{"id":19362,"date":"2016-03-13T22:13:43","date_gmt":"2016-03-13T22:13:43","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=19362"},"modified":"2016-03-13T22:13:43","modified_gmt":"2016-03-13T22:13:43","slug":"kulanka-saamilayda-shirkadaha-telesom-group-oo-ka-dhacay-hargeysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/03\/13\/kulanka-saamilayda-shirkadaha-telesom-group-oo-ka-dhacay-hargeysa\/","title":{"rendered":"Kulanka Saamilayda Shirkadaha TELESOM GROUP oo ka dhacay Hargeysa"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-weight: 400;\">Hargeysa (AN) Waxa lagu qabtay maanta Magaalada Hargeysa (13<\/span><span style=\"font-weight: 400;\">th<\/span><span style=\"font-weight: 400;\"> March, 2016) xaflad ballaadhan oo ay isugu yimaadeen Saamilayda Shirkadaha Telesom Group, oo ka kooban Isgaadhsiinta Telesom, Baanka Daarasalaam, Shirkadda Gaaska Cuntada ee SOMGAS &amp; shirkadda korontada ee TEC.<\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Kulankaasi oo ka dhacay Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb-galay boqolaal ka mid ah saamilayda shirkadda Telesom, kuwaasi oo ka yimid Gobolada dalka oo dhan. Waxa kale oo kulankaasi ka soo qaybgalay qaar kamid ah Golaha Maamulka Telesom Group &amp; Masuuliyiinta sare ee Shirkadaha ka farcama Telesom.<\/span><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/16.jpg\" rel=\"attachment wp-att-19364\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-19364\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/16.jpg?resize=696%2C416\" alt=\"16\" width=\"696\" height=\"416\" \/><\/a><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Ujeedada kulanka ayaa ahayd Is xog-waraysi ku saabsan waxyaabaha shirkadda u qabsoomay iyo waxyaabaha qorsheysan sannadaha soo socda in laga midho-dhaliyo.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Mr. Cabdikariim Maxamed Ciid, oo ah Maamulaha Guud ee Telesom Group, oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa:<\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">\u201cWaxan u mahadnaqayaa Illaahay (swt) oo fadligiisa inagu siiyay guulahan aynu gaadhnay. Waxa inoo qorsheysan in aan sannadkan soo kordhino adeegyo cusub oo wax weyn ka tari kari doona ganacsatada oo ay kula socon karaan dhaq-dhaqaayqada ganacsigooda; kuwaasi oo iyada oo aanu kharash kaabayaal (infrastructure) ka gelin ay isticmaali karaan &amp; adeegyo kale oo teknoolajiyaded oo casri ah oo sannadka badhtankiisa la daahfuri doono.\u201d<\/span><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/14.jpg\" rel=\"attachment wp-att-19363\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-19363\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/14.jpg?resize=696%2C461\" alt=\"14\" width=\"696\" height=\"461\" \/><\/a><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Mr. Abdikarim waxa uu saamilayda kala hadlay shirkadaha dhowrka ee shirkadda Telesom ay maalgelisay, waxana uu yidhi: \u201cWaxaa inagu kelifay in aan shirkadaha kale maalgashi ku sameyno. Waxaynu rabnaa in aan maalgelino markastaba majaal cusub oo aan hore loogu jirin sida SOMGAS iyo Darasalaam Bank; oo hore aan dalka uga jirin baahi weyna loo qabay.\u201d<a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/12.jpg\" rel=\"attachment wp-att-19368\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-19368\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/12.jpg?resize=696%2C461\" alt=\"12\" width=\"696\" height=\"461\" \/><\/a><\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Guddoomiye Cabdikariim, isaga oo sii faahfaahinaya ganacsiyada cusub ee dhowaan ay shirkaddu bilaabi doonto kuwaasi oo wax weyn ka tari doona dhaqaalaha wadanka waxa uu sheegay in la hirgelin doono Terminal (kaydka gaasta) ugu weyn Geeska Afrika oo laga sameyn doono Berbera, kaasi oo wax weyn ka tari doona tamarta wadanka. Waxana ay socotay daraasadoodu 2 sannadood. Waxana uu sheegay in ay rajeynayaan in kaydkaasi uu ku filnaan doono dalka iyo wadamada jaarka ahba.