{"id":20872,"date":"2016-04-20T14:16:57","date_gmt":"2016-04-20T14:16:57","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=20872"},"modified":"2016-04-20T14:16:57","modified_gmt":"2016-04-20T14:16:57","slug":"somaliland-oo-beesha-caalamka-u-gudbinaysa-gar-naqsiga-gooni-isku-taageedda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/04\/20\/somaliland-oo-beesha-caalamka-u-gudbinaysa-gar-naqsiga-gooni-isku-taageedda\/","title":{"rendered":"Somaliland Oo Beesha Caalamka U Gudbinaysa Gar-naqsiga Gooni-Isku-Taageedda"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;-Guddida heer qaran ee qaban qaabadda xuska 25 guuradda ka soo wareegtay gooni-isku taaga jamhuuriyadda Somaliland\u00a0 ee 18-ka May, \u00a0ayaa sheegay in\u00a0 qadiyadda shacabka Somaliland oo midaysan loo gudbin doonno beesha caalamka iyo jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa.<\/p>\n<p>Guddida qaban \u00a0qaabadda 18-ka May oo shalay \u00a0\u00a0kulan ku yeeshay \u00a0magaaladda Hargaysa, \u00a0ayaa sidoo kale ugu baaqay \u00a0guud ahaanba bulshadda reer Somaliland \u00a0in ay si weyn uga qayb qaataan dabaal-dega sanadkan, isla markaana sida ugu wanaagsan looga wada qayb qaato xuska sanadkan.<\/p>\n<p>Waxaanay \u00a0guddidu tilaameen in \u00a0xuska sanadka ee 25 guuradda ka soo wareegtay gooni-isku-taaga Somaliland hal-ku-dheg looga dhigay <strong>\u201cSomaliland guullo qaran iyo qaayo \u00a0\u00a0lagu gaadh, qarni rubucii\u201d<\/strong> \u00a0Cismaan C\/laahi Saxardiid (Cadaani), wasiirka wasaaradda warfaafinta ahna guddoomiyaha guddida qaban qaabadda xuska 18-ka May oo kulankaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in xuska sanadkani uu waxyaabo badan kaga duwanaan doono xusaskii hore, isla markaana qadiaydda shacabka reer Somaliland oo midaysan loo gudbin doono beesha caalamka iyo jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa.<\/p>\n<p>Wasiir Cadaani oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi \u201cDabaal-dega sanadkan ee 18-ka May saddex qaybood oo bal-balaadhan ayay leedahay, qaybta koowaad waxay tahay\u00a0 qarni rubucii ayaynu dabaal-degaynaa oo 25 sanadood ayay jirtay Somaliland oo ah dal madaxbanaan oo isku tashaday oo aan cidnaba aduunka gacan ka helin. Qaybtaasina waxa weeyi, qaayo, qurux iyo guullo lagu gaadhay Somaliland ayay leedahay.Qeybta labaadna waxa weeyi, qaybtii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo dheer wadanka u soo hal-gamay, madaxweyne-na ka noqday oo\u00a0 hadana iskii isagu ugu dhawaaqay in uu xilka uga degayo. Taasina macne gaar ah ayay leedahay, oo damalkaasi la hadhsanayay mudadda dheer, oo Somaliland astaamaheedda ugu waaweyn ku suntan.<\/p>\n<p>Fariinta aynu u gudbinayno UN-ka, waa mid aynu beesha caalamka oo dhan u gudbinayno. Meel kasta oo dalkeena ka mid ah, haddii ay degmo tahay, haddii ay jaamacad tahay, waxaa maanta guddida qayb weyn ka ah ururadda bulshadda rayidka ah, waxaanay ku balanqeen in ay hawshaa si weyn u qabanayaan.\u201d<\/p>\n<p>Wasiir Caddaani ayaa ugu baaqay\u00a0 jaamacdaha, wasaaradaha dawladda, hay\u2019adaha dawliga ah, dugsiyadda iyo dhaamnba xarumaha kale in ay si weyn uga qayb qaataan una muujiyaan maalintan ku weyn shacabka Somaliland.\u00a0\u201cWaxa kale oo aan \u00a0ugu baaqaynaa \u00a0ardayda jaamacadaha dalka, \u00a0wasaaradaha, \u00a0xafiisyadda dawladda, hay\u2019adaha, dugsiyadda waxbarashadda iyo meel walba in\u00a0 dabaal-degaasi aynu codkeenna ku muujinayno, la keenno si iyadoo qaraal ah anaguna aanu si dhakhso ah meel walba u dhayn doono, si ay qareenadda ka hadlaya arrinta qadiyadda Somaliland ay u noqoto hubka ay sitaan codka jamhuuriyadda Somaliland. Ugu danbayn waxaan soo jeedinayaa in aan arrintaasi sanadkan loo kala hadhin\u201d ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, oo ka mid ah guddida qaban qaabadda 18-ka May oo kulankaasi\u00a0 hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in xuska sanadkan uu ka duwanaan doonno xusaskii hore, isla markaana\u00a0 beesha caalamka lagu dareensiin doono rabitaanka shacabka Somaliland iyo \u00a0Somaliland oo ah dawlad iskeed isku taagtay.<\/p>\n<p>Wasiir Samsam, ayaa ugu baaqday\u00a0 warbaahinta in sanadkan looga baahan yahay in ay si weyn uga qayb qaataan sidii ay meel dheer u gaadhsiin lahaayeen codka iyo rabitaanka shacabka Somaliland. Marwo Samsam oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi \u201cMuddo rurub qarni ah ayaa ka soo wareegtay markii ay Somaliland gooni-isku-taageedda ku dhawaaqday, oo 25 sanadood ayay Somaliland keligeed \u00a0marba meel ha gaadhee iyadu isku tashatay, oo iskeed isku taagtay.\u00a0 Idinkuna haddii aad tihiin media-ha waxaad tihiin, xubinta ugu weyn ee la doonayo in aad \u00a0sanadkan aduunka wax badan gaadhsiisaan. Waayo sanadkan cod dheer ayaynu meel walba gaynaynaa.\u201d<\/p>\n<p>\u201cQareenadeenii (Looyaradeenii) oo shaqaynaya ayaa loo gudbinayaa go\u2019aankeenna UN-ka,\u00a0 looyaqaradda ayaa qaadaya, \u00a0\u00a0Warbaahintuna \u00a0way la soconaysaa, marka la gaynayo qaramadda midoobay. Markaa hawl weyn oo u baahan in aynu gidigeenba hareeraha qabano,\u00a0 ayaynu gelaynaa sanadkan\u201d ayay tidhi wasiirka maaliyadda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;-Guddida heer qaran ee qaban qaabadda xuska 25 guuradda ka soo wareegtay gooni-isku taaga jamhuuriyadda Somaliland\u00a0 ee 18-ka May, \u00a0ayaa sheegay in\u00a0 qadiyadda shacabka Somaliland oo midaysan loo gudbin doonno beesha caalamka iyo jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa. Guddida qaban \u00a0qaabadda 18-ka May oo shalay \u00a0\u00a0kulan ku yeeshay \u00a0magaaladda Hargaysa, \u00a0ayaa sidoo kale ugu baaqay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18296,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-20872","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5qE","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20872","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20872"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20872\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20872"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20872"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20872"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}