{"id":19663,"date":"2016-03-21T14:00:03","date_gmt":"2016-03-21T14:00:03","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=19663"},"modified":"2016-03-21T14:00:03","modified_gmt":"2016-03-21T14:00:03","slug":"kulan-qasriga-madaxtooyada-ku-dhex-maray-madaxwaynaha-somalilandmasuuliyiinta-saddexda-xisbiga-qaran-iyo-gudida-doorashooyinka-qarankawaxa-laga-wada-hadlaysawiro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/03\/21\/kulan-qasriga-madaxtooyada-ku-dhex-maray-madaxwaynaha-somalilandmasuuliyiinta-saddexda-xisbiga-qaran-iyo-gudida-doorashooyinka-qarankawaxa-laga-wada-hadlaysawiro\/","title":{"rendered":"Kulan Qasriga Madaxtooyada Ku Dhex Maray Madaxwaynaha Somaliland,Masuuliyiinta Saddexda Xisbiga Qaran Iyo Gudida Doorashooyinka Qaranka+Waxa Laga Wada Hadlay+Sawiro"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;<\/p>\n<p>Shir gaar ah oo ku saabsan habka uu u socdo barnaamijka Qaranka ee diiwaangalinta codbixiyaasha oo haatan maraysa Saaxil, Gabilay iyo Hawd, ka dib markii laga soo dhameeyay Togdheer iyo Awdal, ayaa lagu qabtay xalay\u00a0 qasriga Madaxtooyada JSL.<\/p>\n<p>Shirkan oo uu gudoominaayay Madaxwaynaha\u00a0 JSL, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, weheliyayna Madaxwayne ku xigeenka,\u00a0 Mudane\u00a0 Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil\u00a0 (Saylici), Gudoomiyayaasha\u00a0 Xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani, Xubnaha komishanka doorashooyinka\u00a0 oo uu horkacayo Gudoomiyaha komishanka, wasiirro iyo\u00a0 Masuuliyiinta xukuumadda iyo\u00a0 xisbiyada qaranka ka tirsan ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray\u00a0 sida diiwaangalinta\u00a0 codbixiyayaashu ilaa hadda u socoto.<\/p>\n<p>Xubnaha\u00a0 komishanka dooroshoyinka Qaranka (KDQ) oo\u00a0 ahaa shan xubnood\u00a0 uguna horeeyo Gudoomiyaha Komishanka\u00a0 Mudane\u00a0 Cabdiqaadir Iimaan Warsame\u00a0 ayaa qeexay in ay diiwaangalintu sidii la rabay ee loogu talo galay u socoto, cidkastoo isku dayday in ay isdiiwaangaliso halmar wax ka badanna qalabka lagu shaqaynaayaa qabtay, sharcigana lala tiigsan doono .<\/p>\n<p>Xubnaha komishanku waxay ka digeen in caadiifad inna qaaddo oo habka ay diiwaangalintu u socoto la farafareeyo, loona ordo waxa loo malaynayo in ay gobol ama degmo gaar ugu badinayso.<\/p>\n<p>Waxay ku adkaysteen xubnaha komishanku in nidaamka diwaangalintu ee codbixiyayaashu yahay kan ugu fiican cadaaladda, laguna meel marin karo\u00a0 tartan xor iyo xalaal ah doorashada loo balansan yahay 2017, hadii Eebbe idmay.<\/p>\n<p>Waxay caddeeyeen Xubnaha KDQ in nidaamka codbixiyayaasha loo diwaan galinaayo\u00a0 aanay cidna uga horrayn caalamka Somaliland, kalsooni wayna lagu qabo in uu guulaysto habkani.<\/p>\n<p>Dhinacooda Xubnaha ka tirsan Asxaabta iyo Masuulliyiin xukumadda ahiba waxay tilmaameen inay kalsooni ku qabaan komishanka\u00a0 dooroshooyinka iyo qalabka lagu shaqaynayoba, waxay rabaana yahay in tirada ugu badani ee codbixiyeyaashu is diwaangaliyaan, xaqa dastuuriga ah ee codbixiyeyaashana loo\u00a0 ilaaliyo.<\/p>\n<p>Markii la qaadaa dhigay ka dib, waxa la isku dardaaray in habka lagu wado diiwaangalintu ay sideeda u socoto, Gobolada iyo Degmooyinka ay ka socotana lagu dadaalo in Goobaha Diwaangalinta lagu ururiyo si dadka ugu badani isku diiwaan galiyaan.<\/p>\n<p>Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo soo gunaanaday kulanka ayaa ku dardaaray ka qaybgalayaasha kulanka in Komishanka dooroshooyinka qaranka\u00a0 lagu qaddariyo shaqada culus ee ay u hayaan Qaranka, komishanka dooroshooyinka qarankuna ay tixgaliyaan cabashooyinka aan ka hor imanaynin\u00a0 wakhtiga iyo\u00a0 habka shaqada diiwaangalinta loo qorsheeyay.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-4016\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/1-125-740x315.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"1\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>ALLAA MAHAD LEH<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)<\/p>\n<p>Af-hayeenka Madaxtooyada JSL<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212; Shir gaar ah oo ku saabsan habka uu u socdo barnaamijka Qaranka ee diiwaangalinta codbixiyaasha oo haatan maraysa Saaxil, Gabilay iyo Hawd, ka dib markii laga soo dhameeyay Togdheer iyo Awdal, ayaa lagu qabtay xalay\u00a0 qasriga Madaxtooyada JSL. Shirkan oo uu gudoominaayay Madaxwaynaha\u00a0 JSL, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, weheliyayna Madaxwayne ku xigeenka,\u00a0 Mudane\u00a0 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19664,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-19663","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-579","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19663","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=19663"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19663\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=19663"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=19663"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=19663"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}