{"id":21188,"date":"2016-05-01T13:50:55","date_gmt":"2016-05-01T13:50:55","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=21188"},"modified":"2016-05-01T13:50:55","modified_gmt":"2016-05-01T13:50:55","slug":"waftigii-uu-hogaaminayey-gudoomiye-muuse-biixi-oo-kulan-la-qaatay-wasiirka-arimaha-dibada-dalka-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/05\/01\/waftigii-uu-hogaaminayey-gudoomiye-muuse-biixi-oo-kulan-la-qaatay-wasiirka-arimaha-dibada-dalka-kenya\/","title":{"rendered":"Waftigii uu hogaaminayey Gudoomiye Muuse Biixi oo kulan la qaatay Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Kenya"},"content":{"rendered":"<pre><strong>Hargaysa(AN) Weftigii Somaliland ee ay xubnaha ka ahaayeen Guddoomiyaha, ahna \nmurrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ee maalmahanba socdaalka shaqo ku joogay magaalada Nairobi, ayaa la kulmay Wasiirka \nKhaarajiga dalka Kenya Marwo Aamina Maxamed maanta.Kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed iyo weftiga Somaliland ee Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi, Wasiirka Khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi Cali oo ku wehelinayey oo wadahadalkiisu qaatay muddo saacado ah, waxa labada dhinac ku falanqeeyeen arrimo kala duwan oo ku saabsan xidhiidhka labada waddan iyo shacabkooda, qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo arrmo kale.Qodobada ugu muhiimsan ee weftiga Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka wadahadleen waxa ka mid ahaa\uf0d8 In koloo sii qaado xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya.In xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kor loo qaado darajadiisa dublomaasiyadeed, iyadoo arrintaasi ay si buuxda u ogolaatay dawladda Kenya.In dawladda Kenya si rasmi ah xafii uga furato caasimadda Somaliland ee Hargeysa si kor loogu qaado xidhiidhka, isu-socodka dadka iyo xoojinta ganacsiga u dhexeeya labada dal. Masuuliyiinta Somaliland waxay kala hadleen dawladda Kenya inay ku taageerto Jamhuuriyadda Somaliland qaddiyadeeda gooni-isutaagga iyo \naqoonsi ay beesha caalamka ka hesho.Weftiga Somaliland waxay waydiisteen dawladda Kenya inay deeqo waxbarasho siiso ardayda Somaliland. Waxa kaloo labada dhinac ka wadahadleen <\/strong>\n<strong>sidii labada dal u wadaagi lahaayeen wixii waayo-aragnimo iyo khibrad ah ee ay is dheeryihiin, gaar ahaan dhinacyada Somaliland danaynayso ee ganacsiga, nidaamka bangiyada \ncaalamiga ah si ay ugu fududaato maalgashiga iyo ganacsiga shisheeye iyo \nkor-u-qaadida wax-soo-saarka beeraha.Ugu dambayntii, <\/strong>\n<strong>Wasiir Aamina waxay ka ogolaatay masuuliyiinta Somaliland in dawladda Kenya wefti sare u soo dirto caasimadda Hargeysa si ay uga qaybgalaan xuska sannad-guurada 25-aad ee maalinta <\/strong>\n<strong>Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May 2016.\nGuud ahaan kulankaasi waxa uu ku soo gabogaboobay jawi farxad iyo walaaltinimo huwan.\n\nALLAA MAHAD LEH.\n\n\n\nXasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)\n_________________________________\nAf-hayeenka Xisbiga KULMIYE<\/strong><\/pre>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN) Weftigii Somaliland ee ay xubnaha ka ahaayeen Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ee maalmahanba socdaalka shaqo ku joogay magaalada Nairobi, ayaa la kulmay Wasiirka Khaarajiga dalka Kenya Marwo Aamina Maxamed maanta.Kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":21190,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-21188","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5vK","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21188","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21188"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21188\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21188"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21188"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21188"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}