{"id":19585,"date":"2016-03-18T16:08:13","date_gmt":"2016-03-18T16:08:13","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=19585"},"modified":"2016-03-18T16:08:13","modified_gmt":"2016-03-18T16:08:13","slug":"wefti-ka-socda-dalka-imaaraadka-carabta-oo-magaalada-hargeysa-lagu-soo-dhaweeyey-iyo-ujeedada-socdaalkooda-oo-ay-gudo-galeensawiro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/03\/18\/wefti-ka-socda-dalka-imaaraadka-carabta-oo-magaalada-hargeysa-lagu-soo-dhaweeyey-iyo-ujeedada-socdaalkooda-oo-ay-gudo-galeensawiro\/","title":{"rendered":"Wefti Ka Socda Dalka Imaaraadka Carabta  Oo Magaalada Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey Iyo Ujeedada Socdaalkooda Oo Ay Gudo Galeen+Sawiro"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Madaxwayne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxwaynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan C\/laahi Ismaciil (Saylici), ayaa maanta\u00a0 hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada ku qaabilay\u00a0 wafti balaadhan oo ka socda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ee (U.A.E).<\/p>\n<p>Waftigan Imaaraadka oo ka koobnaa 10 xubnood oo uu\u00a0 hogaaminayay guddoomiyaha hay\u2019ada Imaraadka Carabta u qaabilsan Arrimaha Diinta &amp; Awqaafta, oo booqasho ku yimid dalka\u00a0 saaka.<\/p>\n<p>Madaxa waftiga ayaa si weyn uga mahadnaqay soo dhawaynta uu kala kulmay Dawlada Somaliland iyo Shacbigeeda, laga bilaabo markii ay ka soo degeen dhabaha diyaaradaha ee Cigaal international Airport ilaa iyo intii uu maraayay xarumaha dawladda Somaliland ee uu\u00a0 boqday.<\/p>\n<p>Madaxa waftiga hogaaminaayey\u00a0 Mudane\u00a0 Maxamed Madar Saalim Al-kacbi\u00a0 wuxuu ka xog waramay sida uu dalkoodu u ahaa\u00a0 dhowr iyo soddon sano ka hor\u00a0 goob lama degaan ah oo\u00a0 faqri iyo aqoon darro\u00a0 taallo, maantana dalkaasi u noqday mid ka mid ah dalalka ugu hormarsan dunida, taasi oo ku timid, ayuu sheegay madaxa waftigu hogaaminta wanaagsan ee sheikh Saa\u2019id Binu Suldaan Aala Nahiyan, waxaana uu intaa ku daray inuu halkan ka arkay in dalkan uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Silanyo iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisuba ay si wanaagsan oo horumar lagu gaadhayo ay ku\u00a0 hogaaminayaan dalka Somaliland.<\/p>\n<p>Wuxuu intaa\u00a0 ku daray in waxkasta oo karaankooda ah oo ay la qaban karaan aanu dalka Imaaraadku kala hadhaynin dalka Somaliland oo\u00a0 uu u arko dal walaalo ah Carab ah oo Islaam ah.<\/p>\n<p>Isagoo ka hadlaya noocyada taageero ee ay u fidinayaan Somaliland, wuxuu sheegay inay dhisme u samaynayaan Idaacada Qur\u2019aanka kariimka ah ee wasaarada warfaafinta wacyi galinta iyo dhaqanka, isla markaana ay ugu tababari-doonaan Shaqaalaha ka hawl-gala Idaacada Qur\u2019aanka Kariimka ah Isu-tagga Imaaraadka Carabta.<\/p>\n<p>Waxaa uu intaa raaciyay inay mashaariic ka fulin doonaan Xarunta Agoomaha Hargaysa, sidoo kalena ay jaamacada hargaysa gaar ahaan qaybta kulliyada daraasaadka Islaamiga ah ay si weyn wax ula qaban doonaan, taasina ay\u00a0 heshiis kala saxeexanayaan\u00a0\u00a0 maamulka sare ee Jaamacada Hargaysa.<\/p>\n<p>Madax waftigu waxaa uu ka codsaday Madaxwayne ku xigeenka ahna ku simaha madaxwaynaha inuu salaan sharaf ka gaadhsiiyo Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku sifeeyay inuu muujiyay\u00a0 hogaamiyenimo wanaagsan sida uu ka arkay dalka intuu\u00a0 ku sugnaa.<\/p>\n<p>Dhinaca Somaliland Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku simaha\u00a0 Madaxwaynaha wuxuu si weyn uga mahadnaqay hogaanka isu-tagga Imaraadka Carabta kuwaas oo uu ku tilmaamay inay gurmad laxaad leh oo qiimo badan u yeesheen Somaliland gaar ahaan intan abaarta ba\u2019ani jirtay, iyadoo ayuu sheegay ku simaha madaxwaynuhu in ay dhowr jeer Imaaraadku keenen mucaawimo ay ku jirto kaalmo dhinaca ceelasha biyaha ah haatana uu taagan yahay dekada Barbara deeq mucaawimo ah oo ay Imaaradku leeyihiin oo\u00a0 loogu talo galay dadka abaaruhu ku habsadeen.<\/p>\n<p>Waxaanu raaciyay ku simaha Madaxwaynuhu in mucaawimo intaa ka badan waliba laga sugayo dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan wakhtigan ay sii baahday abaartu, dadiina ay u dhimanayaan xaalada abaaraha, iyadoo ay xooluhuna ka horeeyeen.