{"id":20748,"date":"2016-04-16T13:45:59","date_gmt":"2016-04-16T13:45:59","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=20748"},"modified":"2016-04-16T13:45:59","modified_gmt":"2016-04-16T13:45:59","slug":"wasiirka-warfaafinta-oo-kafishay-dheelitir-laaantii-daadihiyihii-bbc-da-ee-doodii-shalay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/04\/16\/wasiirka-warfaafinta-oo-kafishay-dheelitir-laaantii-daadihiyihii-bbc-da-ee-doodii-shalay\/","title":{"rendered":"Wasiirka Warfaafinta Oo Kafishay Dheelitir La\u2019aantii Daadihiyihii BBC-da Ee Doodii Shalay"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News-Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani),ayaa madaxda Soomaaliya u caddeeyay in qaddiyada Somaliland aanay ahayn mid laga gorgortami karo, isagoo ugu baaqay madaxda \u00a0inay laabta ka jaraan Somaliland oo ah dal rubuc qarni ka hor ka tashaday Midowgii aan sharciyadda ku dhisnayn ee ay Somaliland la gashay Soomaaliya sannadkii 1960-kii.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Wasiir Caddaani, ayaa bar kumataal ku sifeeyay go\u2019aamadii ka soo baxay shirkii wada tashiga Soomaaliya ee Muqdisho ugu soo xidhmay dawladda Xamar iyo maamul hoosaadyadeeda.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\u201cMuddo shan iyo labaatan sanno ah Soomaaliya hawlaheeda iyadaa wadatay sidoo kale Jamhuuriyadda Somaliland 25 sanno oo rubuc qarni ah hawlaheeda iyo dawladnimadeeda iyadaa wadatay oo qaran madax-bannaan ayay ahayd oo doorashooyinkayaga iyo dawladnimadayada annaga ayaa ka masuul ahayn, waxaa kale oo raacsan rubuc qarnigaa midnimada Soomaaliya ee laga<span class=\"ecxapple-converted-space\">\u00a0<\/span>\u00a0\u00a0sheekaynayo ee\u00a0<span class=\"ecxapple-converted-space\">\u00a0<\/span>marba ciddi dabada ka riixayso 30 sannadood ayay ahayd,tan\u00a0maanta Somaliland iyo Soomaaliya ay ku kala maqan yihiinna waa\u00a0<span class=\"ecxapple-converted-space\">\u00a0<\/span>25 sanno oo waa rubuc\u00a0<span class=\"ecxapple-converted-space\">\u00a0<\/span>qarni, rubuc qarnigaana dal<span class=\"ecxapple-converted-space\">\u00a0<\/span>\u00a0madax-bannaan oo aan<span class=\"ecxapple-converted-space\">\u00a0<\/span>\u00a0Soomaaliya ka mid ahayn ayay ahayd Somaliland,\u201dayuu ku dooday Wasiirka Warfaafinta ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo shalay galab ka qeyb galay barnaamijka la yidhaahdo \u201cMaxay kula tahay\u201d ee laanta afsoomaaliga ee BBC-du ay maalinta Jimcaha baahiso.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Wasiir Caddaani waxa uu idaacadda BBC-da ku dhaliilay caddaalad darro iyo isku dheelitir la\u2019aan ka muuqatay Barnaamijkeedii dooda oo dadkii martida ahaa oo afar xubnood ka koobnaa ay saddex qof ka soo wada jeedeen dhinaca Soomaaliya.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Wasiirku oo hadalkiisa sii watay waxa uu doodiisa ku badhitaaray \u00a0\u00a0\u201cWar murtiyeedka Madaxweynaha Somaliland\u00a0Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)<span class=\"ecxapple-converted-space\">\u00a0<\/span>soo saaray nuxurkiisu wuxuu xambaarsan yahay Somaliland\u00a0<span class=\"ecxapple-converted-space\">\u00a0<\/span>qeyb kama aha Soomaaliya,waligeedna ka noqon mayso hadday federal tahay iyo wax kale lagu sheegaba. waxaa kale oo intaa raaca Somaliland dal xor ah ayay ahayd 1960-kii markii midnimada la isugu tagay 1961-kiina dadka reer Somaliland waxay ka soo hor jeesteen oo ay diideen aftidii loo qaaday dastuurkii midnimada ansixintiisii umanay codayn,markaa waxaanu qabnaa midnimadan la sheegayo laftigeeda ayaan wax sax ah ahayn markii horeba oo mad-madaw badani uu ku jiray.\u201d<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\u201cXaqiiqada Soomaaliya taalla iyo waaqaca\u00a0 Somaliland ka jiraa \u00a0way kala duwan yihiin, waa in la fahmo dawladda Somaliland Madaxweynaheeda iyo dadkeeda iyo golayaasheeda qaran in ay ka go\u2019an tahay madax-bannaanida qarannimada dalkooda iyadoo lagu caddeeyay afti qaran oo loogu codeeyay haa boqolkiiba 97%, la \u00a0meel mariyay 2001-kii, taas ayaana naga go\u2019an oo aanaan wax gor-gortan ah ka gelayn,\u201dayuu yidhi Wasiirka warfaafinta oo intii doodu socotay dhawr jeer dhaliilay dheelitirnaan la\u2019aanta barnaamijka ka muuqatay oo uu dusha ka saaray weriye Cabdinuur Sh. Maxamed\u00a0 Isaxaaq.