{"id":21167,"date":"2016-04-30T16:05:48","date_gmt":"2016-04-30T16:05:48","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=21167"},"modified":"2016-04-30T16:05:48","modified_gmt":"2016-04-30T16:05:48","slug":"hogaanka-kulmiye-oo-kormeeray-diwaan-galinta-codbixiyayasha-ee-casimada-hargaysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/04\/30\/hogaanka-kulmiye-oo-kormeeray-diwaan-galinta-codbixiyayasha-ee-casimada-hargaysa\/","title":{"rendered":"Hogaanka Kulmiye Oo Kormeeray Diwaan galinta Codbixiyayasha  ee Casimada Hargaysa"},"content":{"rendered":"<p><span class=\"null\">Hargaysa {AN}-Hoggaanka KULMIYE oo Kormeeray Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee\u00a0 Hargeysa Masuuliyiinta sare ee xisbigu waxay Madaxweyne Siilaanyo kala qaybgaleen\u00a0 is-diiwaangelinta codbixinta maalinta kowaad ee Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa (KULMIYE)- Hoggaanka sare ee xisbal-xaakimka Somaliland ee\u00a0 KULMIYE, ayaa kormeeray\u00a0 habsami-u-socodka hawsha diiwaangelinta\u00a0 codbixiyayaasha ee magaalada Hargeysa oo ah maalinta kowaad ee guud\u00a0 ahaan Gobolka Maroodi-jeex ay ka bilaabantay. Masuuliyiinta xisbiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad,\u00a0 ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, waxay kala\u00a0 qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed\u00a0 Siilaanyo oo iska-diiwaangeliyey xarunta Guriga Shaqaalaha saaka,\u00a0 halkaas oo sidoo kale xubno wasiirro ah iyo qaar ka mid ah madaxda\u00a0 xisbigu ka qaateen waraaqaha kaadhka codbixinta lagu gali doono\u00a0 doorashooyinka u qorshaysan dabayaaqada bisha March ee sannadka 2017. Waxa kaloo madaxda KULMIYE ka qaybgaleen madal Komishanka iyo madaxda\u00a0 axsaabta siyaasaddu ku shaacinayey bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta\u00a0 gobolka Maroodi-jeex, taas oo shacabka loogu baaqay inay si buuxda isku\u00a0 diiwaangeliyaan. Intaas kadib Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin\u00a0 oo ay wehelinayeen Xoghayaha guud ee xisbiga Xasan Siciid, Guddoomiyaha\u00a0 Golaha Dhexe Jaamac Shabeel, Afhayeenka xisbiga Xasan Gaadhaafi iyo\u00a0 saraakiil kale oo ka tirsan xisbigu bilaabeen kormeer ay ku soo mareen\u00a0 dhawr goobood diiwaangelineed oo ka mid ah kuwa dadweynaha laga siinayo\u00a0 waraaqaha kaadhadhka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xarunta Guriga\u00a0 Shaqaalaha, dugsiga 26-ka June, xarunta Agoomaha Hargeysa iyo meelo\u00a0 kale, kuwaas oo ay u kuurgaleen sida shaqadu u socoto, iyagoo si kooban\u00a0 uga xog-waraysanayey hawlwadeennada fulinaya diiwaangelinta siday hawshu\u00a0 ugu socoto iyo inay jiraan wax caqabado ahi. Waxa kaloo ay ku\u00a0 dhiirrigelinayeen dadweynaha inay u dulqaataan kuyuuga qaadashada\u00a0 kaadhka codbixinta.<\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo Desk<\/p>\n<p>ArabsiyoNews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa {AN}-Hoggaanka KULMIYE oo Kormeeray Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee\u00a0 Hargeysa Masuuliyiinta sare ee xisbigu waxay Madaxweyne Siilaanyo kala qaybgaleen\u00a0 is-diiwaangelinta codbixinta maalinta kowaad ee Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa (KULMIYE)- Hoggaanka sare ee xisbal-xaakimka Somaliland ee\u00a0 KULMIYE, ayaa kormeeray\u00a0 habsami-u-socodka hawsha diiwaangelinta\u00a0 codbixiyayaasha ee magaalada Hargeysa oo ah maalinta kowaad ee guud\u00a0 ahaan Gobolka Maroodi-jeex ay ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":14108,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-21167","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5vp","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21167","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21167"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21167\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21167"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21167"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21167"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}