{"id":20556,"date":"2016-04-10T15:21:25","date_gmt":"2016-04-10T15:21:25","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=20556"},"modified":"2016-04-10T15:21:25","modified_gmt":"2016-04-10T15:21:25","slug":"muuse-biixi-waa-guddoomiyaha-xisbiga-kulmiye-meel-uu-xisbiga-ucid-ka-soo-galana-ma-ogin-hawlna-tiisaa-ka-badan-afhayeenka-xisbiga-kulmiye-xasan-gaafaadhi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/04\/10\/muuse-biixi-waa-guddoomiyaha-xisbiga-kulmiye-meel-uu-xisbiga-ucid-ka-soo-galana-ma-ogin-hawlna-tiisaa-ka-badan-afhayeenka-xisbiga-kulmiye-xasan-gaafaadhi\/","title":{"rendered":"\u201cMuuse Biixi waa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE meel uu xisbiga UCID ka  soo galana ma ogin, hawlna tiisaa ka badan\u201d Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Gaafaadhi"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa iska difaacay eedamo xubno ka mid ah masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID ku xidhiidhiyeen khilaafka xisbigooda kala qaybiyey.Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa\u2019id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa maanta,<\/p>\n<p>waxa uu sheegay in aannu xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu marnaba wax shaqo ah ku lahayn xisbiga UCID oo ah xisbi qaran oo qadarin iyo ixtiraam ka mudan, waxaannu u soo jeediyey masuuliyiinta xisbigaasi inay xallistaan khilaafkooda oo aanay cid kale kula galgalan.\u201cXisbiga UCID waa xisbi Qaran oo leh xeerarkiisa iyo qaabdhismeedkiisa, waa xisbi qaran oo da&#8217; weyn, ixtiraamna naga mudan haddaanu nahay xisbiga KULMIYE. Muuse Biixi waa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, meel uu xisbiga UCID kasoo galanna ma ogin, hawlna tiisaa ka badan,\u201d ayuu yidhi Md. Xasan Gaafaadhi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, \u201cXisbiga UCID waxay isku haystaan ha dhamaystaan dhexdooda, tartan aan xasarad lahayna ha u soo diyaargaroobo, aflagaadadu uma wanaagsana qof doonaya inuu ummad hoggaamiyo, xilligii hanjabaadanna waa laga soo gudbay, ciddii wax kala tirsanaysa waxay ku qurux badan tahay inay ku kala baxaan hannaanka sharciga.\u201dDhinaca kale, Afhayeenka KULMIYE waxa uu ka hadlay buug la sheegay inuu yahay waxqabadka xukuumadda oo muddooyinkii u dambeeyey lagu faafinayey baraha bulshadu ku wada xidhiidho, waxaannu yidhi, \u201cBeryahan waxa baraha<br \/>\nbulshada qaarkood lagu arkayey buug tilmaamayey waxqabadka xukuumadda oo galkiisa sare uu ku yaalo sawirka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, buugga waxqabadka waxa soo saaristiisa iska leh xukuumadda, shaqo xisbigu ku leeyahayna ma jirto, waxaana hoggaamiye ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo adeegayaashiisa u qaabilsan fulinta hawlaha guud.\u201d\u201cIntaanu ka ognahay waa buug daabacaadiisa ay samaystay cid dano gaar ahi ka lehi,\u201d ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Afhayeenka xisbiga KULMIYE \u00a0Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Arabsiyonews@gmail.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa iska difaacay eedamo xubno ka mid ah masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID ku xidhiidhiyeen khilaafka xisbigooda kala qaybiyey.Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa\u2019id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa maanta, waxa uu sheegay in aannu xisbiga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":20557,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-20556","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5ly","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20556","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20556"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20556\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20556"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20556"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20556"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}