{"id":20625,"date":"2016-04-13T15:17:03","date_gmt":"2016-04-13T15:17:03","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=20625"},"modified":"2016-04-13T15:17:03","modified_gmt":"2016-04-13T15:17:03","slug":"waraysi-dheer-oo-xiiso-badan-oo-laga-qaaday-madaxweyne-ku-xigeenka-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/04\/13\/waraysi-dheer-oo-xiiso-badan-oo-laga-qaaday-madaxweyne-ku-xigeenka-somaliland\/","title":{"rendered":"WARAYSI Dheer Oo Xiiso Badan Oo Laga Qaaday Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland"},"content":{"rendered":"<p><strong>\u201cItoobiya Heshiiska Aanu La Galnay Wuxuu Dhigayaa Wixii Dekada Berbera Uga Soo Dega In 50% Aynu u Kala\u00a0 Qaadanno, Laakiin Dhaliil Aynu Leenahay\u2026.\u201d<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u201cMuranka Deegaanka Waqooyigu Waa Inaan Laga Dhigin Mid Qabiil,Waxaanu\u00a0 Ku Xalinaynaa Si Caqliya\u201d<\/strong><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p>Arabsiyo News- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda\u00a0 Somaliland, ahna\u00a0 Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee heer\u00a0\u00a0qaran Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),isla markaana ah Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, ayaa sheegay\u00a0 in dadkii ku caydhoobay iyo kuwii beerahoodu ku waxyeeloobeen\u00a0 ay u samaynayaan qorshe ay\u00a0 ku xoolaynayaan kuwii xoolo dhaqatada ahaa, kuwii beeralayda ahaana ay ku taageerayaan\u00a0 mashaariic\u00a0 waxsoosaarkooda kor loogu qaadayo.<\/p>\n<p>Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo xiiso badan oo uu shalay xafiiskiisa ku siiyay weriyeyaal ka tirsan wargeyska DAWAN. Wareysigaas oo aad u dheeraa waxa uu kaga hadlay qoddobo faro- badan oo ay ka mid yihiin khilaafka kala xadeynta gobollada dalka, gaar ahaan khilaafka waqooyiga ee ay ku muransan yihiin gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal, heshiiskii dhawaan xukuumadiisu la gashay dawladda Itoobiya ee ku wajahnaa isticmaalka marsadda Berbera, khilaafka xisbiga UCID iyo deegaamadda barriga Somaliland ee aanu wali maamulka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland si dhab ah uga shaqeynin.<\/p>\n<p>Waraysigan oo aanu qeybtiisii koowaad idiinku soo gudbinayno cadadkan,\u00a0 waxa uu u dhacay sidan:-<\/p>\n<p><strong>Su\u2019aal: Mudane Madaxweyne ku-xigeen, waxaad guddoomiye u tahay guddiga gurmadka Abaaraha ee heer qaran,dalkana waxaa ku habsatay Abaat baaxad weyn imikana waxaynu galnay xilli roobaad,Gurmadkii aad samayseen dadka ma wada gaadhay,wejiga labaad ee gurmadka abaarahase maxaa idiinka qorshaysan?<\/strong><\/p>\n<p>Jawaab: Horta dalka abaartu way wada gaadhay ha\u00a0\u00a0ku kala darraadaan Gobollada dalkuy\u2019e waxaanan isu geynay guud ahaan\u00a0 wixii aynu heli karaynay iyo inta caawimo innaga soo gaadhay dalalka aynu saaxiibka nahay iyo hay\u2019adaha caalamiga ahba. waxaanan ku dedaalay oo aanu awoodda saarnay in dadka la badbaadiyo iyo wixii xoolo u hadhayba,guddiga gurmadka abaaraha oo uu Madaxweynaha Somaliland magacaabay waxay ka hawl-gashay guud dalka oo dhan oo\u00a0\u00a0ay gaadhsiisay gurmadka wixii ay u heleen,waxaana ugu darnaa gobollada Awdal iyo Selal oo ay xataa dhimasho ka dhacday, markii dhibaatadu gaadhay in ay dad ku dhintaan waxaanu gurmad laxaad leh oo aan Bulshada Somaliland xukuumad iyo shicib, gudo iyo dibad iyagoo aan u kala hadhin ayaanay gurmadkaa ka hawl galeen ALLE-na wuu innagu guuleeyay in aanu ka hor tagno dhimasho badan.