{"id":2016,"date":"2014-12-20T13:42:34","date_gmt":"2014-12-20T13:42:34","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=2016"},"modified":"2014-12-20T13:42:34","modified_gmt":"2014-12-20T13:42:34","slug":"golaha-wakiilada-somaliland-oo-la-hor-dhigay-warbixin-musuqmaasuq-oo-ka-dhan-ah-hanti-dhawrka-guud-ee-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/20\/golaha-wakiilada-somaliland-oo-la-hor-dhigay-warbixin-musuqmaasuq-oo-ka-dhan-ah-hanti-dhawrka-guud-ee-qaranka\/","title":{"rendered":"Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Hor Dhigay Warbixin Musuqmaasuq Oo Ka Dhan Ah Hanti Dhawrka Guud Ee Qaranka"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/c97cecc083663e03fd8c2d0061ff0dc9_S.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/c97cecc083663e03fd8c2d0061ff0dc9_S.jpg?resize=200%2C182\" alt=\"c97cecc083663e03fd8c2d0061ff0dc9_S\" width=\"200\" height=\"182\" class=\"alignnone size-full wp-image-2017\" \/><\/a>Hargeysa (AN) Guddida Aqalkak Wakiilada Somaliland u qaabilsan Dabagalka iyo ilaalinta hantida Qaranka, ayaa maanta Golaha weynaha soo hor dhigtay Warbixin muujinaysa Musuqmaasuq iyo maamul xumo ragaadisay Hay\u2019adda Hantidhawrka guud ee Qaranka.<br \/>\nGuddidan oo Muddo baadhis ku waday hanaanka Hay\u2019addani u shaqayso iyo sida ay uga hawl gasho ilaalinta Hantida qaranka, siiba Xisaab xidhada iyo baadhisaha meelaha Musuqmaasuq ka dhaco, ayaa sheegtay inaan hay\u2019addani gabi ahaanba guddan hawlihii ay qaranka u xilsaarnayd, islamarkaana aanay wada shaqayni ka dhaxayn Madaxda Hay\u2019adda oo ah Gudoomiyaha, kuxigeenkiisa iyo Agaasimaha.<br \/>\nsidoo kalena Madaxda Hantidhawrku  ay la shaqayn wayday Guddidan wakiilada oo ka dalbatay inay si cad ugu soo bandhigtay Xisaab xidhada Miisaaniyaddaha qaranka iyo meelaha Hanti dhawrku u galay arimo Musuqmaasuq waxa uu ku gabo-gabeeyay .<\/p>\n<p>Ugu horayn Guddida oo Sawiraysa sida ay Madaxda Hantidhawrka guud uga dhego adaygeen Guddidan baadhista ku haysay sidii ay u ogaan lahaayeen in Hantida qaranka la ilaaliyay lana raacay Shuruucda u degsan ayaa warbixintooda ku yidhi \u201cTusaale, Gudidu waxay Hanti-dhawraha la qaadatay kulamo aad u faro-badan labadii Sano ee ugu danbeeyey.<br \/>\nWaxaanay qoraalo faro-badan u qortay Xafiiska Hanti-dhawraha kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwan sumadoodu ay hoos ku qoran yihiin:-<\/p>\n<p>1. GW\/G\/01\/57\/2012<br \/>\n2. GW\/G\/01\/73\/2012<br \/>\n3. GW\/G\/01\/98\/2013<br \/>\n4. GW\/G\/01\/20\/2013<br \/>\n5. GW\/G\/01\/10\/2014<br \/>\n6. GW\/G\/01\/24\/2014<br \/>\n7. GW\/G\/01\/194\/201<\/p>\n<p>Dhamaan waraaqahaas iyo kulamadaas aanu la galnay nuxurka dalabka Gudiddu wuxuun buu ahaa qaar isku mida waxaanuna ka dalbanaynay saddexdan qodob ee halkan hoose kuqoran:-<\/p>\n<p>1. U soo gudbint Guddida Warbiximaha Sanadlaha ah. (Annual Report)<br \/>\n2. Warbiximaha Hay\u2019adaha uu baadhay iyo Gunaanadkooda<br \/>\n3. Warbixin xisaabeedka hay\u2019adda lafteeda iyo hantideeda guurtada ah iyo maguurtada ah.<\/p>\n<p>Codsiyadaas iyo dalabyadaas ay Guddidu waydiisatay, mar walba Hanti-dhawrahu wuxuu Guddida ka codsadaa in ay siiyaan waqti aan kabadnayn 10 malmood, 5 maalmood, mararka qaarkood 2 wiig.<br \/>\nGuddida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranku iyagoo markasta tixgelinaaya wadashaqaynta Xafiiska Hanti-dhawraha, tixgelisana codsiga kaga yimaada Hanti-dhawraha Qaranka, Dhamaan balanqaadyada Hanti-dhawrahuna waxay ku dhamaataa mid aan waxba ka fulin.