{"id":21591,"date":"2016-05-21T15:40:47","date_gmt":"2016-05-21T15:40:47","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=21591"},"modified":"2016-05-21T15:40:47","modified_gmt":"2016-05-21T15:40:47","slug":"siyaasi-ismaaciil-buubaa-oo-markii-ugu-horeysay-durey-siyaasada-somaliya-ee-ku-wajahan-somaliland-iyo-sharaxayna-farqiga-u-dhaxeeya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/05\/21\/siyaasi-ismaaciil-buubaa-oo-markii-ugu-horeysay-durey-siyaasada-somaliya-ee-ku-wajahan-somaliland-iyo-sharaxayna-farqiga-u-dhaxeeya\/","title":{"rendered":"SIYAASI ISMAACIIL BUUBAA OO MARKII UGU HOREYSAY DUREY SIYAASADA SOMALIYA EE KU WAJAHAN SOMALILAND IYO SHARAXAYNA FARQIGA U DHAXEEYA."},"content":{"rendered":"<div class=\"newscontent\">\n<p>Hargaysa(AN Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta dalka Somaliya, wuxuu ku tilmaamay inaanay fahamsanayn in Somaliland ahayd maamul siyaasadeed oo jiray ka hor midnimadii lixdankii ay la gashay dalka Somaliya.<\/p>\n<p>Md. Buubaa, oo farriimo ku qoray bartiisa uu ku leeyahay twitterka, wuxuu sheegay in siyaasiyiin reer Somaliland ahi ay iyaguna u socdaan, una hadlaan sidii oo ay yihiin gooni u goosad, iyadoo aanay Somaliland ahayn gooni u goosad, wuxuu tusaale u soo qaatay in Puntland oo kale ay tahay waxa loo yaqaano gooni u goosad. \u201cIn badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Muqdisho ma\u2019 fahamsana, in Somaliland ay tahay maamul degel siyaasadeed oo jiray ka hor midnimadii ay Soomaaliya la gashay sannadkii 1960kii.\u201d ayuu yidhi Ismaaciil Buubaa, oo intaas raaciyay \u201cSomaliland iyo Soomaaliya\u00a0 waxay sameeyeen laba maamul oo midoobey. Doonistooda ayuun baa ay ku kala go\u2019i karaan ama ku sii midaysnaan karaan. Mana\u2019aha goosasho.\u201d<\/p>\n<\/div>\n<p>Ismaaciil Buubaa oo sharaxaya gooni u goosadka wuxuu yidhi \u201cGooni-goosadku waa tallaabo sharci darro ah, oo lagaga go\u2019ayo dawlad deegaankeeda siyaasiga ahi cad yahay, waa sida Puntland oo ka go\u2019day Soomaaliya. Caadi iyo caadi la\u2019aan midna ma\u2019aha.\u201d<\/p>\n<p>Wuxuu markan la hadlayaa siyaasiyiin reer Somaliland ah oo uu xusay inay sida gooni u goosadka u socdaan, waxaanu yidhi \u201cWaxaa jira siyaasiyiin tiro badan, oo u socda una hadla sida gooni goosadka, iyada oo Somaliland aanay ahayn maamul gooni goosad ah.\u201d<\/p>\n<p>Buubaa oo ugu dambayn ka hadlaya Midowgii lixdankii ee Somaliland iyo Somaliya wuxuu yidhi \u201cSannadkii 1960 waxa ay ahayd midnimada laba gobal oo Soomaaliyeed, laakiin waxaa burburiyey, waallida maamul jacayl ee Soomaaliya. Xitaa imika Jamhuuriyaddii Soomaaliya (Ee lagu midoobey) waxa ay noqotay dawladda Federaalka Soomaaliya.\u201d<\/p>\n<p>Source Geeska.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta dalka Somaliya, wuxuu ku tilmaamay inaanay fahamsanayn in Somaliland ahayd maamul siyaasadeed oo jiray ka hor midnimadii lixdankii ay la gashay dalka Somaliya. Md. Buubaa, oo farriimo ku qoray bartiisa uu ku leeyahay twitterka, wuxuu sheegay in siyaasiyiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10431,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-21591","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5Cf","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21591","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21591"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21591\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21591"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21591"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21591"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}