<\/p>\n<p>Imikana waxaynu galnay xilli roobaadkii dadkii oo jilicsan oo aan waxba gacanta ku hayn xoolihiina ay ka baxeen, beerihiina aanay waxba uga soo bixin oo\u00a0\u00a0dalagyadii ka baaqdeen. markaa waxaanu imika ugu tallo-galnay gurmadka abaaraha in aanu u wareejino in aanu dadka noloshooda dib u soo kaabno oo aanu dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee xoolihii ay ka baxeenna la xooleeyo dadka beeralayda ahna dhulkooda loo beero isla markaana inta ay noloshoodu dib u soo kabanayso la gacan qabto oo\u00a0\u00a0la kaalo,waxaana loo baahan yahay in sida wanaagsan ee ay bulshadeenu isu gacan qabanayso ee aynu ugu gurmanay dadkeenna abaaruhu ku dhufteen in aynu sii wadno oo aynaan halkaa ku dayn,dhibaatada ugu weynina waxay ahayd in ay dadka iyo xooluhuba ay is raacayeen\u00a0\u00a0oo ay dhimanayeen laakiin waxaan ku guulaysanay in aynu dadka badbaadinno.\u201d<\/p>\n<p><strong>Su\u2019aal: Madaxweyne ku-xigeen, waxay mucaaridku idinku eedaynayaan in aad bakhaaro gaar loo leeyahay aad ku rogteen oo aydaan qeybin raashin loogu tallo galay gurmadka abaaraha oo idin soo gaadhay,markaa xaxaa raashinkaa loo qeybin waayay ee hadday jirto aad bakhaarada ugu haysaan?<\/strong><\/p>\n<p>Jawaab:\u201dHorta ma jiro raashin gurmad loogu tallo galay oo meel gaar ah lagu rogay,sabab dadkayagii oo dhimanaya aanu raashin bakhaaro ugu xaraynaana maba taallo,laakiin waxaa jirta mar ay kala badan yihin noocyada raashinka na soo gaadhay una baahan in la isku qeybiyo oo la isku miisaamo,tusaale ahaan raashinkii caawimada ahaa ee naga soo gaadhay dawladda Imaaraadku\u00a0\u00a0waxay keentay raashin ka koobnaa Bariis,Daqiiq,Sonkor iyo Timir,annaguna waxaanu ku darnay si dadka wax, wax u tara ay u noqoto Caano iyo Saliid.waxaa kale oo raashinkaa kala badnaa bariiska iyo daqiiqda oo ugu badnayd, waxaana daruuri noqotay in aanu bariiska kordhino si ay isugu dheeli tirmaan oo raashin\u00a0\u00a0is leeg dadka loo qeybiyo.<\/p>\n<p>Markaa raashinkaa waxaa ka soo hadhay laba boqol oo kiish oo daqiiq ah oo\u00a0toban toban kiiloo ah markaa daqiiqdaa ayaa la dhigay si raashin kale loogu daro oo marka la dhamaystiro loo qeybiyo,waxaan ka wada dheregsanahay in haynta dawladdu ay yar tahay oo aynaan dhaqaale buuran lahayn isla markaana aynu nahay dal aan la aqoonsan oo aan caalamku wali ictiraafin waxa yare e\u00a0 aynu haysanay ayay xukuumaddu awoodeeda saartay in ay gurmadka kaga qeyb gasho iyo in ay caalamka u qeyshato. markaa ma jirto sabab ka xukuumad ahaan aanu raashin dadkayagii oo bakhtiyayo u xaraysanno.