{"id":20374,"date":"2016-04-07T13:29:53","date_gmt":"2016-04-07T13:29:53","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=20374"},"modified":"2016-04-07T13:29:53","modified_gmt":"2016-04-07T13:29:53","slug":"dhalinyarada-ku-dhaqan-magaalada-hargeysa-oo-qadar-lacaga-oo-dhan-10-490-iyo-5000slsh-ku-wareejiyay-gudida-abaaraha-heer-qaransawiro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/04\/07\/dhalinyarada-ku-dhaqan-magaalada-hargeysa-oo-qadar-lacaga-oo-dhan-10-490-iyo-5000slsh-ku-wareejiyay-gudida-abaaraha-heer-qaransawiro\/","title":{"rendered":"Dhalinyarada Ku Dhaqan Magaalada Hargeysa Oo Qadar Lacaga Oo Dhan $10.490 Iyo 5000slsh Ku Wareejiyay Gudida Abaaraha Heer Qaran+Sawiro"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8211;Kulankan oo ka qabsoomay xarunta rugta ganacsiga ee Caasimada Hargeysa\u00a0 ayey ujeedadiisu ahayd sidii\u00a0\u00a0 qaadhaan lacageed oo dhan$10.490 iyo 5000slsh. (toban kun afar boqol iyo sagaashan\u00a0 dollar iyo shan kun oo shilling\u00a0 ay dhalinyaro firfircoon oo dareen dalnimo\u00a0 iyo damqasho umadnimo ku jirto ugu wareejin lahayeen guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha<\/p>\n<p>Haddaba, warbixinta kulankan oo markii uu soo idlaaday nuqul kamida nasoo gaadhsiiyey Xoghayaha guud ee\u00a0 Golaha Wasiirada JSL ahna\u00a0 Guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha Mud. Sharmaake Axmed Muxumed Geelle\u00a0 ayaa u dhignayd sidan:<\/p>\n<p>Waxay ahayd maanta kaidb markii Xubno aad u firfircoon oo ka mida dhalinyarada ku dhaqan magaalada Hargaysa ay qayb wayn\u00a0 ka qaateen gurmadka iyo\u00a0 qaadhaan ururinta loogu tala galay abaaraha baahsan ee dalka ka jira,\u00a0 dhalintan oo ahayd\u00a0 kuwo iskood isku abaabulay ayaa lacag kasoo ururiyey dhalinyarada ku nool magaalada Hargaysa si ay u muujiyaan cududa iyo caqliga dhalinyarad dalka isla markaana\u00a0 ay qaybtooda uga qaataan taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen,<\/p>\n<p>Dhalinyartani oo isugu jira rag iyo dumar ayaa\u00a0 howsha qaadhaan ururinta in mudo ahba waday waxaanay munaasabad bilan ku qabteen xarunta hotelka Maansoor 26.03.2016 halkaas oo ay ku ururiyeen deeq tiro badan isla markaana ay abuureen dareen umadnimo oo ku dhisan isku naxariisasho iyo wax wada qaybsi waxaana\u00a0 xusid iyo amaan mudan in Mulkiilaha Hotelka Maansoor uu\u00a0 habeenkaas qaadhaan ururinta lacag la\u2019aan uga dhigay dhalinyarada<\/p>\n<p>Hadddaba,\u00a0 dhalinyarada oo maanta soo wakiishay xubno ay kamid yihin Sahra Kiin, Saddam Carab, Xamse Cumar-ku-joog, Dr Farax, Xamda Maxamed Xuseen yo Hoodo Ayaan Suldaan Faarax\u00a0 ayey\u00a0 gudida abaaraha ee heer qaran\u00a0 soo gaadhsiiyeen lacag qadar keedu dhan yahay\u00a0 $10.400 iyo\u00a0 5000 slsh. (toban kun afar boqol oo dollar iyo shan kun oo shilling ) kuwaasi oo dhaliyaradii laga soo ururiyey ay ugu tala galeen taakulaynta abaaraha,<\/p>\n<p>Saddaam Carab iyo Sahrka Kiin oo ku hadlayey afka dhalinyarada qaadhaanka hurtay\u00a0 ayaa dareenkooda cabiray iyo\u00a0 sida ay ugu faraxsan yihiin in ay muujiyaan cudduda dhalinyarada iyagoo xusay in awooda dhalinyaradu tahay\u00a0 mid dihin oo dareen badan sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen in arintani soo noolayn doonto dareenkii umadnimo iyo waajibkii qaranimo, waxaanay duco iyo amaan u\u00a0 jeediyeen dhalinyaradii tirada badnayd ee hantidooda ku aaminay una wakiishay in ay qaadhaankaas ku wareejiyeen guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha<\/p>\n<p>Gudida abaaaraha ee heer qaran ayaa aad ugu mahadnaqay dhalinyaradan reer Hargaysa ee sida wayn ugu qayb qaatey hawsha qaadhaan ururinta ee abaaraha dalka ka jira, waxaanay xuseen qiimaha iscaawintu ku leedahay diinteena suuban iyagoo tilmaamay in arintan ay maanta sameeyeen dhalinyaradu rajo badan ku abuurtay.<\/p>\n<p>Waxaa xusid iyo xasuus mudan in talaabadani dhalinyaradu qaadeen abuurtay jawi iscaawin iyo garabsi ah isla markaana ay iftiin ka shiday guud ahaanba gobolada dalka oo gobol walba dhankiisa u xusul duuban yahay sidii uu gargaar iyo garab uga gaysan lahaa abaartan dalka ku habsatay taasoo xoolo iyo xoog tirtay kumanaan kamida shacabka reer Somaliland sidoo kale arintan ayaa\u00a0 muujinaysa howlkarnimada iyo naxariista damqashada leh ee\u00a0 ka muuqata da yarta dalka.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-5458\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/1-45-740x494.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"1\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-5459\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/2-14-740x494.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"2\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-5460\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/3-13-740x494.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"3\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8211;Kulankan oo ka qabsoomay xarunta rugta ganacsiga ee Caasimada Hargeysa\u00a0 ayey ujeedadiisu ahayd sidii\u00a0\u00a0 qaadhaan lacageed oo dhan$10.490 iyo 5000slsh. (toban kun afar boqol iyo sagaashan\u00a0 dollar iyo shan kun oo shilling\u00a0 ay dhalinyaro firfircoon oo dareen dalnimo\u00a0 iyo damqasho umadnimo ku jirto ugu wareejin lahayeen guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha Haddaba, warbixinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":20378,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-20374","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5iC","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20374","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20374"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20374\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20374"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20374"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20374"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}