{"id":21199,"date":"2016-05-02T11:19:49","date_gmt":"2016-05-02T11:19:49","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=21199"},"modified":"2016-05-02T11:19:49","modified_gmt":"2016-05-02T11:19:49","slug":"khilaafkii-xisbiga-ucid-oo-mar-kale-dib-u-bilaabmay-iyo-hadalada-ay-masuuliyiinta-xisbiga-ucid-isdhaafsadeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/05\/02\/khilaafkii-xisbiga-ucid-oo-mar-kale-dib-u-bilaabmay-iyo-hadalada-ay-masuuliyiinta-xisbiga-ucid-isdhaafsadeen\/","title":{"rendered":"Khilaafkii Xisbiga UCID Oo Mar Kale Dib U Bilaabmay Iyo Hadalada Ay Masuuliyiinta Xisbiga UCID Isdhaafsadeen"},"content":{"rendered":"<div id=\"main\" class=\"col-xs-8 clearfix\">\n<article id=\"post-7406\" class=\"clearfix post-7406 post type-post status-publish format-standard has-post-thumbnail hentry category-news\">\n<section class=\"post_content clearfix\">Arabsiyo News&#8212;Waxa markale dib usoo ifbaxay khilaaf xogan oo ka\u00a0dhex taagnaa masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee UCID kaasi o muddo badaan soo jiitamayay.<\/p>\n<p>Waxaana masuusliyiinta xisbiga UCID ay warbaahinta isku marinayeen maalmahanba hadalo layskugu jawaabayo, iyaga oo garabka aqoonyahan Jamaal Cali Xusen ay dhawaan dacwad ka dhan ah gudoomiye Faysal Cali Waraabe u gudbiyeen gudida diwaangalinta ururada siyaasada.<\/p>\n<p>Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa isagu dhankisa ku adkaysanaya inay dacwadan macal u gudbiyaan maxkamada si loo kala saaro, halka gudoomiye Faysal uu diidan yahay in maxkamad la geeyo xisbiga taasin waxay sababtay inay hadalo xanaf leh ay warbaahinta\u00a0 iskumariyaan.<\/p>\n<p>Dhanka kale gudoomiye Faysal ayaa mudooyinkii u danbeeyey xilalka ka qaadayay masuuliyiin sar sare oo ka mida xisbiga UCID taasi oo ay u danbaysay kadib markii uu habeen hore uu sheegay inuu xilkii ka qaaday xoghayahii golaha dhexe ee xisbiga UCID Xasan Cismaan Sabca isla markaaan\u00a0aan ilaa hada la garanayn sababta kalfitay xilka kaaqadista masuuliyiinta.<\/p>\n<p>Aqonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ah musharaxa xisbiga UCID \u00a0iyo xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga UCID ayaa iyaguna shir jaraa\u2019id oo ay qabteen waxay ku daadifeeyeen warsaxaafadeedka uu soo saray gudoomiye Faysal ee uu sheegay inuu xilkii kaga qaaday xoghayhihii golaha dhexe, iyaga oo dhanka kalena gudoomiye Faysal ugu baaqay inuu iscasilo ka hor intaan la gaadhin shirwaynaha golaha dhexe.<\/p>\n<p>Waxana xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga UCID uu ka dhawaajiyay inuu fashilin doono siro badan oo uu ka hayo gudoomiye Faysal.<\/p>\n<p>\u201cwaxaan ka arkayay warbaahinta gudoomiyaha oo waraaq soo qoray uu leeahay waxan shaqadii ka joojiyay xoghayihiin golaha dhexe,somaliduna waxay odhan jirtay hada ayuu sii go\u2019ay maydkaa lasii sidaa markaa faysal cali waraabena iminka ayuu sii go;ay, golaha dhexe ayuunbaana awood u leh inay shaqada ka joojiyaan xoghayaha golaha dhexe, bulshada Somaliland wxaan u sheegaya dadkaa u leeyahay shaqada Ayaan ka eryay Faysal xaal baan ka bixinaynaa\u201d<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ugu baaqaynaa maxakmada iyo gudida diiwaangalinta ururada inay dacwadayada si deg deg ah u galaan oo ay go\u2019aamo uga\u00a0 soo saaraan, taageerayaashana waxaan leeyahay ha niyad jabina halkii u danbaysay ayaynu maraynaa<\/p>\n<p>Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo isna khadka telefoonka lagula xidhiidhay ayaa waxa uu mark kale ka dhawaajiyay inaanu aqonyahan Jamaal Cali Xuseen ahay musharaxa u tartamaya jagada madaxwaynenimo ee xisbiga UCID balse ay shirwaynaha golaha dhexe kusoo dooran doonan.<\/p>\n<p>Sidoo kalena waxa uu sheegay inaanay haba yaraate jirin wax cod sir oo uu\u00a0 ka hao xoghayaha golaha dhexe.<\/p>\n<p>\u201cwaxaasi wax aan ka jawaabo ma aha in nin weyni warbaahinta la soo hor fadhiistana ma aha anigu wax gaar ah oo aanu Sabca aanu isku ognahay ma jirto Sabca sida golaha dhexe loo doortey ayaa loo doortey sida aan xoghayayaasha kale aan u magacaabo ayaan u magacaabey anaa awooda siiyey oo magacaabey\u00a0 aniga\u00a0 ayaana xilka ka qaadi kara oo sharcigu awood ii siiyey hadana falalkii uu ku kacay ayey gudida anshaxu baadheysaa talaabana\u00a0 waa laga gaadhayaa \u201d<\/p>\n<p>\u201cHorta waan ka xumahay in aad Jamaal aad musharax ku sheegto\u00a0 xisbiga UCID musharax ma laha musharaxna ma aha Jamaal insha alleh xisbigu uu sameyn doona musharax\u00a0 , go,aan aan soo saaro musharax beenin karaa ma jiro\u00a0 waa nin u waashey\u00a0 musharaxnimo lakiin musharaxnimada aflagaaado laguma helo tartan iyo akhlaaq baa lagu helaa markaas waxba u jawaabi maayo anigu\u201d ayuu hadalkiisii ku soo koobay Faysal Cali Waraabe .<\/p>\n<p>Hadaladan xanafta leh ee ay warbaahinta isku marinayaan masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa waxay sababtay inuu maalinba maalinta ka danbaysa uu kor usii kaco khilaafka xoogan ee ka dhaxeeya masuuliyiinta xisbiga UCID iyada oo dhanka kalena la filayo inay dacwada ay garabka Jamaal Gudbiyeena ay socon doonto ilaa maxkamada. balse waxaaan ilaa hadana laga garanayn sababta ay gudida diiwaangalinta ururada siyaasada ee dacwada loo gudbiyay ay ilaa hada wax jawaaba looga hayn.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo Desk<\/p>\n<p>ArabsiyoNews@gmail.com<\/p>\n<\/section>\n<\/article>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Waxa markale dib usoo ifbaxay khilaaf xogan oo ka\u00a0dhex taagnaa masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee UCID kaasi o muddo badaan soo jiitamayay. Waxaana masuusliyiinta xisbiga UCID ay warbaahinta isku marinayeen maalmahanba hadalo layskugu jawaabayo, iyaga oo garabka aqoonyahan Jamaal Cali Xusen ay dhawaan dacwad ka dhan ah gudoomiye Faysal Cali Waraabe u gudbiyeen gudida [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":5210,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-21199","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5vV","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21199","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21199"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21199\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21199"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21199"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21199"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}