{"id":19938,"date":"2016-01-26T21:07:03","date_gmt":"2016-01-26T21:07:03","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=19938"},"modified":"2016-01-26T21:07:03","modified_gmt":"2016-01-26T21:07:03","slug":"dalada-sonsaf-oo-war-murtiyeed-ka-soo-saartay-diwaangalinta-codbixiyaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/26\/dalada-sonsaf-oo-war-murtiyeed-ka-soo-saartay-diwaangalinta-codbixiyaha\/","title":{"rendered":"Dalada Sonsaf oo War murtiyeed ka soo saartay Diwaangalinta Codbixiyaha"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)\u00a0War-saxaafadeed: Diiwaan-Galinta Cod-bixiyayaasha: Dalada Jileyaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF iyadoo kaashanaysa Madasha Ururada Bulshada ee Arimaha Doorashooyinka (SCISEF) isla markaana taageeraysa sidii loo qaban lahaa diiwaangalin codbixiye oo hufan una gogolxaadha sidii dalka ay ugu dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ahi waxay goobjoogeyaal maxaliya u dirtay in ka badan 90 goobood oo mid ah 163 ka goobood ee gobolka Togdheer diiwaan-galintu sida rasmiga ah uga bilaabantay January 16-kii 2016.<\/p>\n<p>Waxay goobjoogayaasha maxaliga ahi xaqiijiyeen in qalabka Komiishanku dhigay goobaha diiwaan gelintu yahay qalab awoodiisu aad u sarayso, kana hortegi kara cidkasta oo isku deyda in ay laba-jeer is-diiwaan geliyaan si aan sharciga waafaq sanayn. Hadaba marka loo eego 2008-2009 diiwaan gelintu qaabkay u dhacday, Goobjoogayaashu waxay xaqiijiyeen in la sameeyey horumar weyn sanadkan 2016,<\/p>\n<p>kaas oo wax weyn ka taray habsami u socodka diiwaan-gelinta codbixiyayaasha. Goobjoogeyaasha maxaliga ahi war-baxintii hordhaca ahayd ee ay ka soo gudbiyeen gobolka Togdheer waxay ahayd runtii mid yididiilo ku abuurtay bulshada wallow ay cilado farsamo oo xaga isku xidhka qalabku ay dhaceen maalintii koowaad kuwaas oo markiiba la xaliyay.<\/p>\n<p>Habka diiwaan-galintu 7-dii Casho ee ugu horeeyay wuxuu u socday si nabad-gelyo ah,<\/p>\n<p>waxaa mudan in la tilmaamo in dhalin-yaradii maamulayey goobaha Diiwaan-galintu ay muujiyeen dedaal dhaaraad ah, kartina u yeesheen xalinta wax kasta oo ka hor yimaada oo aan ku koobnayn waxii farsamo ah oo kaliya.<\/p>\n<p>2 Sidaa awgeed SONSAF waxay usoo jeedinaysaa:-<\/p>\n<p>\uf0b7 Komishanka Doorashooyinka Qaranku inuu waayo aragnimadii laga bartay gobolka Togdher lagu dabaqo gobolada hadhay iyo in la shaaciyo dadka isku dayay inay marlabaad is-diiwaangaliyan ee la qabtay si looga hortago in dad kale isku dayaan.<\/p>\n<p>\uf0b7 Xisbiyada Qaranku in ay si mug leh uga qaybqaataan hawsha diiwaan-galinta codbixinta isla markaana xoojiyaan goobjoogeyaasha u jooga goobaha diiwaan gelinta.<\/p>\n<p>\uf0b7 Wasaarada Arrimaha Gudahu inay xoojiyaan wakiilada ka jooga goobaha diiwaan-galinta, qayb laxaadlena ka qaadato sidii loo xaqiijin lahaa dadka is diiwaan-galinaya inay muwaadiniin yihiin, isla markaana u soo diraan goobaha dad waawayn sida cuqaasha, gudidada xaafadaha iyo gudoomiyeyaasha tuulooyinka.<\/p>\n<p>Ugu dambayn SONSAF iyadoo metalaysa Ururada iyo Jilayaasha aan Dawliga ahayn waxay u mahadnaqaysaa sidii wanaagsanayd ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku ula shaqeeyeen goobjeegeyaasha maxaliga ah isla markaana aqoonsiga buuxa u siiyeen si ay hawshooda ugu gutaan si madaxbanaan. Sidoo kale waxaan mahadnaq u soo jeedinaynaa Xisbiyada qaranka, Xukuumada iyo bulshada caalamka oo gacan ka gaystay diiwan gelinta codbixiyaasha, doorashooyinka iyo taageerida sidii goobjoogeyaasha maxaliga ahi ay u gudan lahaayeen hawshooda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Mustafe Sa\u2019ad Dhimbiil<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Dallada SONSAF<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.net<\/p>\n<p>Arabsiyonews@gmail.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN)\u00a0War-saxaafadeed: Diiwaan-Galinta Cod-bixiyayaasha: Dalada Jileyaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF iyadoo kaashanaysa Madasha Ururada Bulshada ee Arimaha Doorashooyinka (SCISEF) isla markaana taageeraysa sidii loo qaban lahaa diiwaangalin codbixiye oo hufan una gogolxaadha sidii dalka ay ugu dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ahi waxay goobjoogeyaal maxaliya u dirtay in ka badan 90 goobood oo mid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19939,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-19938","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5bA","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19938","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=19938"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19938\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=19938"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=19938"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=19938"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}