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Ugu dambeyn, Maamulaha Guud ee Telesom waxa uu dardaaran u jeediyay saamilayda Shirkadda, waxana uu yidhi; \u00a0\u201cShirkaddu waxay ku socotaa horumarin shaqo qabad, curinta teknoolajiyado casri ah iyo hanashada macmiilka. Sidaas darteed, saamilaydana waxa laga rabaa in ay doorkooda qaataan, waxana ugu muhiimsan in ay noqdaan safiiro, si loo wada xaqiijiyo ahdaafta aynu leenahay. Isla markaana wixii talo &amp; tusaale ah loo soo gudbiyo xafiiska Xidhiidhka Saamilayda.\u201d<\/span><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/15.jpg\" rel=\"attachment wp-att-19370\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-19370\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/15.jpg?resize=696%2C461\" alt=\"15\" width=\"696\" height=\"461\" \/><\/a><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Sidoo kale, waxa kulankaasi ka hadlay Maamulaha qaybta Isgaadhsiinta Telesom, Mr. Ciise Maxamuud Faarax, waxana uu si faahfaahsan uga warramay adeegyada kala duwan ee ay shirkadda Telesom bixiso; oo ah kuwo gaadhsiisan wadanka oo dhan. Waxa kale oo Mr. Ciise ka warramay horumarka ay shirkaddu ka sameysay dhinacyada teknoolajiyadda, ballaadhinta network-ga shirkadda &amp; horumarinta adeegyada bulshada.<\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Ciise Maxamuud,oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi:- \u201cShirkadda Isgaadhsiinta waxa hoos yimaada saddex qaybood oo muhiim Adeegyada Maaliyada, qayb ka mid ah Korontada, Xawaaladda Zaad iyo isgaadhsiinta. \u00a0Waxa ay ka hawlgashaa 349 xarumood oo wadanka oo dhan ah.\u201d<\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">-&#8220;Technology isbeddel xoog leh ayay ku socotaa. shirkadduna arrintaasi iyada oo ka dhabaynaysa marwalba waxa uu keenaa isgaadhsiinta ugu dambeysa ee mujtamacu u baahan yihiin,\u201d ayuu yidhi Ciise.<\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Maamulaha qaybta Isgaadhsiinta ee Telesom, waxa uu sheegay in ay shirkaddu wadanka ka hirgelisay adeegyo magac wanaagsan u soo jiiday wadanka sida ZAAD. Waxa uu yidhi: \u201cZAAD waxa uu shirkadda u keenay sumcad weyn. Mulkiilaha Microsoft ayaa tilmaamay in uu jiro shirkad Somaliland ka jirta oo soo bandhigtay adeegga ZAAD Services oo wax laga baran karo.\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Ciise Maxamuud, waxa kale oo uu sheegay in shirkadda Telesom ay lafdhabar u tahay shaqaale xirfad &amp; ammaano leh, kuwaasi oo ay shirkadduna tixgeliso isla markaana ay siiso dheefo ku xidhan wax-soo-saarka shirkadda haddii ay noqoto mushahar \u00a0&amp; dhiirigelin kaleba.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Sidaas darteed, shirkadda Telesom waa ; \u201c&#8221;Aan u cuno, aan wada cuno, aan wada lahaano,\u201d ayuu yidhi.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Ugu dambeyn, Ciise oo la hadlayay saamilayda waxa uu yidhi; \u201cQof walba wuu garan karaa waajibaadka shaqo ee ka saaran maalkiisa. Waxan ku talin lahaa in aan ilaashano naas-weynta Telesom. Waxan odhan lahaa Faa&#8217;iidada soo baxda shirkadda wax kaga soo celiyaa; oo isticmaala adeegyada shirkadda, sumcadeedana ka shaqeeya. Adeegyada shirkadda haddii ay tahay Baanka, Gaaska iyo Korontadaba ha la isticmaalo.\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Guddoomiye Ciise waxa uu sheegay in Telesom ay leedahay xafiis la yidhaahdo &#8220;Riqaaba Sharciyah&#8221;. Shirkaddu waxaan loo kitaab dayin oo aan culimadu soo marin lama hirgeliyo.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Ciise, isaga oo ka warramayay guulaha ay Telesom gaadhay waxa uu sheegay in shirkaddu ay ku guuleystay in ay noqota shirkadda keliya ee awooday in ay wadanka dhammaantii buur iyo bannaanba ay gaadhsiiso internetka, si loogu hirgeliyo hawlaha Diwaangelinta.