{"id":20461,"date":"2016-04-08T15:12:18","date_gmt":"2016-04-08T15:12:18","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=20461"},"modified":"2016-04-08T15:12:18","modified_gmt":"2016-04-08T15:12:18","slug":"20461-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/04\/08\/20461-2\/","title":{"rendered":"&#8220;Waxaaanu Boobi Doonaa Tukaamda haday Nagu kalifto ilayn qaabkale oonu ku badbaadno ma hayneee&#8221; Daahir Qorax"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Waxaanu boobi doonaa dukaamada, hadday kelifto, Ilayn qaab kale oo ku badbaadno ma haynee,\u201d ayuu yidhi Daahir Qorax, oday 76 jir ah oo ku nool magaalada Geerisa, sidaa waxa lagu bilaabay warbixin xaaladaha abaaraha ba\u2019an ee ka taagan deegaamada Galbeedka dalka uu ka qoray wargeyska ka soo baxa dalka Jarmalka shalay. Warbixintan lagu baahiyey wargeyska magaciisa la yidhaahdo, Frankfurten Rundschau, oo ka soo baxa magaalada Frankfurt, ee dalka Jarmalka ayaa lagu bilaabay: \u201cDiiriye Maxamuud wuxuu muddo reerkiisa ku badbaadinayey lacago uu ka soo amaahanayey ehelkiisa, waxaanay qoyskiisu quutaan bariis, wakhti keliya maalintii. Xilligan, dhaqankii dadka reer-miyigu wax isku amaahin jireen wuu sii dhammaanayaa, ayuu saadaaliyey Mr. Kevin Mackey, madaxa hay\u2019adda World Vision, taasoo dhaawici karta xasiloonida ka jirta Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cWaxaanu boobi doonaa dukaamada, hadday kelifto, Ilayn qaab kale oo ku badbaadno ma haynee,\u201d ayuu yidhi Daahir Qorax, oday 76 jir ah oo ku nool magaalada Geerisa. Weriyaha diyaariyey warbixintan oo Hay\u2019adda World Vision soo qaban qaabisay ayaa sheegay in ceelka riiga ee magaalada Gaarisa ku sugnaayeen boqolaal xoolo adhi iyo geel ah, laakiin waxa indhahaagu qabanayeen badhtamaha magaalada oo qorshe habaysan ay ka wadeen madax kala duwan oo dalka Somaliland een caalamka aqoonsiga ka haysan ka socday.<\/p>\n<p>Madaxweyne-xigeenka iyo afar wasiir ayaa socdaalo qaatay lix maalmood ku marayey deegaanada abaarahu ka jiraan, isla markaana seexanayey dhirta hoostooda.<\/p>\n<p>\u201cXaaladdu waa mid aad iyo aad u halis ah,\u201d ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudahu. Xukuumadu waxay wadaa qorshe dadkii iyo xoolahii ka soo hayaamay xuduudka Itoobiya dib loogu celiyo, laakiin in kooban ayaa fursadaa ka faa\u2019iidaysatay. Xukuumada Somaliland ayaa mar horeba bishii February soo saartay baaq qeylo-dhaan caalamka inay gacan ka geystaan abaaraha, isla markaana sheegay in dad lagu qiyaasay hal milyan baahi degdeg ah u qabaan helitaanka biyo, calafkii xoolaha, dawooyin iyo cunto.<\/p>\n<p>Ilaa wakhtigan laba bilood dabadeed, ma jirto wax gargaar ah oo xukuumadu ku heshay baaqii qeylo-dhaanka abaaraha, ayuu ku eedeeyey wasiirka Arrimaha Gudahu, \u201cAduunku waxuu u muuqdaa inuu na ilaaway,<\/p>\n<p>\u201d Hay\u2019adda gargaarka caruurta ee World Vision, waxay ka mid tahay tiro kooban oo hay\u2019adaha caalamka ee taageero ka geystay, waxaanay wadaa qorshe dhaqaale lagu siinayo hooyooyinka ugu liita saamaynta abaarahu, xilligan way ku meelgaadhi karaan, laakiin, \u201cHadii xaalada abaarahu sii socdaan, waxa iman doona dhimasho boqolaal ah,\u201d Hay\u2019adda World Vision, oo la kaashanaysa Irish Aid waxay wadeen jawaabo ay ka bixinayeen baahiyaadka bulshada, sida mashaariic la yidhaahdo la dagaalanka nafaqo-darada (CMAM) iyo kuwo lagu quudinayo (TSFP) iyo qorshe dib loogu xoolaynayo dadka iyo mid dhaqaale lagu taageero.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-5568\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/1-55-740x444.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"Symbolbild mit verschiedenen Ausgaben der Tageszeitung &quot;Frankfurter Rundschau&quot; vom Mittwoch (12.03.2003). Zwischen der Tageszeitung und dem Land Hessen hat es Gespr\u008ache \u009fber die M\u009aglichkeit einer Landesb\u009frgschaft gegeben. Einen entsprechenden Bericht der \u00c7Frankfurter Allgemeinen Zeitung\u00c8 (FAZ) best\u008atigte am Mittwoch das Wiesbadener Finanzministerium. Ein Antrag liege jedoch noch nicht vor. Werde er eingereicht, werde der B\u009frgschaftsausschuss ihn nach den \u009fblichen Kriterien pr\u009ffen, sagte eine Sprecherin. Fotograf: Boris Roessler dpa\/lhe\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Source:\u00a0Hubaal<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Waxaanu boobi doonaa dukaamada, hadday kelifto, Ilayn qaab kale oo ku badbaadno ma haynee,\u201d ayuu yidhi Daahir Qorax, oday 76 jir ah oo ku nool magaalada Geerisa, sidaa waxa lagu bilaabay warbixin xaaladaha abaaraha ba\u2019an ee ka taagan deegaamada Galbeedka dalka uu ka qoray wargeyska ka soo baxa dalka Jarmalka shalay. Warbixintan lagu baahiyey [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":20463,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-20461","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5k1","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20461","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20461"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20461\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20461"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20461"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20461"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}