{"id":20141,"date":"2016-04-01T16:57:06","date_gmt":"2016-04-01T16:57:06","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=20141"},"modified":"2016-04-01T16:57:06","modified_gmt":"2016-04-01T16:57:06","slug":"madaxweynaha-turkiga-oo-ka-cadhooday-hees-lagu-caayayo-oo-laga-baahiyey-telefishan-jarmalka-laga-leeyahay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/04\/01\/madaxweynaha-turkiga-oo-ka-cadhooday-hees-lagu-caayayo-oo-laga-baahiyey-telefishan-jarmalka-laga-leeyahay\/","title":{"rendered":"MADAXWEYNAHA TURKIGA OO KA CADHOODAY HEES LAGU CAAYAYO OO LAGA BAAHIYEY TELEFISHAN JARMALKA LAGA LEEYAHAY."},"content":{"rendered":"<h2>Ankara\u00a0(AN) Dawladda Turkiga, ayaa u yeedhay safiirka Jarmalka si ay wax uga waydiiyaan hees laba daqiiqo socotay oo lagu dhaleeceeyey Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo uu baahiyey telefishanka Jarmalka, sida ay ilo-dibloomaasiyeed u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP oo <strong><em>Maankaab <\/em><\/strong>soo xigtay.<\/h2>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<h2>\u201cWaxa aannu u yeedhnay safiirka toddobaadkii hore si aannu ugala xidhiidhno cadho ka dhalatay hees laga baahiyey telefiishanka oo dhaleecayn ah. Waxa aannu dalbanay in baahinta laga saaro hawada,\u201d ayuu yidhi masuulka la hadlay wakaaladda AFP oo magaciisa la qariyey xaaladda dibloomaasiyadeed awgeed.<\/h2>\n<h2>Telefishan-goboleed Jarmalka laga leeyahay oo la yidhaa NDR, ayaa baahiyey 17 March \u00a0hees dheel-dheel ah oo lagu caayey madaxweyaha dalka Turkiga, taasoo erayadeeda ay ka mid yihiin \u201cErdowie, Erdowo, Erdogan,\u201d \u00a0oo lagu eedaynayo, madaxweynaha, isla markaana ahayd mid dheel-dheel ah, iyadoo nuxurka heestaasi ahaa in madaxweynaha Turkigu\u00a0 waxyeello u gaystay xorriyatul-qawlka.<\/h2>\n<h2>\u201cSuxufiga baahiya qoraal aannu jeclaysan madaxweyne Erdogan, berriba jeelka ayuu ku jiraa,\u201d ayuu ahaa macnaha ay gudbinaysay heestan oo luqadda Jarmalka ku baxaysay.<\/h2>\n<h2>Heestan waxa lagu qaaday luuq u gaar ahayd xiddig amma heesaa Jarmal ah oo caan ku noqday hees la odhan jiray Nena\u2019s 1984 Love Song amma Irgendwie, Irdendwo, Irgendwann\u201d (Si kastaba, meel kastaba iyo waqti kastaba) macnaheeduna noqonayo, kaasoo laga sii daayey telefiihankan Jarmalka ah, xaalad dibloomaasiyadeedna abuuri gaadhay.<\/h2>\n<h2>Tifaftiraha telefiishanka NDR oo la yidhaa Andreas Cichowicz, ayaa ku dooday in cadhada dibloomaasiyiinta Turkigu aanay khusayn sida ay u fahmeen telefiishan ahaan xorriyatul-qawlka oo ay kala sharci yihiin, halka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalku aanay arrintan ka jawaabin, kadib markii warbaahinta AFP la xidhiidhay.<\/h2>\n<h2><b>Xigasho: Maankaab<\/b><\/h2>\n<div class=\"fb-comments fb_iframe_widget\" data-href=\"http:\/\/somalilandtomorrow.com\/?p=17092\" data-num-posts=\"30\" data-width=\"728\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ankara\u00a0(AN) Dawladda Turkiga, ayaa u yeedhay safiirka Jarmalka si ay wax uga waydiiyaan hees laba daqiiqo socotay oo lagu dhaleeceeyey Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo uu baahiyey telefishanka Jarmalka, sida ay ilo-dibloomaasiyeed u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP oo Maankaab soo xigtay. &nbsp; \u201cWaxa aannu u yeedhnay safiirka toddobaadkii hore si aannu ugala xidhiidhno cadho [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":20151,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-20141","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5eR","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20141","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20141"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20141\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20141"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20141"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20141"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}