<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Wasiirku waxa uu bayaamiyay in dawladda Muqdisho ay tahay cidda mar walba ka baxda heshiisyadda ay wada gaadhaan labada dal, waxaanu yidhi \u00a0\u201cUmadda Somaliland iyo dawladoodu may diidin in ay Soomaaliya la\u00a0<span class=\"ecxapple-converted-space\">\u00a0<\/span>hadlaan oo ay meel wax wada dhigaan,annaguna wada hadalkii noo socday daacad ayaanu ka ahayn laakiin cidda\u00a0<span class=\"ecxapple-converted-space\">\u00a0<\/span>burburisay ee uu dhankooda ka socon waayay waa dawladda Muqdisho ee khiyaamada wadday ee wixii lagu heshiiyay ee labada Madaxweyne ay saxeexeen ka socon waayay dhankooda. shirkaasina wuxuu bur buray,waxaa kale oo uu bur buray markii heshiiskii hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya ay isla qaateen ee labada Madaxweyne ay saxeexeen Soomaaliya dib uga noqotay. Laakiin mar walba Somaliland dawlad iyo shicib-ba mar walba waxaanu diyaar u nahay nabad-gelyo,walaalnimo iyo dariswanaag iyo laba dawladood oo jaar wanaag iyo xasilooni ku wada dhaqma,laakiin waxaanu caddaynaynaa in waxaa ay Soomaaliya qooshatay ee ay ku sheegayso in Somaliland ay ku jirto in aanaan ku jirin kana mid ahayn kana noqon doonin.\u201d<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">\u00a0Mar uu Wasiir Caddaani ka jawaabayay su,aal uu waydiiyay mid ka mid ahaa dhegaystaashii barnaamijku oo nuxurkeedu ahaa Somaliland ma ka midbaa Maamul goboleedyada mise ka mid maaha,ayuu yidhi Wasiirku.\u201dAnigoo ah afhayeenka xukuumadda Somaliland ayaan uga jawaabayaaye\u2019 anigaana halkan maanta (shalay iyo dooda BBC-da) halkan u fadhiya waana la kala badan yahay ee waxay ahayd in aad caddaalad wax u qeybiso oo dadku is leekaado. imikana waxaan kaa doonayaa in aad dooda si dhex ah u hagto (isagoo la hadlaya Wariyaha BBC-da ee barnaamikja waday) Somaliland waxay Soomaaliya la midawday iyadoo dal madax-bannaan ah imikana 25 sanno ayay madax-bannaan tahay oo ay xor tahay,midna aan isla\u00a0<span class=\"ecxapple-converted-space\">\u00a0<\/span>fahanee annagu(Somaliland) ma diidanin Soomaalinimaada iyo walaalnimada iyo wax isu ahaanshaha iyo wax wada qabsiga laakiin kama mid nihin Soomaaliya iyo maamuladeeda ee waxaanu kala nahay Somaliland iyo Soomaaliya laba dal oo kala madaxbannaan oo jira ayaanu nahay.\u201d<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Wasiirku waxa kale oo uu xusay shakhsiyaadka Somaliland u dhashay hase yeeshee u calooshooda la doogsin cararay ee Muqdisho xilal ka haya, waxaanu yidhi \u201cQofka Somaliland u dhashay ee Muqdisho tagaana waa qof iskii u tagay oo shaqo tagay amma maamulka halkaa ka jira ha ka mid noqdo ama ganacsade ha ka noqdee. laakiin cid uu metalaana ma jirto. qof kasta oo Somaliland u dhashay oo ku kaca wax lid ku ah qaranimada Somaliland waa dambiile qaran oo sharci ayaa ka yaalla, kaasaana lagu abaal marinayaa. sida ay Somaliladn-ba u joogaan dad Soomaaliya u dhashay ee ay uga shaqaystaan dadka reer Somaliland ee halkaa joogaana waa dad shaqo tagay.\u201d<\/p>\n<p class=\"ecxMsoNormal\">Dhinaca kale madaxda Soomaaliya ee dooda kala qeyb qaadatay ayaa ku adkaystay mawqifkooda lidka ku ah qaranimada Somaliland kuna doodayay wax ay ugu yeedheen Soomaali-weyn taasoo uu Wasiir caddaani meesha ka saaray caalamkana u caddeeyay jiritaanka qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland in aanay gor-gortan geli karin.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News-Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani),ayaa madaxda Soomaaliya u caddeeyay in qaddiyada Somaliland aanay ahayn mid laga gorgortami karo, isagoo ugu baaqay madaxda \u00a0inay laabta ka jaraan Somaliland oo ah dal rubuc qarni ka hor ka tashaday Midowgii aan sharciyadda ku dhisnayn ee ay Somaliland la gashay Soomaaliya sannadkii 1960-kii. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":3955,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-20748","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5oE","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20748","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20748"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20748\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20748"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20748"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20748"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}