{"id":20794,"date":"2016-04-17T17:11:48","date_gmt":"2016-04-17T17:11:48","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=20794"},"modified":"2016-04-17T17:11:48","modified_gmt":"2016-04-17T17:11:48","slug":"ma-dad-baa-doqoneey-dabkaa-ba-qalinka-barkhad-m-kaariye","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/04\/17\/ma-dad-baa-doqoneey-dabkaa-ba-qalinka-barkhad-m-kaariye\/","title":{"rendered":"Ma dad baa, doqoneey dabkaa ba&#8217;!  Qalinka: Barkhad M. Kaariye"},"content":{"rendered":"<p>Iyadoo kaba la&#8217; oo ordaysa ayay haddana sinta ku sidday inantii ay dhashay ee ay mataannaha ahaayeen Hacoo. Qiyaastii wakhtigaa Hacoo wuxuu jiray toddoba bilood. Qayd hun noqday oo ay u xambaarsanayd isaga iyo dharkii ay sidatay oo kaliya ayay ka haleeshay wixii hanti gurigeeda yaallay. Qaydka ay ku xambaarsanayd inta uu dillaacay ayuu badhida kala soo dhacay Hacoo, balse waa hooyo iyo daryeelkeed&#8217;e, gacantii u bannaanayd ayay ku taageeraysaa si aanu uga dhex siiban. Aabbihii wuxuu dhintay toddobaad ka hor oo ahayd bilowgii dagaalka Hargeysa ka dhacay ee ay Asli ka qaxayso. Waxay ku hiranaysaa oo ay bidhaantooda beegsanaysaa qoys ka sii horreeyay oo qaxaya. Markii ay sidi kari wayday ee ay aragtay in Hacoo ka dhex siibanayo qaydkii hunka ahaa, ayay istaagtay iyada oo baalla-daymoonaysa, dhinac na ka eegaysa dadkii ay ku hiranaysay oo ay isleedahay yaan muuqoodu kaa libdhin. Waxay dhulka dhigtay inantii ay sinta ku sidday. Waxay furtay gambo adag oo ay kawirnayd, dabadeed waxay ku giijisay xambaarkii oo halkii qaydku ka dillaacay intay ku qabatay ayay hinjisay si ay ugu soo qabato. Dabadeed halkii socod ka sii bilowday. Ma haysato cid caawisa, kalsoonnida ay qaddarka Alle ku qabto ayay weheshanaysaa iyo in aan dhibtan lagu waarayn. Muddo dheer oo ay socod iyo gabbasho u ahayd ka dib, waxay gaadhay xeryihii qaxootiga ee Itoobiya.<br \/>\nAsli waxay mudatay waayihii ay marayeen dadkii kale ee qaxootiga ku jiray. Iyada iyo labadeeda caruur ah ayaa kaadh saddexley ah ugu xaadira boorash iyo raashinkii kale ee qaxootiga la siinayay. \u201cKuwan baad abaalka ka heli doontaa markay koraan. Haa, iyaga ayaad ku illoobi doontaa waxaad la mudatay, dal iyo dad na u aayi doonaan.\u201d ayay nafteeda ku qancisaa. Walow wakhtigu ku dheeraa, agoonnimada ay kuwan ku korisay na ku kaliyaysatay, haddana dad waa kii kora haddii wedku daayo&#8217;e, Hacoo iyo mataantii la dhalatay kore oo kobce. Waayaha Asli ay martay waxay la qabtay maatidii kale ee ka qaxaysay magaalooyinka Somaliland, hase ahaatee, iyada wax baa u dheeraa. Magaca Hacoo maaha mid ay ula baxday, saa hooyo ilmo ay dhashay ammaan iyo wanaag mooyee, ka ugu doqonsan hadduu yahay iyada waa Hanad iyo nin rageed! Magacu wuxuu raacay wakhtigaa uu yaraa ee uu xeryaha qaxootiga joogay, wuxuu lahaa habdhaqan damane. Waxa u bixisay caruurtii xaafaddooda ee xerada qaxootiga. Walow ay Asli in badan ka dagaallantay, haddana magacaasi kama hadhin ee inankeeda wuu raacay.<br \/>\nWaayuhu waa is-guray, dalka na dib loogu soo noqoy. Asli waxay bilowday in ay dugsi quraan iyo ku maaddiga lagu bartaba la doonato inankeeda, waayo rejo ayay ku qabtaa. Marka uu dugsiga ka soo noqdo, waxay Asli inankeeda uga warrantaa waayihii ay la soo martay iyo halka ay la doonayso. Waxay u hogo-tusaalaysaa siday u rabto in uu dhibtii soo martay ku illowdo. In dalkani yahay ka ay isaga u barbaarisay ayay u sheegtaa. Waddaniyad iyo dal-jacayl ay waayo-arag u tahay bay u sheegtaa. Isna waayahay iyo hawraar san buu taladeeda kaga jawaabaa. Hacoo marka dugsiga la tago ee ay dhallinta filkiisa ah wada hadlayaan, kaftan badan kuma darsado, hase ahaatee, wuu ogyahay in kaalintiisu bannaan tahay. Muddo markii uu dugsigii sidaa ku joogay, ayuu maalintii dambe gaar isula baxay oo faqay, kuye; \u201cHorta miyaad hadashid oo aad doodda facaa ka qaybgashid! Oo maxaad ku hadli doontaa? Dee waxa iyaguba ku hadlayaan.\u201d Ereyo noocaas ah ayuu isku qanciyay.