadnimada dawladda Turkiga ee <\/strong><br \/>\n<strong>Somaliland iyo Soomaaliya, \u201cDawladda Turkiga waxaan leeyahay ku <\/strong><br \/>\n<strong>noqonmayso dhexdhexaadin iyo mid ay doonayso inay dhexdhexaadin ku hesho <\/strong><br \/>\n<strong>waxa ay doonayso inay Xamar-na ciidan u dhisto la doonayo in aniga la <\/strong><br \/>\n<strong>iigu hanjabo oo ay horumarin ku samayso, Somaliland-na ay ka <\/strong><br \/>\n<strong>cuno-qabatayso waxa ay bixinayso, taasna dawladda Somaliland, xisbigeeda <\/strong><br \/>\n<strong>iyo umaddeeduba dib bay u eegi doontaa.\u201d<\/strong><br \/>\n<strong>Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna musharraxa jagadaasi <\/strong><br \/>\n<strong>ee mar labaad u taagan xisbiga KULMIYE doorashada soo socota Md. <\/strong><br \/>\n<strong>Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna halkaas ka <\/strong><br \/>\n<strong>hadlay, ayaa isna si farxadi ku dheehan tahay u soo dhaweeyey <\/strong><br \/>\n<strong>aqoonyahanka oo uu ku tilmaamay mid guul ah Somaliland, si gaar ahna ugu <\/strong><br \/>\n<strong>ah isaga iyo Guddoomiye Muuse Biixi.<\/strong><br \/>\n<strong>Md. Saylici waxa uu muujiyey kalsoonida uu ku qabo Prof. Samatar, isagoo <\/strong><br \/>\n<strong>carrabaabay in aannu isagu ahayn nin uga baqaya xilkiisa, maadaamba uu <\/strong><br \/>\n<strong>yidhi, \u201cSiyaasiyiinta marka mid kale oo reerkooda ahi yimaado cabsi baa <\/strong><br \/>\n<strong>gasha, horta qofna qofka kale calafkiisa ma cuno, waxaanan aaminsahay <\/strong><br \/>\n<strong>inuu iga cilmi badan yahay, iga aqoon badan yahay oo uu walaalkay oo iga <\/strong><br \/>\n<strong>weyn yahay oo uu wax uun ii tari doono, waanan ku faraxsanahay inuu <\/strong><br \/>\n<strong>taladiisii ku soo darsado xisbiga KULMIYE.\u201d<\/strong><br \/>\n<strong>\u201cAxmed wasiir iyo wax loo ballanqaado wuu ka weyn yahay, waxaannuse ku <\/strong><br \/>\n<strong>qancinay waar maanta calafkii annaguu na siiyee xagayaga nala eeg, <\/strong><br \/>\n<strong>waxaanuna garanay inuu walaalkayo nala joogo oo uu mus-dambeedka xisbiga <\/strong><br \/>\n<strong>noo noqdo sida Aayatulaha dalka Iran oo kale,\u201d ayuu Prof. Samatar.<\/strong><br \/>\n<strong>Dhinaca kale, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo isagu ahaa shakhsiga loo <\/strong><br \/>\n<strong>goleeyey madasha KULMIYE iyo xukuumaddiisu ugu fooladaynayeen ku soo <\/strong><br \/>\n<strong>biiristiisa xisbiga, ayaa khudbad dheer oo uu halkaasi ka jeediyey kaga <\/strong><br \/>\n<strong>hadlay dareenkiisa ku aaddan soo dhawaynta loo sameeyey, ka mid <\/strong><br \/>\n<strong>noqoshadiisa KULMIYE, waxa uu ku soo kordhin karo iyo mabaadi\u2019da uu <\/strong><br \/>\n<strong>aaminsanyahay ee Somaliland ku horumari karto.<\/strong><br \/>\n<strong>\u201cMaanta waa maalin aad iigu dheer oo aan qalbigayga ka bixi doonin, <\/strong><br \/>\n<strong>waxaanay la mid tahay oo ay agtaalaa maalintii aan dalkayga ku soo <\/strong><br \/>\n<strong>noqday ee ku soo wareegay 2013, ruuxayga iyo dhiigaygana aad iyo aad bay <\/strong><br \/>\n<strong>ugu jirtaa in sharafka caynkan oo kale ah la i siiyo,\u201d ayuu yidhi Axmed <\/strong><br \/>\n<strong>Ismaaciil Samatar, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, <\/strong><br \/>\n<strong>\u201cWaxaan doonayaa inaan si weyn u caddeeyo inaan goostay talo ah inaan <\/strong><br \/>\n<strong>wax ku soo biiriyo ummaddan Somaliland horumarkeeda anigoo gelaya oo <\/strong><br \/>\n<strong>isticmaalaya xisbiga KULMIYE, in badan ayaanan dad badan talo weydiiyey <\/strong><br \/>\n<strong>oo aan la sheekaystay, laakiin waxaan mabsuud ku ahay inaan soo gaadhay <\/strong><br \/>\n<strong>talo ah anigoo kalsooni weyn qaba inaan horumarka Somaliland ka <\/strong><br \/>\n<strong>qaybgalo, anigoo xubin ka ah xisbiga KULMIYE, aniga iyo Muuse <\/strong><br \/>\n<strong>mabda\u2019ayagu aad buu iskugu soo dhawaanay.