{"id":19867,"date":"2016-03-26T14:14:24","date_gmt":"2016-03-26T14:14:24","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=19867"},"modified":"2016-03-26T14:14:24","modified_gmt":"2016-03-26T14:14:24","slug":"ururka-suxufiyiinta-solja-oo-war-saxaafadeed-kasoo-saaray-xayiraadda-xukuumaddu-saartay-ruqsad-siinta-haydaha-warbaahinta-unkamaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/03\/26\/ururka-suxufiyiinta-solja-oo-war-saxaafadeed-kasoo-saaray-xayiraadda-xukuumaddu-saartay-ruqsad-siinta-haydaha-warbaahinta-unkamaya\/","title":{"rendered":"Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo War-saxaafadeed Kasoo Saaray Xayiraadda Xukuumaddu Saartay Ruqsad-siinta Hay\u2019daha Warbaahinta Unkamaya."},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;rurka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA isagoo dabaqaya Xeerka Saxaafadda Somaliland Xeer No:27\/2004 qoddobadiisa 6 iyo 7aad oo si cad u qeexaya xaqa muwaadiniitu ku heli karaan ruqsad warbaahineed, isla markaana ay ku cadahay dariiqa ay u marayaan shuruudaha looga baahan yahay, waxa uu arkaa caqabado badan oo ka taagan inay dadweynuhu nidaamkaasi maraan, kadib markii ay wasaaradda warfaafinta iyo xeer ilaalintu si toos ah iyo si dadbanba u xayireen xuquuqda ruqsad helida furashada Hay\u2019addo warbaahineed.<\/p>\n<p>Ururka SOLJA waxa uu u arkaa xayiraada la saaray Wargeysyada kala ah Hubsad, Xog-ogaal, iyo Codka Shacabka oo ah sadex wargeys oo ruqsado sharci ah haysta balse dadkii ruqsadahaas lahaa ay siiyeen ama ka iibiyeen Suxufiyiin kale oo laga hor istaagay inay Ruqsado helaan, ka dib markii wasaaradda warfaafinta iyo Xeer ilaalinta guud hakiyeen si toos ah iyo si dadbanba Ruqsad bixinta Hay\u2019addaha Warbaahinta ee cusub. Xukuumadda waxa aan ka codsanaynaa in ay dib ugu diiwaan geliso, isla markaana mulkiyada Wargeysayadaasi ku wareejiso Suxufiyiinta laga xayiray.<\/p>\n<p>SOLJA waxay u aragtaa wasaaradda Warfaafinta oo ah Hay\u2019adda maamusha Saxaafadda nidaamyadeeda kala duwan inaanay lahayn nidaam cad oo loo raaco xafiisyadii loo mari lahaa shuruuddaha diiwaangalinta, taasi-na ay sababtay in xukuumaddu ay uga dan leedahay inay Ruqsada u bixiso si aan toos ahayn oo ay siiso cidii ay u aragto dan.<\/p>\n<p>SOLJA waxay xukuumadda Somaliland hore uga codsatay in arrintaas dib loo eego ama dacwadaha lagu soo oogay ay xukuumaddu si toos ah u wado si looga garnaqo isla markaana go\u2019aan looga gaadho, maadaama ay saxaafaddu xaq u leedahay labada dariiq in midkood loo maro xayiraada saaran wargeysyadaasi.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqayaa Suxufiyiinta Somaliland ee doonaya inay furtaan ama la wareegaan hay\u2019addo warbaahineed inay u maraan nidaamka sharciga ah ee uu jidaynayo Xeerka Saxaafadda, kaasoo si cad u bayaaminaya helitaanka, wax ka bedelka iyo wax ku kordhinta hay\u2019ad warbaahinta.<\/p>\n<p>Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa suxufiyiinta kula talinayaan in ay joojiyaan baraha bulshada ee ay gaarka u leeyihiin inay ku baahiyaan dacaayadaha wax u dhimaya magacooda iyo ka saaxafaddaba, maadama oo aanu saxafigu la mid ahayn bulshada kale ee shaqsiga u istimaala baraha bulshada, kaas oo ku mutaysan kara Ciqaab. Arrintaas cabashooyinka iyo Dacwadaha ka soo gaadhaya ururka ay aad u soo kordhayso isla markaana aad moodo Weriyayaashu inaanay ku baraarugsanayn dhibaatadda ay u keenayso arrintani.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Maxamuud Cabdi Jaamac<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;rurka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA isagoo dabaqaya Xeerka Saxaafadda Somaliland Xeer No:27\/2004 qoddobadiisa 6 iyo 7aad oo si cad u qeexaya xaqa muwaadiniitu ku heli karaan ruqsad warbaahineed, isla markaana ay ku cadahay dariiqa ay u marayaan shuruudaha looga baahan yahay, waxa uu arkaa caqabado badan oo ka taagan inay dadweynuhu nidaamkaasi maraan, kadib markii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":349,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-19867","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-5ar","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19867","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=19867"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19867\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=19867"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=19867"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=19867"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}