{"id":19983,"date":"2016-03-28T17:02:27","date_gmt":"2016-03-28T17:02:27","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=19983"},"modified":"2016-03-28T17:02:27","modified_gmt":"2016-03-28T17:02:27","slug":"banka-geeriyaad-saxariirka-abaarta-surbacaadka-kulaylka-iyo-sahayda-siigada-warbixin-saleeban-kalshaale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/03\/28\/banka-geeriyaad-saxariirka-abaarta-surbacaadka-kulaylka-iyo-sahayda-siigada-warbixin-saleeban-kalshaale\/","title":{"rendered":"Banka Geeriyaad:  Saxariirka Abaarta + surbacaadka kulaylka iyo Sahayda Siigada..Warbixin: Saleeban Kalshaale"},"content":{"rendered":"<p>Saylac()-Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa maalintii labaad howl-gal quudin iyo kor-meer \u00a0xaqiiqo raadin isugu jira ka fuliyey deegaamo ku teedsan Saxara lamoodka Banka geriyaad ee Gobolka Selel \u00a0oo ay abaar soof ma reeba ahi ku haleelshay Dad reer guuraa ah oo halkaa Xoolaha badankoodii kaga baxeen, kaddib markii xaaluf daba dheeraaday iyo xanuunno isu barkadeen.<\/p>\n<p><strong>Bulshada \u00a0ku dhaqan Deegaamadan weftigu maanta gurmadka ku maray, ayaa ah\u00a0 dad ay ka muuqdaan saxariir iyo soomal haad badan oo ay abaartu badday, kuwaasoo ay duruufta baahidu ku khasabtay inay waddooyinka istaagaan si ay Baabuurta halkaa maraysa u waystaan kaalmo.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Baahidooda ugu darani waa biyo iyo cunto ay afka geliyaan marka ay u gacan haadinayaan \u00a0Baabuurta waddada maraysa, taasoo isha aragtaa uun qiyaasi karto marxaladda ay dhab ahaan ku sugayaan gacanta eebbe iyo go\u2019bo caawimo oo bina\u2019aadam uga timaada.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Tusaalena waxa loo soo qaadan karaa xaalad macaluul iyo haraad gaadhsiisan, in xataa dadku habeenkii \u00a0dariiqyada u istaagaan\u00a0 Baabuurta si ay jal u waydiistaan.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo saaka arroornimadii hore ka ambo baxay Magaalada Geerisa oo fadhigoodu ahaa labadii maalmood ee u dambeeyey, \u00a0ayaa \u00a0Biyo, cunto fudud oo gacan ka dhiib ah iyo Daawooyin ku siiyey \u00a0Qoysas ku talaabaysan duleedka Geerisa ilaa Ceel Gaal inta u dhaxaysa.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Tilmaan ahaan, deegaamada xidhiidhsan, \u00a0Caasha caddo, laagta Morohda illaa ceel Gaal \u00a0ayaa weftigu waxay kula kulmayeen Maato dariiqyada banka wadhan u baahan gargaar caafimaad, cunto, biyo, gaadiid ay maxasta ku qaataan iyo qaar duunyadii ka dhamaatay oo samato bixin dalbaday.<\/strong><\/p>\n<p>Geesta kale, Weftiga ayaa intii ay dadkan Taakulada qaybinayeen sidoo kale dadka \u00a0ka xog waraysanayey Xaaladooda nololeed ee ka hoosaysa muuqaalka \u00a0diifta badani ka sokayso .<\/p>\n<p>Mid kamida ah dhacdooyinka naxdinta iyo xanuunka badan ee ay dadku warameen ayaa ah Hooyo umul ah oo ku dhiig baxday Xaalada dhalmada \u00a0laba maalmood ka hor Tuulada Ceel Gaal, taasoo ay Kooxo gurmadka caafimaadka ku shaqo leh oo weftiga la socdaa siiyeen Daawooyin iyo bushqado cuntada nafaqada ah.<\/p>\n<p>Deegaanka Ceel Gaal ma laha xarun Caafimaad. Dadka halkaa ku dhaqanina waxay ka cawdeen la\u2019aanta adeegyada aasaasiga ah, sida \u00a0xarun Caafimaad oo lagula tacaalo caafimaadka Carruurta iyo haweenka u jilicsan diifta abaarta. \u201cGabadhu markay foolato meel loo qaado waxa noogu dhaw Geerisa iyo Saylac, Gaadiidna ma haysano\u201d sidaas waxa tidhi Malyuun oo kamid ah Haweenka Deegaanka Ceel Gaal.<\/p>\n<p>Bulshada ku dhaqan Deegaankan iyo jiida kale ee Weftigu maray dhamaantood waxay masuuliyiinta dawladda ka dalbadeen inay maalinba maalinta ka dambeysa xaaladoodu ka sii darayso, iyagoo musawir buuxa ka bixiyey wacyiga ay ku jiraan oo ay ku tilmaameen mid noole la saaxiibo kuu ugu adkaa.<\/p>\n<p>Saleeban Cabdi Cali<\/p>\n<p>Saylac \/Somaliland<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Saylac()-Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa maalintii labaad howl-gal quudin iyo kor-meer \u00a0xaqiiqo raadin isugu jira ka fuliyey deegaamo ku teedsan Saxara lamoodka Banka geriyaad ee Gobolka Selel \u00a0oo ay abaar soof ma reeba ahi ku haleelshay Dad reer guuraa ah oo halkaa Xoolaha badankoodii kaga baxeen, kaddib markii xaaluf daba dheeraaday iyo xanuunno isu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19893,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-19983","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5cj","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19983","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=19983"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19983\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=19983"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=19983"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=19983"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}