\u201d<\/strong><br \/>\n<strong>Wasiirkii hore ee Maaliyadda xukuumaddii UDUB Amb. Xuseen Cali Ducaale <\/strong><br \/>\n<strong>(Cawil) oo isna dhawaan la filayo in xisbiga KULMIYE xaflad soo dhawayn <\/strong><br \/>\n<strong>ah u sameeyo, ayaa ku biirista Prof. Samatar ee KULMIYE ku macneeyey, <\/strong><br \/>\n<strong>\u201cWaxa maanta xisbiga KULMIYE ku soo biiray nin culus oo miisaan leh oo <\/strong><br \/>\n<strong>kartidiisa iyo aqoontiisa leh, adduunkana xidhiidh ballaadhan ku leh, <\/strong><br \/>\n<strong>waana guul u soo hoyatay Somaliland iyo xisbiga KULMIYE-ba.\u201d<\/strong><br \/>\n<strong>Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Cismaan <\/strong><br \/>\n<strong>Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim <\/strong><br \/>\n<strong>Habane iyo Khayraadka Biyaha Md. Baashe Cali Jaamac iyo weliba <\/strong><br \/>\n<strong>Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin <\/strong><br \/>\n<strong>Axmed, ayaa hadallo ay ka jeediyeen madasha si wayn ugu soo dhaweeyey <\/strong><br \/>\n<strong>xisbiga Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ay tilmaamo ka bixiyeen <\/strong><br \/>\n<strong>heerkiisa aqooneed ee loo baahan yahay in laga faa\u2019iidaysto, iyagoo <\/strong><br \/>\n<strong>sidoo kalena si xeel-dheer uga warramay taariikhda facawayn ee xisbiga <\/strong><br \/>\n<strong>KULMIYE oo uu ku mutaystay inuu noqdo xisbiga astaanta u ah midnimada <\/strong><br \/>\n<strong>iyo horumarka dalka oo ay sabab u tahay furfurnaanta siyaasaddiisa iyo <\/strong><br \/>\n<strong>aragtida fog ee hoggaamiyayaashiisa laga soo bilaabo Madaxweynaha hadda <\/strong><br \/>\n<strong>talada haya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.<\/strong><br \/>\n<strong>Sidoo kale, madaxdhaqameed isugu jiray salaadiin iyo cuqaal ay ku jireen <\/strong><br \/>\n<strong>Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, <\/strong><br \/>\n<strong>Caaqil Dayib Cabdi Ciidle iyo qaar kale, ayaa iyaguna bogaadiyey <\/strong><br \/>\n<strong>tallaabada uu Prof. Samatar kaga mid noqday xisbal-xaakimka, isla <\/strong><br \/>\n<strong>markaana waxay ku macneeyeen in tani u horseedayso xisbiga inuu mar kale <\/strong><br \/>\n<strong>talada waddanka hanto.<\/strong><br \/>\n<strong>Geesta kale, siyaasiga Maxamed Axmed Caalin (Timbaro), ayaa isna <\/strong><br \/>\n<strong>xafladdaasi ka shaaciyey inuu si rasmi ah ugu biiray xisbiga KULMIYE oo <\/strong><br \/>\n<strong>uu aqoon, talo iyo xoog wixii uu hayo ku biirinayo.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>KULMIYE oo Madal la Isku Arkay ugu Fooladeeyey Prof. Samatar oo si Rasmi ah ugu Biiray Xisbiga Guddoomiye Muuse oo faahfaahiyey heshiiska dhexmaray Prof. Samatar + Dareenka Cabdiraxmaan Saylici + mowqifka aqoonyahanka iyo guusha uu uu tilmaamay Amb. Cawil Boorama (AN)- Xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa madal la ilyartu is-qabatay ugu fooladeeyey aqoonyahanka ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":22097,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,1,2],"tags":[],"class_list":["post-22129","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-uncategorized","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5KV","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22129","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22129"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22129\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22129"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22129"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22129"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}