\u00a0 laakiin waxay\u00a0 ahayd in ay mucaaridku wax dhaliil ah naga sheegaan oo ay wax run ah ka hadlaan laakiin mucaaridnimadii ayay si khaldan u qaateen oo wax kasta oo aan jirin ayay ka hadlayaan,waxaa looga baahnaa mucaaridka in ay ka qeyb qaataan gurmadka samato bixinta dadka abaaraha ku tabaaloobay laakiin in ay siyaasadeeyaan gurmadka dadka xaaladda nololeed ee adag ku sugan may ahayn.\u201d<\/p>\n<p><strong>Su\u2019aal: Mudane,\u00a0 waxaad xilka la wareegteen 6 sanno ka hor iyadoo uu muran ka jiro deegaamo ay isku hayaan Gobollada Awdal iyo Maroodijeex oo dhanka waqooyiga ah walina away taagan tahay oo diiwaan-gelintii gobolka Awdal,ayay xataa saamayn ku yeelatay maxaadse uga hawl geli waydeen?<\/strong><\/p>\n<p>Jawaab: \u201cHorta murankaasi annaga (Xukuumadda KULMIYE) wuu\u00a0\u00a0naga horreeyay oo xukuumaddii naga horraysay oo 8 sanno talinaysay iyo kuwii ka horreeyay ayaan arrintaa waxba ka qaban oo dhayalsaday sababna u noqday in ay xilligan soo gaadho. laakiin annaga (Xukuumadda) waxaa naga go\u2019an in arrintaa si miyir qabta oo wanaagsan in lagu dhammeeyo oo ay arrintu noqoto kala xadaynta gobollada. laakiin sidan ay imika tahay ee qabyaaladaysan aan lagu maarayn dadka reer Somaliland waa isku mid gobol kastana waa la wada degaa gobol,gobol reer leeyahayna ma jirto.<\/p>\n<p>Markaa arrintaa waxaanu ku rejo weynahay in ay dhakhso u soo dhammaato oo kala xadayntii gobollada iyo degmooyinka la sameeyo oo aan qabiil\u00a0\u00a0iyo reer loo eegin laakiin kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka oo aqoon ku dhisan oo daraasado si cilmi ah loo qaaday lagu saleeyay in lagu soo dhammeeyo.\u00a0 Waxa kale oo aad bulshada reer Somaliland u soo jeedinayaa in aanay u qaadan in\u00a0\u00a0kala xadaynta gobolladu qabiil ku salaysnayn ee ay tahay mid gobol iyo degmo dalkana in la wada leeyahay oo la wada dego. dalka iyo dadkuba waa Somaliland, dalkanna\u00a0 waa qaran ummadiisu wada leedahay markaa yaan dadka qabyaalad iyo xumaan la kala dhex dhigin kala xadaynta gobolladuna yaanay qaab qabiil innaga noqon.<\/p>\n<p><strong>Su\u2019aal: Madaxweyne Ku-xigeen, Heshiiskan ugu dambeeyay ee Itoobiya aad la gasheen xukuumad ahaan, waxa dadka naqdiyayaa ay aaminsan yihiin inuu yahay mid u nasteexaynaya Itoobiya oo kaliya, waxay tusaale u soo qaadanayaan xataa baabuurta raraysaa waa dhinacooda. Somaliland-na Itoobiya waxba uma iib geyn karaan. Arrintaasi sidee ayaad u dareensan tihiin?<\/strong><\/p>\n<p>Jawaab: \u201cHorta heshiisku annaga (Xukuumadda) wuu naga horreeyay laakiin wuxuu ku ekaa 2005-tii waxaanan xilka la wareegnay isagoo kii horena dhammaaday mid dambena aan la wada gelin. markaa waxaanu dib u cusboobaysiinay heshiiskaa, Itoobiyana waa dal aynu saaxiib nahay oo innaga mudan in aynu u mahad naqno. waa dalkii ugu horreeyay ee xidhiidh dawladeed inala yeesha ee Baasaboorka Somaliland dal ku galkiisa ogolaada ee Fiiseeya.