<\/p>\n<p>Ugu Danbayntii\u00a0 ku simaha Madaxwaynuhu wuxuu ka dalbaday madaxa waftiga in mahadnaq iyo salaan ka gaadhsiiyaan amiirka isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Saa\u2019id Binu Suldaan Aala Nahiyan, xukumadda iyo shacbiga Imaaraadka, waxaana uu halkaa ku gudoonsiiyay kusimaha Madaxwaynuhu Shahaado sharaf madaxa waftiga Maxamed\u00a0 Madar\u00a0 iyo Hay\u2019ada Sheikh Saa\u2019id Foundation ee u qaabilsan Imaraadka gargaarka.<\/p>\n<p>Waftigu intii ay dalka joogeen oo ahayd galinkii hore ee Jimacaha waxay indho-indheeyeen xarumaha wasaarada warfaafinta, iyagoo shir la qaatay wasiirka wasaarada warfaafinta JSL Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo si gaara uga waramay xaalada abaarta\u00a0 dalka ka jirta, oo ay ku wahelinayeen wasiirku xigeenka wasaarada warfaafinta Marwo Shurgi Xariir Ismaciil, iyo masuuliyiinta kala duwan ee wassaaradda.<\/p>\n<p>Waxay kale oo ay mareen waftigu xarunta cusub ee loo dhisayo wasaarada diinta iyo awqaafta iyagoo halkaa warbixin kagaga dhagaystay wasiirka diinta iyo awqaafta mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo waftiga dhiggiisa ah gadhwadeen u ahaa intay dalka joogeen, waxaa kale oo ay mareen xarunta agoomaha ee hargaysa oo ay warbixin kaga dhagaysteen masuuliyiinta xaruntaasi ka masuulka ah oo ay horkacayso Marwo Caasha Maxamuud Qaalib, waxay kaloo mareen xarunta jaamacada hargaysa halkaasi oo ay kulan balaadhan kula qaateen Guddomiyaha Jaamacada Hargaysa Prof. Maxamuud\u00a0 Yuusuf\u00a0\u00a0 oo ay waheliyaan masuuliyiinta kale ee Jaamacadu oo uu ka mid ahaa\u00a0 hormoodka daraasaadka islaamiga ah Prof Bade.<\/p>\n<p>Weftigan iyo socdaalkooda dalka waxa xidhiidhinaayey Safiirka Somaliland ee isu-tagga imaaraadka carab Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu hawlo shaqo awgeed aan u soo raacin.<\/p>\n<p>Madaxda dalka Somaliland ka socotay ee dalka ku soo dhawaysay weftiga waxa ka mid ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista iyo Hawda Axmed Nuur Faahiye, Agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali, Gudoomiyaha Diwaanka Sekeda Sheekh Siciid Maxamed Faarax, iyo Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi).<\/p>\n<p>ALLAA MAHAD LEH<\/p>\n<p>Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)<\/p>\n<p>Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-3790\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/1-104.jpg?w=696\" alt=\"1\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-3791\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/2-45.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"2\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-3792\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/3-35.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"3\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-3793\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/4-29.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"4\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-3794\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/5-26.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"5\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-3795\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/6-23.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"6\" \/> <img data-recalc-dims=\"1\" height=\"300\" width=\"300\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-3796\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ramaasnews.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/7-18.jpg?fit=300%2C300\" alt=\"7\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Madaxwayne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxwaynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan C\/laahi Ismaciil (Saylici), ayaa maanta\u00a0 hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada ku qaabilay\u00a0 wafti balaadhan oo ka socda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ee (U.A.E). Waftigan Imaaraadka oo ka koobnaa 10 xubnood oo uu\u00a0 hogaaminayay guddoomiyaha hay\u2019ada Imaraadka Carabta u qaabilsan Arrimaha Diinta &amp; Awqaafta, oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-19585","post","type-post","status-publish","format-standard","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-55T","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19585","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=19585"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19585\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=19585"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=19585"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=19585"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}