{"id":19512,"date":"2016-03-16T14:31:52","date_gmt":"2016-03-16T14:31:52","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=19512"},"modified":"2016-03-16T14:31:52","modified_gmt":"2016-03-16T14:31:52","slug":"19512-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/03\/16\/19512-2\/","title":{"rendered":"Weftigii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Ka Socda Dawladda Somaliya Oo Isku Gaadhay Dalka Kuwayt"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Iyadoo uu habeen hore dalka Kuwayt gaadhay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti kooban oo uu hoggaaminayaa, ayaa geesta kale waxa iyaguna halkaas gaadhay wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Cabdisalaan Hadliye.<\/p>\n<div class=\"content\">\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/153.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-thumbnail wp-image-31442\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/153-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"1\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/p>\n<p>Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dalkaas ku tagay sida ay madaxtooyadu sheegtay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay boqorka Dalka Kuwayt oo la filayo inuu la kulmo.<\/p>\n<p>Geesta kalena, wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Cabdisalaan Hadliye, ayaa sheegay inuu la kulmay boqorka Dalka Kuwayt islamarkaana uu gaadhsiiyay farriin uu ka siday madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo aanu faahfaahin nuxurka ay xambaarsanayd. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliya ayaa lagu yidhi sidan \u201cKadib imaanshihiisa Caasimadda Kuwait , waxaa si toosa Wasiirka loogu gudbiyay madaxtooyada dalkaas, halkaasi oo uu kula kulmay Amiirka dowladda Kuwait H.H. Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, waxaana \u00a0wasiirku uu u gudbiyay Amiirka dalka Kuwait dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,\u00a0 ka dibna wasiirka waxa uu ka \u00a0mahad celiyay siday Kuwait u garab istaagtay Soomaaliya duruufihii adkaa ee ay soo martay, \u00a0wuxuuna sheegay Amiirku in uu dalka Kuwait uu diyaar u yahay in uu soomaaliya wax kasta u qabto oo garab istaag ah.\u201d<\/p>\n<p>Lama garan karo in dawladda Kuwayt qorshe ka leedahay wufuuda Somaliland iyo Somaliya ee dalkooda isku gaadhay iyo inay si aan ku tallo gal ahayn isugu gaadheen.<\/p>\n<p>Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu ka jawaabo in xidhiidh ka dhexeeyay socdaalkiisa iyo socdaalka madaxda Somaliya, marka uu maalmaha soo socda dalka ku soo laabto.<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Iyadoo uu habeen hore dalka Kuwayt gaadhay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti kooban oo uu hoggaaminayaa, ayaa geesta kale waxa iyaguna halkaas gaadhay wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Cabdisalaan Hadliye. Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dalkaas ku tagay sida ay madaxtooyadu sheegtay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay boqorka Dalka Kuwayt oo la filayo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19513,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-19512","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-54I","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19512","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=19512"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19512\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=19512"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=19512"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=19512"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}