<\/p>\n<p>Waa dal madaxda qaranku ay ka hesho maamuuska madaxda qaran ee dunida kale oo kale. waa dal innoo suuro-galiyay in aynu caallamka isku xidhnaano imika heshiiska aanu wada galnay ee ganacsiguna wuxuu dhigayaa wixii dekada Berbera uga soo dega in gaadiidkeenna iyo ka dalka Itoobiya in 50% aynu u kala qaadanno, laakiin dhaliil aynu leenahay maaha in aynu cid kale oo\u00a0\u00a0shaqaysatay in aynu ku eedayno,dadkeennu waxay ahaayeen xoolo dhaqato cad iyo caano haysta\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0markaa way ku adkayd in ay wax\u00a0\u00a0kale oo wax soosaar ah in ay sameeyaan oo ninku wuxuu lahaa duunyo u foofta oo marna uu maalo\u00a0\u00a0oo uu caano ka dhamo, marna uu qasho oo uu cad ka cuno. markaa wax kaleba maynaan samayn. waxaynu leenahay badda ugu dheer geeska Afrika oo u baahan in aynu wax kala soo baxno oo aynaan u dhaqaaqin dalkeennu milix ayuu leeyahay oo\u00a0\u00a0lamaynaan soo bixin,waxaana dadkeennii habsaamiyay qabyaalad iyo qaad wakhtiga ugu badanina wuxuu innagaga baxaa marfash, muranka qabyaaladda iyo qaadka. markaa marka aynu wax la soo baxno ayaynu Itoobiya iyo dalalka kaleba wax ka iibin karnaa laakiin innagoo aan waxba soo saarin wax ha nalaga iibsado meesha ma taallo,dadkeenana waaxaan ku baraarujinayaa in ay\u00a0\u00a0dad tacab noqdaan oo ay ka koraan qabyaaladda oo badda aynu haysanno khayraadkeeda ka faa\u2019iidaysano, oo beeraha wax kala soo baxno oo milixda la soo baxno oo\u00a0 tacab u dhaqaaqno muranka qayrkeen innaga reebayna aan ka korno.\u201d<\/p>\n<p><strong>Su\u2019aal:\u00a0\u00a0Madaxweyne ku-xigeen intaad\u00a0\u00a0tallada dalka hayseen waxaa burburay oo saaxadda siyaasadda ka baxay Xisbigii UDUD,\u00a0 imikana wuxuu khilaaf ka dhex taagan yahay UCID waxaana la idinku eedaynaa in aad qeyb ka tihiin khilaafkaas,markaa burburka asxaabta kale maxaad\u00a0 wax uga qaban weydeen?<\/strong><\/p>\n<p>Jawaab: \u201cWaa run waxaa burburay xisbigii UDUB oo muddo badan dalka ka soo talinayay burburkiisna wax lug ah oo aanu ku lahayn muu jirin. laakiin waxaa khilaafkaa xallin kari waayay masuuliyiintii ugu sarreeyay oo xaaladdaa maarayn kari waayay.<\/p>\n<p>Waxa\u00a0 looga baahnaa labadii masuul ee xisbigaa ugu sarreeyay haddii aanay musharaxnimo dambe soo gelayn in ay soo dhex fadhiistaan oo ay dhinacyada is haya isu keenaan oo ay xeerkooda u noqdaan,sababtoo ah iyagag ayay ku xidhnayd laakiin may dhicin waana sababta uu ku burburay iyadoo aanay cid dibadda kaga timi aanay jirin,imikana UCID khilaaf ayaa ka dhex taagan waxaana ku waaninayaa in ay si caqli ah oo walaalnimo iyo is ixtiraam ku jiro in ay khilaafkooda u dhammaystaan.<\/p>\n<p>Waxaan idiin caddeynaya in aanaan khilaafka ka dhex taagan xisbigaa wax lug ah ku lahayn. laakiin waxaan kuu sheegayaa\u00a0\u00a0mid baa innaga burburay laakiin mid, laba iyo tobanba way innaga burburayaan inta aynu dimuquraadiyadda aynu baranayno ee aynu curdinka dhaafayno ee aynu gaadhayno in fikir la isku raaco laguna kala duwanaado laakiin intaynu bar baradka nahay toban iyo ka badan ayaa innaga bur buraya oo saaxadda ka baxaya. laakiin aakhirka sodonka iyo illaa afarta sanno ee soo socda ka dib marka ay xisbiyada dadku ku kala doortaan kuna kala taageeraan aragtiyo kala duwan ayay saldhigaan oo ay xisbiyadu cagahooda isku taagayaan laakiin inta ay qabiilka iyo dimuquraadiyadu isu keen saaran yihiin way wada bur-burayaan oo marna qaar kale ayuun baa soo baxaya,wax innaga oo kaliya innagu koobanna maaha ee Maraykan oo maanta laba xisbi ka taliyaan oo dadku ku kala fayleen boqolaal xisbi ayaa ka soo burburay.