{"id":21991,"date":"2016-06-08T08:28:08","date_gmt":"2016-06-08T08:28:08","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyo.net\/?p=21991"},"modified":"2016-06-08T08:28:08","modified_gmt":"2016-06-08T08:28:08","slug":"somaliland-muwaadin-magaca-somaliland-kaga-qeyb-galay-shirkii-cimiladda-adduunka-ee-jarmalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/06\/08\/somaliland-muwaadin-magaca-somaliland-kaga-qeyb-galay-shirkii-cimiladda-adduunka-ee-jarmalka\/","title":{"rendered":"Somaliland:-Muwaadin Magaca Somaliland Kaga Qeyb-galay Shirkii Cimiladda Adduunka Ee Jarmalka"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Guddoomiyihii hore ee jaaliyadda Somaliland ee Jarmalka, Mr. Maxamed Xuseen, ayaa\u00a0 magaca Jamhuuriyadda Somaliland kaga qeyb galay shirkii cimiladda adduunka ee lagu soo gabo-gabeeyay\u00a0 dalka Jarmalka.<\/p>\n<p>Maxamed Xuseen waxa qoraal uu soo saaray shalay tafaasiil kaga bixiyay qoddobadii shirkan lagaga hadlay.\u201cShirkan cimillada adduunka oo ka socday magaalada Bon ee wadanka Jarmalka maalmihii la soo dhaafay,ayaa waxa lasoo gabo-gabeeyay Arbacadii.<\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaag.ca\/attached\/klimawandel_850.jpg?w=696\" alt=\"\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen\u00a0\u00a0 dalalka\u00a0 caalamka oo dhammi,waxaa lagaga doodayay sidii wax looga qaban lahaa cimilada adduunka ee marba marka ka dambaysa sii kululaanaysa. Waxa kale oo jira Roobabkii oo yaraaday ama aan da\u2019y xilliyadoodii.Barafkii fadhiyay oo dhalaalaya,biyaha bada oo<\/p>\n<p><span id=\"spnCOntent\">2 ku jiray ka sii yaraanayo,iyo waliba biyaha badda oo 15 cm sare u kacay taas oo laga yaabo inay badu dul marto dalalka\u00a0 jasiiradaha ah haddaba maxaa soo baxay\u00a0 inay cimilada adduunku is bedasho,\u201dayuu yidhi Maxamed Xuseen, waxaanu intaas ku daray \u201cSaynis yahanada adduunku waxa ay u dhigayaan sidan Aduunkan aynu ku nool nahay waxa uu ka koobanyahay 70% biyo halka 30% waa dhulka aynu deegaanka ah ee wax laga beerto\u00a0 qeybna Baraf baa saaran,laga soo bilaabo 1971-kii illaa 2015-ka.\u201d<\/span><\/p>\n<table border=\"1\" cellspacing=\"1\" cellpadding=\"1\">\n<tbody>\n<tr>\n<td><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaag.ca\/attached\/Shirka-cimiladda-adduunka.jpg?w=696\" alt=\"\" \/><\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>\u201cWaxa adduunka lagu sii daynayay Co2 qiiqan kaarboonka kaas oo ka imanaya wershadahan faraha ka batay ee dalalka hore u maray Gawaadhidii oo ciidaa ka badatay,diyaaradihii oo ciidaa ka batay maraakiibtii oo dhamaantood\u00a0 adduunka qiiqa kaarboon ku sii wada daynaya,CH4 oo loo yaqaan Methan oo Atomusfeerka adduunka oo\u00a0 25% sare u kacay,\u201dayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Somaliland ee Germany.<\/p>\n<p>Mr. Maxamed Xuseen waxa uu hadlay qoddobadii ay saynis-yahanadii shirka ka soo qeyb galay ay soo jeediyeen, waxaanu yidhi \u201cSaynis yahanadii ka qeyb galay shirkan waxay ku doodayaan\u00a0 haddii\u00a0 aan wax laga qaban mushkiladan\u00a0 in sannadkan 2050-ka\u00a0 adduunka waxa\u00a0 ku imanaya isbedallo waaweyn oo adduunka oo dhan laga dareemi doono,sida duufaanno dabylo wata,roobka oo di\u2019I waaya,wabiyada oo gudha. Su\u2019aashu waxa weeye go\u2019aankan shirkan la gaadhay ee ah in la yareeyo kaarboonka.wershadaha waxa ku xidhan dhaqaaalahooda,kuwa gawaadhida sameeya kuwa biraha dhalaaliya kuwa laydhka dhaliya. wershadahan\u00a0 oo maalinba maalinta ka dambaysa adduunka aad ugu soo badanaya sida Shiinaha,\u00a0 Maraykanka,\u00a0 Ruushka, Hindiya iyo Yurub dhammaantood dhaqaaalahooda ayaa ku tiirsan,sida dadka qaarkood ay aaminsan yihiin isbedalka cimiladdu yahay wax xaga rabbi ka qoran oo ifafaalle u ah gabo-gabadii adduunka.\u201d<\/p>\n<p>\u201cShirkan cimiladda kii\u00a0 ka horeeyay waxa lagu qabtay wadanka magaaladda Paris ee dalka Faransiiska,ayaan ka qeyb galay waxaanan ka ga qeyb galay magaca Somaliland,wasaarada Arrimaha dibada waxaan ku dhiiri gelinayaa inay shirarka noocan oo kala ah ka\u00a0 qeyb galaan waayo cid innaga hor-joogsanaysaa ma jirto,wax kastaaba meel sax ah oo loo maro ayay leedahay,dadka safiirrada loo magacaabayaa ha noqdeen dad u jajaban,kana soo bixi kara hawsha loo igmaday,\u201dayuu ku soo gabo-gabeeyay qoraalkiisa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Guddoomiyihii hore ee jaaliyadda Somaliland ee Jarmalka, Mr. Maxamed Xuseen, ayaa\u00a0 magaca Jamhuuriyadda Somaliland kaga qeyb galay shirkii cimiladda adduunka ee lagu soo gabo-gabeeyay\u00a0 dalka Jarmalka. Maxamed Xuseen waxa qoraal uu soo saaray shalay tafaasiil kaga bixiyay qoddobadii shirkan lagaga hadlay.\u201cShirkan cimillada adduunka oo ka socday magaalada Bon ee wadanka Jarmalka maalmihii la soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18296,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-21991","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5IH","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21991","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21991"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21991\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21991"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21991"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21991"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}