{"id":1910,"date":"2014-12-18T14:38:47","date_gmt":"2014-12-18T14:38:47","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=1910"},"modified":"2014-12-18T14:38:47","modified_gmt":"2014-12-18T14:38:47","slug":"mooshin-lidi-ku-ah-israiil-oo-golaha-amaanka-la-horgeeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/18\/mooshin-lidi-ku-ah-israiil-oo-golaha-amaanka-la-horgeeyey\/","title":{"rendered":"Mooshin lidi ku ah Isra\u2019iil oo Golaha Amaanka la horgeeyey"},"content":{"rendered":"<p>Wadanka Urdun (Jordan) oo xubin ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u gudbiyey golahaasi mooshin looga codsanayo Isra\u2019iil inay ciidamadeeda kala baxdo dhulka la heysto ee Falastiin.<\/p>\n<p>Mooshinkan ayaa qaadan doona muddo inay soo akhristaan xubnaha Golaha Amaanka iyagoo markaasi kadib u go\u2019aansan doona inay cod u qaadaan Mooshinka oo Qaraar laga soo saaro ama in lagu bedalo wadahadal hoose.<\/p>\n<p>Dowlada Falastiin ayaa xiligan olole ugu jirta in Qaramada Midoobay ay wakhti u qabato Isra\u2019iil inay uga baxdo dhulka Falastiin ay heysato dibna ugu noqoto xuduudihii dagaalkii 1967 si loo dhiso Qaranka Falastiin oo madax-banaan.<\/p>\n<p>Balse Mooshinka hada horyaal Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu horjoogsado dalka Maraykanka oo awooda qayaxan ee VETO power ku leh Golaha Amaanka.<\/p>\n<p>Maraykanka ayaa horey u sheegay inuu horjoogsan doono go\u2019aankasta oo ka dhan ah Isra\u2019iil, balse ku baaqay in marka hore Falastiiniyiinta iyo Isra\u2019iil heshiis dhexdooda ah gaaraan.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<br \/>\nNew yourk office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wadanka Urdun (Jordan) oo xubin ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u gudbiyey golahaasi mooshin looga codsanayo Isra\u2019iil inay ciidamadeeda kala baxdo dhulka la heysto ee Falastiin. Mooshinkan ayaa qaadan doona muddo inay soo akhristaan xubnaha Golaha Amaanka iyagoo markaasi kadib u go\u2019aansan doona inay cod u qaadaan Mooshinka oo Qaraar laga soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1911,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1910","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-uO","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1910","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1910"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1910\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1910"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1910"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1910"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}