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Waxa kale oo iyaguna kulankaasi loo qabtay Saamilayda Telesom ka hadlay maamulayaasha Shirkadaha Telesom ka farcamay ee Baanka Daarasalaam, Shirkadda gaaska cuntada ee SOMGAS &amp; Shirkadda Korontada ee TEC.<\/span><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/20.jpg\" rel=\"attachment wp-att-19365\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-19365\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/20.jpg?resize=696%2C480\" alt=\"20\" width=\"696\" height=\"480\" \/><\/a><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">&#8220;Sidaad Telesom saamile uga tihiin, ayaad Daarasalaam Bank saamile uga tihiin. faa&#8217;iidada aad ka soo baxdana qayb ayuu ka yahay,\u201d ayuu yidhi Mr. Maxamed Ibraahim, maamulaha Darasalaam Banka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Waxa kale oo Mr. Maxamed Ibraahim sheegay in Baananka islaamiga ah ay qabtaan dhammaan adeeegyada bangiyada caalamiga ah ay qabtaan amaba ay ka badsadaan.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Abdikarim Xaaji Muuse, Maamulaha Shirkadda SOMGAS oo ka hadlay ujeedooyinkii loo aasay waxa uu yidhi; \u201cuJeedada aynu u sameynay waxa ugu horreeya: In aynu degaankeena ilaalino, in aynu dadkeena shaqo abuuris ugu sameyno, in aynu dhaqaalaheena\/ganacsigeena iyo saamilayda faa&#8217;iido uga soo saarno, in aynu ka guurno nidaamkii hore ee aynu wax ku karsan jirnay; oo aan u guurno nidaam casri ah oo bani-aadamku wax ku karsado.\u201d<a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/2.jpg\" rel=\"attachment wp-att-19366\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-19366\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/2.jpg?resize=696%2C461\" alt=\"2\" width=\"696\" height=\"461\" \/><\/a><\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Waxa kale oo uu ka warramay caqabadihii ka horyimid markii ay shaqada bilaabeen, waxana uu yidhi: \u201cWaxa ka mid ahaa cabsi (phobia) oo dadku ay afka isku gaadhsiiyaan bahashani way qarxaysaa. \u00a0Arrintaasi waanu ka soo gudubnay. alxamdullaah. Dadkiina way aqbaleen, in dhuxusha ay uga jaban tahay; uga fududahay. waan u mahadnaqayaa dadki nagu garab istaagay.\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Maamulaha SOMGAS waxa uu mahadnaq u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalland, Mr. Axmed Maxamuud Siilaanyo &amp; Wasiirada Deegaanka Marwo Shukri oo ka shaqeeyay dhiirigelinta Gaaska wax lagu karsado; si loo ilaaliyo degaankeena.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Eng. Muuse Cali Egeh, maamulaha Shirkadda Korontada Telesom ee TEC, oo isna halkaasi ka hadlay waxa hadaladiisii ka mid ahaa: \u00a0\u201cTelesom waa shirkaddii ugu horreysay ee bixisa adeegga 24 saac ee korontada. 2014 ayaa gaar loo saaray Shirkadda Telesom Electric Company. Waxa noo qorsheysan in aan macaamiishayda siino koronto joogto ah oo qiimo jaban.\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Eng. Muuse, isaga oo la hadlaya Saamilayda Shirkadda waxa uu yidhi; \u201cQaybo ka mid ah faa&#8217;idada aad sannadka qaadanaysaa waxa soo kordhiyay TEC. Waxaan u baahanahay taageeradiina, waxana kow ka ah in aad adeegyaga isticmaashaan.\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Kadib markii ay dhammaatay warbixintii Maamulada sare ee Shirkadaha Telesom Group, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Saamilayda Shirkadda oo ka kala yimid Caasimadda Hargeysa &amp; magaalooyinka waaweyn ee kale ee dalka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Xaaji Cabdikariim Xuseen, oo ka mid ah odayaasha &amp; guurtida ugu da\u2019da weyn Somaliland, ayaa kulankaasi ka soo jeediyay ammaan &amp; ereyo duco ah. \u201cllaahay shirkadda ha inoo barakeeyo iyo guushaasi aynu gaadhno. Illaahay abaaraha ha inaga qaado. Sidii roon rabbi ha ina waafajiyo,\u201d ayuu yidhi Xaajigu.