{"id":19834,"date":"2016-03-25T17:59:26","date_gmt":"2016-03-25T17:59:26","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=19834"},"modified":"2016-03-25T17:59:26","modified_gmt":"2016-03-25T17:59:26","slug":"maamulka-galmudug-oo-maanta-soo-bandhigtay-maxaabiis-ay-ku-qabteen-dagaalkii-al-shabaabsawiro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/03\/25\/maamulka-galmudug-oo-maanta-soo-bandhigtay-maxaabiis-ay-ku-qabteen-dagaalkii-al-shabaabsawiro\/","title":{"rendered":"Maamulka Galmudug Oo Maanta Soo Bandhigtay Maxaabiis Ay Ku Qabteen Dagaalkii Al-shabaab+Sawiro"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;-Maamulka Galmudug ayaa maanta degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kusoo bandhigay 22-maxbuus oo ay xuseen inay kusoo qabteen Dagaal dhex-maray ciidamadooda iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.<\/p>\n<p>Xubno ka tirsan mas\u2019uuliyiinta Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay inay kusoo qabteen maxaabiistan dagaal ka dhacay deegaanno Bariga gobolka Mudug ku yaalla, kaasoo dhex-maray ciidankooda iyo dagaal-yahano ka tirsan Al-shabaab oo kasoo firxaday deegaannada Puntland.<\/p>\n<p>Taliye ku xigeenka ciidamada booliiska maamulka Galmudug, Cabdi Jaamac C\/lle Xabeeb oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay maxaabiistan tiradoodu gaarayso 22-qof, ayna u badan yihiin dhallinyaro da\u2019yar ah oo uu sheegay in lasoo qalday.<\/p>\n<p>\u201cDhallinyaradaan waa kuwo lasoo qalday oo lagu yiri Janno ayaad galaysaan ee dagaallada ka qayb-qaata, laakiin waxaan u sheegayaa in aysan Janno ku galayn ee ay ku Mudanayaan Naar,\u201d ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Galmudug.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta ee Galmudug, Sh. Mursal C\/raxmaan Axmed ayaa isagana sheegay in marka laga reebo Afar ruux oo ka mid ah maxaabiistan, ay intooda kale yihiin kuwo cimrigoodu ka yar yahay da\u2019da 20-jirka.<\/p>\n<p>Sh. Mursal ayaa dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab ugu baqay inay kasoo baxaan, isagoo u ballan-qaaday in la cafinayo, isla markaana loo sameyn doono dhaqan-celin, si ay bulshada ugu biiraan.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ugu baaqayaa Xoogagga ka tirsan Al-shabaab inay kasoo baxaan oo ay Nabadda qaataan, innaguna waxaan u ballan-qaadaynaa amni iyo in loo sameyn doono dhaqan-celin si ay bulshadooda mar kale ugu biiraan,\u201d ayuu Sh. Mursal u sheegay warbaahintii uu kula hadlayay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Maxaabiista ay maanta maamulka Galmudug soo bandhigeen ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu horreeyay oo ay soo bandhigaan, iyagoo sheegay inay ka mid yihiin xoogaggii Al-shabaab horay uga soo dagaallamay deegaannada xeebaha-bari ee Puntland.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-4412\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/1-162.jpg?w=696\" alt=\"1\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-4413\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/2-72.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"2\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-4414\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/3-58.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"3\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-4415\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/4-45.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"4\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-4416\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/5-40.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"5\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-4417\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/6-33.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"6\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Xuquuqda Sawirada VAOSomali<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;-Maamulka Galmudug ayaa maanta degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kusoo bandhigay 22-maxbuus oo ay xuseen inay kusoo qabteen Dagaal dhex-maray ciidamadooda iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab. Xubno ka tirsan mas\u2019uuliyiinta Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay inay kusoo qabteen maxaabiistan dagaal ka dhacay deegaanno Bariga gobolka Mudug ku yaalla, kaasoo dhex-maray ciidankooda iyo dagaal-yahano ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19842,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-19834","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-59U","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19834","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=19834"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19834\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=19834"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=19834"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=19834"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}