{"id":20800,"date":"2016-04-18T13:43:48","date_gmt":"2016-04-18T13:43:48","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=20800"},"modified":"2016-04-18T13:43:48","modified_gmt":"2016-04-18T13:43:48","slug":"madaxwayne-siilaanyo-oo-madaxtooyada-ku-qaabilay-masuul-qaramada-midoobay-ka-socda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/04\/18\/madaxwayne-siilaanyo-oo-madaxtooyada-ku-qaabilay-masuul-qaramada-midoobay-ka-socda\/","title":{"rendered":"Madaxwayne Siilaanyo oo Madaxtooyada ku Qaabilay Masuul Qaramada Midoobay ka Socda."},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;-Madaxwaynaha Somaliland, Mudane,\u00a0 Axmed Maxamed\u00a0 Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley ku Xigeenka ergeyga gaarka ah qaramada midoobay Mr. Peter De Clercq, ahna Isuduwaha Gargaarka Bani aadanimo iyo Wakiilka Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Horumarinta u qaabilsan (UNDP) iyo wefti uu hogaaminayo oo isugu jira hay\u2019adaha qaramada midoobay iyo hay\u2019addaha Samafalka ee dalalka caalamka.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/DSC_0060.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-20817\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/DSC_0060.jpg?resize=640%2C427\" alt=\"DSC_0060\" width=\"640\" height=\"427\" \/><\/a><\/p>\n<p>Madaxweynaha oo ka hadlay, ayaa ugu horaynba soo dhaweeyey weftiga martida ah, isagoo warbixin guudna siiyey oo ku saabsan dhinaca abaaraha iyo siyaasadaba, waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya qaramada midoobay iyo Somaliland.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu intaa uga gudbay inuu ka hadlo xaalada abaarta ee dalka ka taagan waxaanu yidhi \u201cAbaarta dalka ka taagani waxay saamaysay in ka badan laba boqol oo kun oo qoys (200,000). Waxay noqotay abaartii ugu xumayd ee mandaqada ka dhacda inta la xasuusan yahay. Annagoo taa ku xisaabtamayna waxa aanu dirnay qaylo dhaan ku saabsan sidii beesha caalamku ugu soo gurman lahayd wax ka qabashada masiibooyinka abaaraha ee dalka ka jira. Dadkayaga ay abaaruhu ku habsadeen waxay u baahan yihiin quudin la quudiyo, cunto, hoy hagaagsan oo ay galaan iyo wax kasta oo nolosha lagama maarmaan u ah in wax lagala qabto oo ay abaartu keentay\u201d.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/DSC_0034.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-20815\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/DSC_0034.jpg?resize=640%2C427\" alt=\"DSC_0034\" width=\"640\" height=\"427\" \/><\/a><\/p>\n<p>Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi \u201cwaxaanu u baahnahay qorshe wax lagaga qabanaayo xaaladaha abaarta ee imika jira iyo sida ay dadku uga soo kaban lahaayeen waxyeeladeeda iyo qorshe wakhtiga fog ah oo lanagu kaalmeeyo\u201d<\/p>\n<p>Dhinaca siyaasada ayuu madaxweynuhu u gudbay, sida caadada ah marka ay weftiyada shisheeye u yimaadaan \u00a0ee uu la hadlaayo, waxaanu yidhi \u201cfarqi weyn ayaa u dhexeeya Somaliland iyo soomaaliya, marka ay joogto arrintu dhinaca caawimada beesha caalamku u geysanayso Somaliland iyo Soomaaliya, mana ogolaan doono in aanu noqono kuwo ku tiirsan dawladda federaalka ee soomaaliya oo caawimada loo soo mariyo, waxanu doonayna oo aanu idin sheegaynaa in wixii caawimo ah ee aadna taraysaan uu gaar noo ahaado\u201d.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/DSC_0041.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-20816\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/DSC_0041.jpg?resize=640%2C427\" alt=\"DSC_0041\" width=\"640\" height=\"427\" \/><\/a><\/p>\n<p>Isagoo weli ka sii hadlaya madaxweynuhu dhinaca siyaasada iyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi \u201cwaxa naga go\u2019an in aanu sii wadno wada hadaladii beesha caalamku ay korjoogaha ka ahayd ee noo dhexeeyey annaga iyo soomaaliya, hase ahaatee wada hadaladaasi waxay ka socon la\u2019a yihiin, dhinaca soomaaliya oo marna ka cago jiidaysa, marna tabcaynaysa, taas oo cadayn u ah in aanay daacad ka ahayn habsami u socodka wada hadalada go\u2019aanka laga gaadhayo sida uu xidhiidhkayagu noqonayo mustaqbalka, Dawlada federaalka ah waxay dhawaan ku talaabsadeen daandaansi ay Somaliland ku soo darayaan qorshohooda doorasho ee 2016, taas oo muujinaysa in aanay diyaar u ahayn in wada hadaladii labada dhinac u dhexeeyey ee beesha caalamkuna ay dhex dhexaadinaysay ay sidii loogu talogalay u socdaan, taasina wax aanu aqbalayno maaha\u201d.