{"id":20623,"date":"2016-04-13T15:10:42","date_gmt":"2016-04-13T15:10:42","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=20623"},"modified":"2016-04-13T15:10:42","modified_gmt":"2016-04-13T15:10:42","slug":"somalilandnama-khuseeyo-shirka-muqdisho-somalia-uga-qabsoomay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/04\/13\/somalilandnama-khuseeyo-shirka-muqdisho-somalia-uga-qabsoomay\/","title":{"rendered":"Somaliland\u201dNama Khuseeyo Shirka Muqdisho Somalia uga Qabsoomay\u201d"},"content":{"rendered":"<div class=\"really_simple_share really_simple_share_button robots-nocontent snap_nopreview\"><\/div>\n<div class=\"really_simple_share_clearfix\"><\/div>\n<p>\u201cQarankan Somaliland waa Qaran gaamuray oo aan cidina hungurayn Karin kuna guulaystay inuu xaqiijiyo Midnimadiisa iyo Horumarkiisa\u201dWasiirka arrimaha Guddaha.<\/p>\n<div id=\"attachment_25700\" class=\"wp-caption aligncenter\"><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/tooshnews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/caddaani.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-25700\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/tooshnews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/caddaani.jpg?resize=696%2C392\" alt=\"Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Cadaani\" width=\"696\" height=\"392\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"wp-caption-text\">\n<\/div>\n<p>Arabsiyo News&#8212;-Xukuumadda Somaliland ayaa ka soo horjeestey go\u2019aamadii ka soo baxay shirki Hogaamiyayaasha Madaxda Qaranka ee Muqdhisho<a href=\"http:\/\/tooshnews.net\/2016\/04\/somaliashirkii-madasha-oo-lagaga-hadlay-qaabka-doorasho-oo-somaliland-ku-jirto\/\" target=\"_blank\">\u00a0<\/a>ka dhacay, kaas oo ay ka soo baxeen qodobo ka hadlaya Xildhibaanada u dhashey Somaliland sida loo soo xulayo.<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Caddaani oo saxaafadda kula hadley xarunta wasaaradad Warfaafinta Somaliland,ayaa sheegay inaanay khusayn arimaha lagaga hadlay shirkaasi iyo qodobada ka soo baxay toona.<\/p>\n<p>\u201cAnnaga nama khuseeyaan wixii ka soo baxay shirkii Muqdisho, Soomaaliya wax iskuma darsano rubuc qarnigii la soo dhaafey, wax midnimo la yidhaahdana ma jirto cid alaale iyo ciddii ka qaybqaatada go\u2019aamada Muqdisho ka soo baxay oo Somaliland u dhalatey waxaan u arkaynaa in ay yihiin denbiilayaal galey khiyaano qaran\u201dayuu yidhi Wasiir Warfaafinta Somaliland.<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Caddaani,waxa uu sheegay inaanay Somaliland hore uga qayb gali jirin,wakhtiganna aanay jirin dad ay Muqdisho ka samaystaan oo Somaliland matalaa.<\/p>\n<p>Wasiir Caddaani waxa uu fariin u diray beesha caalamka isagoo sheegay inay u cadaynayaan mawqifkooda siyaasadeed eek u aadan shirkii lagu qabtay magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa ayaan-darro tahay hadallada is-dhaafka ah ee Muqdihso kasoo baxaya ee marna ay leeyihiin Somaliland hore ugama qayb-galin,haddana dad kale oo iyaga matala ayeynu halkan ku Samaysanayna waa wax lala yaabo. Beesha Caalamka Waxaan u caddeynayaa cidda qudha ee meteli karta shacabka Somaliland ay tahay dadka iyo madaxda ay Bulshadu Masiir-koodda siiyeen oo ah Dowladdii la doortay iyo labadda gole qaran, cid madax dhaqameed ah oo aanu ognahay oo dalka magac ku leh oo meel u matalaya aanay jirin, waxa kale oo aan sheegaya qof Somaliland ka socda magaca uu doonno ha sheegto oo shirka Somalia magaca Somaliland kaga qaybgallayaa in aanay dhicin horana u dhicin imika dhicin haddii uu dhacana uu noqonayo Dambiile qaran\u201d. Ayuu yidhi Wasiir Caddaani.<\/p>\n<p>Dhinac kale,Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md Cali Warancadde ayaa warsaxafadeed uu soo saaray digniin ku siiyay Maamulka Muqdisho iyo madax dhaqameedka Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cShirqoolka ka Socda Xamar ee la doonayo in lagu waxyeeleeyo Qaranimada Somaliland waa mid Ummada Somaliland ay ka digtoon yihiin .Waxaana wax lala yaabo ah in Maamulka Muqdisho ku hadaaqo in Somaliland ka mid tahay doorasho ku sheegta maamulka taagta daran ee Somaliya loo qabanayo 2016 arrimahaas oo ah mid caal waa ah \u201cayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.<\/p>\n<p>Qoraalka ka soo baxay Xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Somaliland,ayaa waxa uu digniin u diray madax dhaqameedka Somaliland,inaanay ka qayb gali karin nooca doorasho ee Somalia ka dhacaysa oo ay qodobo shalay ka soo saartay.<\/p>\n<p>\u201cHaddaba waxaa looga digayaa dhamaanba Madax-Dhaqameedka Somaliland in aan lagu khaldin ama aanay ku dhicin dabinnada ay maleegayaan Maamulka taagta daran ee muqdisho.Waxa lagu war galinayaa cidii ka qayb qaadata shirqoolada laga maleegayo xamar inay la kulmi doonaan ciqaab adag iyadoo lagu qaadayo khiyaamo Qaran\u201dayaa lagu yidhi Warsaxafadeedka.<\/p>\n<p>Dalka Somaliland ayaa madax banaanidiisa kala soo noqday dalkii Somalia sannadkii 1991-kii,Wixii ka dambeeyayna samaystay Maamul iyo kala dambayn.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u201cQarankan Somaliland waa Qaran gaamuray oo aan cidina hungurayn Karin kuna guulaystay inuu xaqiijiyo Midnimadiisa iyo Horumarkiisa\u201dWasiirka arrimaha Guddaha. Arabsiyo News&#8212;-Xukuumadda Somaliland ayaa ka soo horjeestey go\u2019aamadii ka soo baxay shirki Hogaamiyayaasha Madaxda Qaranka ee Muqdhisho\u00a0ka dhacay, kaas oo ay ka soo baxeen qodobo ka hadlaya Xildhibaanada u dhashey Somaliland sida loo soo xulayo. Wasiirka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-20623","post","type-post","status-publish","format-standard","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5mD","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20623","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20623"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20623\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20623"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20623"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20623"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}