<br \/>\nMaalintii dambe iyadoo Asli iyo haween deriska ahi meel halkeer ah ku sheekaysanayaan, xusuus iyo waayo xuskood dib uga faalloonayaan, ayay hadal iyo dood mustaqbalka ku salaysan dhexmartay Hacoo iyo mid yar oo faciisa ah oo ka mid ah dadkii xeryaha Qaxootiga wakhtigii la joogay dhashay. Illeen naftiisa wuxuu kula ballamay inuu doodo oo kaftamo&#8217;e hadalkii buu bilaabay Hacoo, \u201cDagaal maxay ah? Dal maxay ah ayaa burburay, waar midhkaasi ma dhicin ee dadka yaan been loo sheegin! Dadka aynu dhex u ahaano, meel la kala tegayaa ma jirtee&#8230;Intii dhimatay dee Ilaahay baa qaddaray\u201d Intaa markuu hadalkii marinayo, ayay Asli oo isku dhegaysanaysay maqashay. Muraara-dillaac ayaa wejigeeda isku gedfay. Waxaad moodaysay in daruuro murugo xambaarsani dul hadheeyeen, sababtoo ah wuxuu ka fad kudiyay meel aanay uba faadhumaysan. Waxay dib ugu noqotay xusuus dheer oo waayo adag ku taxan. Waxay xusuusatay goor fiidnimo markii rasaastu bilaabantay, dabadeed hub culus gariirkiisu ku xigay ee iyagoon halkay fadhiyeen ka kicin uu guriga deriskooda qiiq iyo uuro is-qabsatay ee markii ay is-tidhi eeg waxa dhacay na, madfacii ku xigay kaasi uu kala gooyay ninkeedii \u2013 Hacoo aabbihii. Waxay xusuusatay rejadii ay qabtay iyo sidii ay ugu taamaysay in Hacoo buuxin doono kaalintii aabbihii. Iyadoo dumarkii jaarkeeda ah ag-fadhida ayay maskaxdeedu dib u noqotay 20 sanno ka badan iyo wixii soo maray. Waxay wakhti gelisay inay hogo-tusaalayso iyo sida uu isaga hadlayo. Waxa qalbiga ka maray olol ay u qaadan wayday wuxuu ku hadlayo iyo sida uu u fikirayo. Waxa isu qaban waayay halkay la rabtay iyo halka uu maray, sida Hacoo qayrkii u fikirayo iyo sida uu hadalka dhataqlaha ah isaga yidhi. Waxay majeeratay oo aanay bisinka inay u qabato ka haleelin inankii yaraa ee faciisa ah wuxuu kula garnaqsanayay. \u201cMagac bilaash ma baxee, toloow yaa inanka yar ee kale wiilkaagii ka dhiga! Tolow miyuu garan waayay waxa uu ilmahaa yari gartay!\u201d bay laabteeda ka hugmayay. Ilmo kulul oo aanay indhaha ku ogayn baa ragax ka soo tidhi. Waxa xusuusaheeda sida buugga ay hadba baal rogayso kaga soo baxay ereyo ka mid ah hees hore u jirtay;<br \/>\nDocday kaa jirtaa bay,<\/p>\n<p>Dhaxani kaa dishaayoo,<\/p>\n<p>Ma diirsado walaalkeed,<\/p>\n<p>Intay dunnida joogtee,<\/p>\n<p>Doqonneey dabkaa ba&#8217;!<br \/>\nMa taqaanno dawgoo,<\/p>\n<p>Dabool baa ka saarane,<\/p>\n<p>Markay dalaq tidhaa bay,<\/p>\n<p>Ilmada daadisaaye doqoneey dabkaa ba&#8217;<br \/>\nHaddana waxa hakiyay oo hadashay halkii hooyo lahayd ee ay uga jilicsanayd waxay dhashay. Waxay isku qancisay in qaddarkii Alle ee keenay inay dhibtaas marto uu haddana xikmaddiisa ugu gartay inay Hacoo dhasho. \u201cMalaha inanka magacii baa loo raacay! Ma mar baa jiidhku kaaga go&#8217;ayaa, Allaa ku baday!\u201d ayay nafteeda ugu caqli celisay. Intii ay xusuustaa ku foognayd iyadana waxa ku maqnaa dumarkii ay la fadhiday. Walow ay dareemeen halka damqatay, haddana mid waliba way odhan kari wayday, \u201cAwal ba Hacoo buu ahaaye, maxaad ula yaabi!\u201d Illeen odhan kari maayaane. Hacoo waa Hacoo.<br \/>\nBarkhad M. Kaariye<\/p>\n<p>kaariye104@gmail.com<\/p>\n<p>Hargeysa, Somaliland<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Iyadoo kaba la&#8217; oo ordaysa ayay haddana sinta ku sidday inantii ay dhashay ee ay mataannaha ahaayeen Hacoo. Qiyaastii wakhtigaa Hacoo wuxuu jiray toddoba bilood. Qayd hun noqday oo ay u xambaarsanayd isaga iyo dharkii ay sidatay oo kaliya ayay ka haleeshay wixii hanti gurigeeda yaallay. Qaydka ay ku xambaarsanayd inta uu dillaacay ayuu badhida [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":20795,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,10],"tags":[],"class_list":["post-20794","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5po","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20794","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20794"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20794\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20794"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20794"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20794"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}