\u00a0 markaa wax dunidu boqolaal sanno ku gaadhay ayaynu si yar oo fudud ku gaadhnay markaa waa in aynu dhac-dhaceeda baranaa oo ka gudubnaa caqabadaha ay dimuquraadiyaddu ku dunto oo qabiilku\u00a0 kow ka yahay.\u201d<\/p>\n<p><strong>Su\u2019aal: Markii Xukuumadani dhalatay 2010-kii,\u00a0 waxaa jiray deegaamo dalka ka tirsan oo maqan,walina deegaamo uu ku jiro Buuhoodle oo dadka qaar aaminsan yihiin in ay u eg tahay in laga hadhay,siddee ayaad arrintan u waajahaysaan.?<\/strong><\/p>\n<p>Jawaab: Horta dalka markii aanu talladiisa la wareegnay waxaa jiray deegaamo tiro badan oo aan gacanta dawladda ku jirin oo maqnaa oo ay ka mid yihiin laakiin maamul fidinta waxaanu gaadhsiinay\u00a0\u00a0deegaamo aad u tiro badan oo aan dawlad naga horraysay oo tagtay aanay jirin waxaana ka mid ah Talleex oo imika ah gobol maamulkii gobolku\u00a0\u00a0ka hawl-galo,waxaa ka mid ah Xuddun,waxaa ka mid ah Laas-qoray iyo dhammaan deegaamada barriga fog ee Somaliland oo aan xukuumad naga horraysay aanay waxba ka qaban, laakiin waa run oo wali Buuhoodle gacanta dawladda kuma wada jiro,waxaana jira\u00a0\u00a0oo lagama maaraan ah in aad ogaato xaalada dadkaagu ku sugan yahay dadka deegaankaasina waa dad wanaagsan oo reer Somaliland laakiin waxaa hore u dayacay maamulkii naga horreeyay,annaguna waxaanu ku dedaalnay in wada hadal iyo walaalnimo lagu dhammeeyo wixii tabasho ah ee jirta dalkuna Somaliland weeyaan oo muran kama taagna\u00a0 hawshaasina way socotaa,\u00a0 waxna maalin kuma wada dhammaadaan, dhankayagana dooni mayno in aanu dhiig daadino oo dadkaygu ku dhintaan farsamooyinka cadawga Somaliland soo maleego ee uu doonayo in ay isku dilaan dadka reer Somaliland laakiin wada hadal iyo wax qabad ayaanu dadkayaga wax tabanaya ku qancinaynaa.\u201d<\/p>\n<p>source: Toosh media<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u201cItoobiya Heshiiska Aanu La Galnay Wuxuu Dhigayaa Wixii Dekada Berbera Uga Soo Dega In 50% Aynu u Kala\u00a0 Qaadanno, Laakiin Dhaliil Aynu Leenahay\u2026.\u201d \u201cMuranka Deegaanka Waqooyigu Waa Inaan Laga Dhigin Mid Qabiil,Waxaanu\u00a0 Ku Xalinaynaa Si Caqliya\u201d\u00a0 Arabsiyo News- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda\u00a0 Somaliland, ahna\u00a0 Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee heer\u00a0\u00a0qaran Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),isla markaana ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":9741,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-20625","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5mF","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20625","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20625"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20625\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20625"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20625"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20625"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}