{"id":20750,"date":"2016-04-16T14:00:52","date_gmt":"2016-04-16T14:00:52","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=20750"},"modified":"2016-04-16T14:00:52","modified_gmt":"2016-04-16T14:00:52","slug":"xildhibaannadii-uk-ee-somaliland-timid-oo-warbixin-baniaadanimo-ka-qortay-wixii-ay-aragtay-baaqna-u-dirtay-dalkeeda-iyo-dunida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/04\/16\/xildhibaannadii-uk-ee-somaliland-timid-oo-warbixin-baniaadanimo-ka-qortay-wixii-ay-aragtay-baaqna-u-dirtay-dalkeeda-iyo-dunida\/","title":{"rendered":"Xildhibaannadii UK Ee Somaliland Timid Oo Warbixin Bani\u2019aadanimo Ka Qortay Wixii Ay Aragtay, Baaqna U Dirtay Dalkeeda Iyo Dunida"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212; \u201cToddobaadkii hore waxa aan joogay Somaliland, oo ku taalla geeska Afrika, halkaas oo ay ka jirtay abaar aad u ba\u2019an oo khatar ugu jirta in ay macaluul sababto\u201d Ereyadaas bani\u2019aadamnimo waxa ku bilowday maqaal ay xildhibaan Diana Abbott ka qortay saamaynta xun ee ay abaaruhu u yeesheen Somaliland. Xildhibaan Diana Abbott oo ka tirsan Baarlamanka Ingiriiska isla markaana ah xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee xisbiga Shaqaalaha (Labor ka) ee dalka Ingiriiska ayaa toddobaadkii hore iyada iyo wafti ka kooban masuuliyiinta haayado kala duwan oo samofal waxa ay Somaliland ku yimaaddeen safar ahaa u xog-ogaal noqoshada saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen dalka.<\/p>\n<div class=\"content\">\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Diana Abbott markii ay dib ugu noqotay dalkeeda waxa ay qortay maqaal ay kaga hadlayso dhibaatada ay indhaheeda ku soo aragtay, kuna canaananayso gacanta dalkeedu iyo beesha caalamku guud ahaan ay ka geysteen isla markaana baaq u dirayso dunida oo dhan.<\/p>\n<p>Maqaalka xildhibaanka oo uu Geeska Afrika soo koobayo, xildhibaanku waxa ay ku muujisay sida ay u qawadsan tahay gaabiska ay dalalka deeqda bixiya oo dalkeedu uu ku jiraa kaga jawaabaan qaylo-dhaanta abaaraha iyo aafooyinka kale ka horreysa, \u201cSannadihii 2011 illaa 2012 Koonfurta Soomaaliya waxaa ka dhacay macaluul xun oo ay ku naf waayeen qiyaas ah 260 kun oo ruux, waxa ay ahayd masiibo muddo sannad ahba la sii saadaalinayey\u201d ayaa ay ku tidhi qoraalkeeda, iyada oo arrintaas sii waddana waxa ay ku soo jeesatay dhinaca Somaliland iyo Itoobiya oo ay tidhi, \u201cSannadkan cabaashada xoggeedu waxa ay ka jirtaa Itoobiya iyo Somaliland, oo ah dal iskii madax-bannaanidiisa ugu dhawaaqay, waana halka aan imika uun ka soo noqday safar aan ku tegey\u201d<\/p>\n<p>Xildhibaan Diana Abbott maqaalkeedan oo uu Geeska Afrika ka soo akhriyey shabakadda internet ka ee wargeyska The Guardian ee ka soo baxa carriga Ingiriiska waxa ay ku sheegtay in roobabkii labadii sano ee u dambeeyey ka da\u2019ay Somaliland ay ahaayeen teel-teel ka hooseeya intii baahidu ahayd, taasina ay sababtay in Somaliland ay ka dhacdo cunto yaraani. Waxa aanay dunida kala doorransiisay laba arrimood oo ah, \u2018In faraha laga qaado oo la ogolaado in macaluushu ay mar labaad ku habsato bulshooyinkan iyo in beesha caalamku tallaabo wax-ku-ool ah oo adag dhaqso u qaaddo\u2019<\/p>\n<p>Xildhibaan Diana Abbott oo is barbar dhigaysay sida ay dunidu uga shaqaysay dhibaatada ka taagan meelo kale iyo tan Somaliland ka jirtaa waxa ay qoraalkeeda ku tidhi, \u201cXaalka aan indhahayga ku soo arkay ee Somaliland ka jiraa waa mid aan qurux badnayn. Marka la barbar dhigo booqasho kale oo aan dhowaan ku tegey magaalada Calais (Faransiiska) iyo Jasiiradda Lesbos ee Giriigga\u201d Waxa aanay sheegtay in haayadaha samofalku ay aad ugu yar yihiin Somaliland marka la barbar dhigo dhulkaas ay tagtay isla markaana ay baahiyaha lagama maarmaanka ah ee dadku dhaqsaha ugu baahan yihiin aad ugu yar yihiin dadka abaaruhu heleen ee Somaliland, sida cuntada, biyaha, hoyga oo dhammaantood baahida dadka aad uga yar. Waxase ay sheegtay in haayadaha iyada safarkan ku soo martigeliyey ee waday oo ahaa Islamic Relief, Muslim Hands, Human Appeal, Charity Right iyo Afrikan Relief Fund ay dhammaantood ku dadaalayaan in ay dhibaatadan sii kordhaysa indhaha ku soo jeediyaan.