<\/span><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/9.jpg\" rel=\"attachment wp-att-19367\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-19367\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/9.jpg?resize=696%2C461\" alt=\"9\" width=\"696\" height=\"461\" \/><\/a><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Suldaan Axmed Daahir, oo ka mid ah saamilayda shirkadda waxa uu yidhi: \u201cAynu qaadano dardaaraka la ina siiyay oo ambassadors (safiiro) aynu noqono.\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho), oo isna ka mid ah Saamilayda Shirkadaha Telesom Group ee kualnkaas ka qaybgalay waxa uu yidhi; \u201cWaxan u mahdnaqayaa hawlwadeenada Shirkadda Telesom iyo inta ay dhashayba; oo uu ugu horreeyo Abdikarim. Telesom waxay ka mid tahay nicmooinka Illaahay ina siiyay. Illaahay marka uu xoolo kula damco dadkooda ayuu ku siiyaa; Shaqaalaha Telesom waa carruurteenii oo Illaahay swt inoo wanaajiyay.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Xaaji Aadan, waxa uu intaasi ku daray dardaaran ah in qabyaalada lala dagaalamo, iyada oo loo marayo shirkado sida Telesom oo kale ah oo ay ummadu wada leedahay, isla markaana ay ku wada jiraan dad isku dan &amp; hdaf ah. \u201cWaxaynu u baahanahay in aan qabaalad ala dagaalano. Waxyaabaha aynu ku beddelayno waxa kow ka ah Shirkadda Telesom. Waxa qabyaalada lagaga tegi karaa shirkado noocan oo kale ah. Qabiil Telesom la idhaahdo aan ku abtirsano, oo Somaliland oo dhan ah oo aynu isku xidhano.\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">\u201cWaxa keliya ee la inaga codsaday waa mid xaq la inoogu leeyahay oo aan ahayn baryo. Telesom meeshaad joogtaan Safiiro u noqda. Waanu aqbalay ee u wada diyaargaroobo\u201d ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Saamilayda kale ee kulankaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Faarax Xadhigle, Xaaji Jaamac Qumane Maydhane, Xaaji Cabdi Nuur iyo xubno kale.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Ugu dambeyn; kulankaasi saamilayda Telesom ayaa ku soo dhammaaday jawi farxadeed.<\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/13.jpg\" rel=\"attachment wp-att-19369\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-19369\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/13.jpg?resize=696%2C445\" alt=\"13\" width=\"696\" height=\"445\" \/><\/a><\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/18.jpg\" rel=\"attachment wp-att-19373\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-19373\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/18.jpg?resize=696%2C464\" alt=\"18\" width=\"696\" height=\"464\" \/><\/a> <a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/17.jpg\" rel=\"attachment wp-att-19372\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-19372\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/17.jpg?resize=696%2C374\" alt=\"17\" width=\"696\" height=\"374\" \/><\/a><\/p>\n<p>Arabsiyo.net<\/p>\n<p>Arabsiyonews@gmail.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Waxa lagu qabtay maanta Magaalada Hargeysa (13th March, 2016) xaflad ballaadhan oo ay isugu yimaadeen Saamilayda Shirkadaha Telesom Group, oo ka kooban Isgaadhsiinta Telesom, Baanka Daarasalaam, Shirkadda Gaaska Cuntada ee SOMGAS &amp; shirkadda korontada ee TEC. &nbsp; Kulankaasi oo ka dhacay Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb-galay boqolaal ka mid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19372,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-19362","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-52i","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19362","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=19362"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/19362\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=19362"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=19362"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=19362"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}