<br \/>\nMararka qaarkoodna wuxuu Hanti-dhawraha Guud noo soo qorayay waraaqo nuxur ahaan ka duwan wixii aanu ka dalbanay, oo aanu u aragnay uun isdiidsiin iyo ka cagajiid. Gudidu siwadar iyo si shakhsiyaad ahba waxay uga hawlgaleen hirgelinta wadashaqayn dhexmarto Hay\u2019addaas iyo Golaha si loo gaadho Hadafkeena Qaran ee aynu higsanayno.\u201d<\/p>\n<p>Warbixinta Guddidan Wakiilada ka tirsani ka diyaarisay Hantidhawrka waxaa lagu sheegay in baadhis lagu sameeyay Hay\u2019adda lafteeda ay ku Ogaadeen inaanay wada shaqayniba ka dhexayn Madaxda Hay\u2019adaasi<br \/>\n\u201cKa dib markaanu in badan eegaynay Xogona ka urur-sanaynay Hay\u2019adda Hanti-dharka Guud waxaan  noo soo baxday in:-<\/p>\n<p>1. In Aanay wax wada shaqayni ka dhexayn madaxda u saraysa Hay\u2019ada, Gudoomiyahuna Lumiyey Nidaamkii wadasghaqayneed ee Hay\u2019adda.<\/p>\n<p>2. In Shaqada Hay\u2019addu ay ku kooban tahay Gudoomiyaha oo uuweheliyo agaasimaha Dawlada dhexe.<br \/>\n3. In Hay\u2019adu noqotay Hay\u2019addaha ugu hoosaysa tayo ahaan intii aanu la kulmaynay madaxda qaranka, anagoo Hay\u2019adaha ku qiimayna warbixinada ay nasiiyaan iyo xogo oo aanu badanaa ka helno siyaabaha ay hayadahu amaba wasaaraduhu ku gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.<\/p>\n<p>4. In Gudoomiyahu aanu ogolayn in xogo qoraala uga gudbiyo Golaha Musuqmaasaqa xukumada hadheeyey ee uu afka ka sheegaayo.<\/p>\n<p>5. In Hay\u2019adda laftigeedu aanay ka madhnayn maamul xumo baahsan oo dhexdeeda ah taas oo sababi karta wax isdaba marin.\u201d<\/p>\n<p>Talo soo jeedinta Guddida:-<br \/>\nGuddida Ilaalinta iyo Daba-galka Hanti Qaranku waxay soo Jeedinayaan Qodobadan hoos ku xusa:<br \/>\n1. In Madaxweynahu uu dib u eegis balaadhan oo kor iyo hoos ah ku sameeyo Hay\u2019adda Hanti-dhawrka Qaranka.<br \/>\n2. In Wax ka bedel kaabis lagu sameeyo Xeerka Hanti-dhawrka (Xeer 5\/98) oo ku dhisnaa Cahdi Qarameedkii la waafajiyo Dastuurka JSL.<\/p>\n<p>3. In Xisaab-xidhyada 2008, 2009, 2010, 2011, 2012 iyo 2013 ee uu Hanti-dhawraha Guud Golaha keenay lagu wada celiyo si u u soo dhamaystiro, u soo saxo una soo raaciyo cadaymaha iyo Documents (Supported documents) looga baahan yahay<\/p>\n<p>Warbixintan oo ka kooban 11 Bog ayaa lagu sheegay in Xisaab xidhada Miisaaniyaddaha ee Hantidhawrku soo gudbiyay Guddidu ka heshay Khaladaad fara badan oo u muuqda Musuqmaasuq, kuwaasi oo uu Hantidhawruhu ka garaabay Khaladkooda balse uu ku cudur daartay inuu baadhis ugu noqonayo.<br \/>\nMudaneyaasha Aqalka Wakiilada ee iskugu jira Muxaafadka iyo Mucaaradka ayaa warbixintan si diiran u soo dhaweeyay ugana mahadnaqay Guddida, iyagoo qaarkood soo jeediyeen in Go\u2019aan gole weyne laga soo saaro waxyaabaha Musuqmaasuqa ah ee Warbixintu muujinayso<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Guddida Aqalkak Wakiilada Somaliland u qaabilsan Dabagalka iyo ilaalinta hantida Qaranka, ayaa maanta Golaha weynaha soo hor dhigtay Warbixin muujinaysa Musuqmaasuq iyo maamul xumo ragaadisay Hay\u2019adda Hantidhawrka guud ee Qaranka. Guddidan oo Muddo baadhis ku waday hanaanka Hay\u2019addani u shaqayso iyo sida ay uga hawl gasho ilaalinta Hantida qaranka, siiba Xisaab xidhada iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2017,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-2016","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-ww","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2016","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2016"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2016\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2016"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2016"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2016"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}