<\/p>\n<p>Xidlhibaan Diana Abbott waxa ay ka sheekaysay xaaladaha naxdinta leh ee ay ku soo aragtay deegaannadii dadka abaaruhu saameeyeen ay ugu tagtay ee gobollada Awdal iyo Salal ahaa, gaajada, hoy la\u2019aanta jirta iyo xoolaha oo si aad ah u dhimanayey, raqdooduna jidadka hareerahooda daadsan tahay.<\/p>\n<p>Dhinaca kalana waxa ay dalalka dunida ugu dhaqaalaha buuran ku dhalleecaysay in dhibta ka taagan Bariga Afrika ay iyagu sabab u yihiin, maadaama oo sababta wasakhowga hawada ee ay iyagu keeneen ay sababtay isbeddelka cimilada ee dadkan ku keentay dhibaatada, \u201cSoo noqnoqoshada iyo ba\u2019naanta abaaraha ka dhacaya Bariga Afrika waxa ay la sii kordhayaan isbeddelka cimilada. Xaddiga wasakhda ah ee bulshooyinka dunida ugu faqiirsani sababaan aad ayaa uu u yar yahay, haddana waxa ay u qoollan yihiin guul-darrada dalalka qaniga ah ee ku fashilmay in ay dhimaan wasakhda ay hawada ku sii deynayaan ee sababtay isbeddelka cimilada\u201d ayaa ay Diana Abbott ku tidhi qoraalkeedan. Iyada oo intaas ku sii dartay in roobabka da\u2019ay oo dabcan lagu farxayo marka la eego abaarta taagnayd, haddana aanay macnaheedu ahayn in dhibtii dhammaatay, maadaama oo laga yaabo in ay bilo qaadato in ay soo saaraan baadkii ay xoolahani daaqi kari lahaayeen, dhinaca kalana biyaha roobabka qudhooduna ay cudurro dilaacinayaan oo ay dhibtii sii kordhayso.<\/p>\n<p>Diana waxa ay sheegtay in ay maqashay khasaare ka dhashay daadad, arrintaasna aanay iyadu la yaabayn oo ay waayo-aragnimo safarkeedan la xidhiidha u leedahay, iyada oo taas ka sheekaynaysana waxa ay tidhi, \u201cWaxaa sidoo kale jira warbixinno sheegaya in daadad ay dad la tageen, anigu sababta waa aan fahmi karaa. Waayo annagaba markii aanu doonaynay in aanu tagno xerada ugu durugsan ee ay ku jiraan dadka dhibaatada abaaruhu saamaysay, waxa aanu sii marnay dooxyo badan oo qallalan, laakiin waxa aanu si kedis ah ugu soo galnay roob mahiigaan ah. Daqiiqado gudahoodna mid ka mid ah dooxyadii ingagnaa ayaaba isu beddelay webi biyihiisu si xawaare sare ah u rogmanayaan, saddex gawaadhidii aanu wadannay ka mid ah ayaabu durbadiiba liqay, laakiin nasiib wanaag wax khasaare ahi ma\u2019 dhicin\u201d<\/p>\n<p>Ugu dambayntii Xildhibaan Diana Abbott waxa ay qoraalkeedan oo aad u dheeraa ku soo xidhay dardaarankeeda, \u201cSi wax laga qabto abaaraha, loogana hortago qaladkii dhacay 2011 kii oo kale, sirtu waa waqtiga. Imika ayaa ah waqtigii beesha caalamka iyo Waaxdeenna horumarinta caalamiga ahi ka jawaabi lahaayeen. Su\u2019aashuna waxa ay tahay, imisa nafood ayaa go\u2019i doona inta aynu go\u2019aansanayno tallaabada aynu qaadi doonno\u201d<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212; \u201cToddobaadkii hore waxa aan joogay Somaliland, oo ku taalla geeska Afrika, halkaas oo ay ka jirtay abaar aad u ba\u2019an oo khatar ugu jirta in ay macaluul sababto\u201d Ereyadaas bani\u2019aadamnimo waxa ku bilowday maqaal ay xildhibaan Diana Abbott ka qortay saamaynta xun ee ay abaaruhu u yeesheen Somaliland. Xildhibaan Diana Abbott oo ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":20762,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-20750","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5oG","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20750","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20750"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20750\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20750"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20750"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20750"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}