<\/p>\n<p>Mdaxweynuhu waxa uu ka hadlay oo kale \u201cdhinaca dimuquraadiyada iyo geedi socodkeeda Somaliland, waxaanu yidhi \u201cwaxaanu muddo aad u gaaban hakinay diwaangelintii cod bixiyeyaasha, annagoo ku hagaajinay xeerkayaga arrintaa khuseeya, annagoo uga jeedna in aanay marnaba doorashadu wakhtigeedii dib uga dhicin horaanta 2017, waxaana naga go\u2019an mar haddii roobabkiina da\u2019aeen in aanu wakhtigeedii qabano doorasahda, diwaangelinta codbixiyeyaashuna sideedii u socoto\u201d.<\/p>\n<p>Dhinaca weftiga waxaa halkaa ka hadlay Peter De Clercq oo ah ku xigeenka ergeyga gaarka ah qaramada midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxanu sheegay inuu u bogay sida ay dawladu ula tacaashay ilaa hadda wax ka qabashada abaaraha.<\/p>\n<p>Isagoo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi \u201cwaa markii saddexaad een dalka imaado waxanan iman doona mar kale dhawaan iyadoo uu dhacayo shir balaadhan oo wax lagaga qabanayo abaaraha Somaliland iyo Soomaaliya ka dhacay\u201d.<\/p>\n<p>Wuu sii hadlay ku xigeenka Ergeyga qaramada midoobay waxanu yidhi \u201cwaxaa naga dhab ah in aanu idin kala qaybgalno hawlaha gurmadka, hadda taagan iyo tan ku saabsan abaaraha soo noqnoqonayaba\u201d.<\/p>\n<p>Waxanu inta ku daray in ay qaylo dhaanta horeba u gaadhsiyeen kana dalbadeen beesha caalamka in la helo hanti wax lagaga qabto abaarhaa Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay hordhicii hantidaasi ay heleen.<\/p>\n<p>Waxa isna halkaa ka hadlay wakiilka Somaliland iyo Soomaaliya Mr Richard Trenchard ee Hay\u2019adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO), waaanu amaanay sida ay dawlada Somaliland isugu xidhan tahay min degmo, gobol, wasaarad, ilaa madaxtooyo, taasina uu indhihiisa ku soo arkay, ka dib markuu laba cisho oo booqasho ah ku tegay meelaha ay abaaruhu sida ba\u2019an u saameeyeen ee dhinaca galbeed ee dalka, sidaa awgeedna uu madaxweynaha ku bogaadinayo hogaamintiisa wanaagsan.<\/p>\n<p>Shirkan waxa ka horeeyey in weftigu la qaatay kulan madaxweyne ku xigeenka dalka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee abaaraha iyo xubno ka tirsan guddida abaaraha, kaas oo dhamaantiiba ku saabsanaa abaaraha iyo wax ka qabashadooda, sidii laysaga kaashan lahaa.<\/p>\n<p>Kulanka weftiga iyo mdaxweynaha ka dib, waxa warbaahinta oo debed joog ka ahayd shirka warbixin siiyey wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo hrumarinta qaranka Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), iyo labadaa masuul ee weftiga hor kacayey.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo Desk<\/p>\n<p>Arabsiyonews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;-Madaxwaynaha Somaliland, Mudane,\u00a0 Axmed Maxamed\u00a0 Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley ku Xigeenka ergeyga gaarka ah qaramada midoobay Mr. Peter De Clercq, ahna Isuduwaha Gargaarka Bani aadanimo iyo Wakiilka Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Horumarinta u qaabilsan (UNDP) iyo wefti uu hogaaminayo oo isugu jira hay\u2019adaha qaramada midoobay iyo hay\u2019addaha Samafalka ee dalalka caalamka. Madaxweynaha oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":20816,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-20800","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5pu","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20800","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20800"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20800\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20800"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20800"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20800"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}