{"id":18994,"date":"2016-03-02T14:59:20","date_gmt":"2016-03-02T14:59:20","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=18994"},"modified":"2016-03-02T14:59:20","modified_gmt":"2016-03-02T14:59:20","slug":"wasiir-waran-cadde-oo-markii-u-horeysay-ka-hadlay-dilkii-taliyaha-ciidamada-booliska-gobolka-saaxil-iyo-salaadiin-la-xidh-xidhay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/03\/02\/wasiir-waran-cadde-oo-markii-u-horeysay-ka-hadlay-dilkii-taliyaha-ciidamada-booliska-gobolka-saaxil-iyo-salaadiin-la-xidh-xidhay\/","title":{"rendered":"Wasiir Waran Cadde  Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay  Dilkii Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil  Iyo Salaadiin La Xidh Xidhay"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay dilkii loo gaystay taliyiihii ciidamada booliska gobolka saaxil oo ay shalay dabley hubaysani ku dileen tuuleedda Biyooley ee gobolka saaxil.<\/p>\n<p>Sidoo kalena wasiirku waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan eheladii, qaraabadii , asxaabtii ciidamada booliska Somaliland, iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay marxuum taliyihii ciidamada booliska gobolka saaxil Gaashaanle Cabdirisaaq Yusuuf Maxamuud (Casayr) Waxaana uu sidoo kale sheegay inay xukuumaddu \u00a0kudaba jiraan dadkii weerarkaasi gaystay talaabona ay ka qaadi doonaan waxaan uu yidhi.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan maanta ka hadlayaa dhacdadii shalay ka dhacday gobolka saaxil gaar ahaan tuulada biyooley, marka hore waxaan tacsi tiiranlo leh u dirayaa ehaladii qaaraabadii iyo ciidamada booliska ee uu ka baxay geesigii dalkiisa u halgamayay taliyihii gobolka saaxil waxaan leeyahay alle Samir iyo imaan haynaga wada siiyo, waxaana alle uga baryayaa inuu alle janooyinkiisa galiyo qabrigana u waasiciyo su\u2019aalahana u fudueeyo\u201dWasiir Waran Cadde<\/p>\n<p>Wasiir Cali \u00a0Isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi.<\/p>\n<p>\u201cWaxa marxuunka dishay gacan ka gardaran oo danbiile ah, waxaana uu u dhintay qaranka Somaliland isagoo hawshiisa gudanaya, horena way u dhacday dibna way u dhici doontaa qaar badan oo u dhinta umaddan Somaliland iyo masiirkeeda iyo nabadgaliyadeeda, waxa uu ahaa sarkaal qaran oo hawshiisa ka \u00a0adag waajibkii qarana fulinaya, danbiilayaasha danbigaa galayna waxay u taalaa qaranka Somaliland anaagan ka masuula anagaana gacan bira ku qabanyna cidii ka danbeysay iyo cidii ku taakulaysay iyo kuwa danbiga galayba waana balan inaan sharciga la horkeeno oo wajibkooda la mariyo iyaga iyo kuwa isku dayi doona inay dalka fadqalalo ka bilaabaan. Aad iyo aadbaanan uga xunahay arinkaa dhacay\u201dSidaa ayu yidhi Wasiir Waran Cadde.<\/p>\n<p>Gabagabadiina waxa uu wasiir Cali Waran Cadde waxa uu ka hadlay Salaadiin iyo cuqaal ay xukuumaddu xidh xidhay waxaana uu sheegay inay iyagu damiin ka ahaayeen dadkan weerarka lagu aanaynayo ee mudooyinki u danbeeyey buuraha ku jiray waxaana uu yidh<\/p>\n<p>\u201cSalaadiinta waxa loo xidhay waxa jirtay mar ay inamadani ay danbi sameeyeen odayaashii damiintay ee balan qaaday inaanay inamadaasi wax danbe samaynayn oo ay bulshadooda kusoo noqon doonaan bay ahaayen, markaa waxay kasoo bixi waayeen balantii ay qadeen sidaasaan ku xidhay saladinta iyo cuqaasha\u2019Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Cali Waran Cadde.<\/p>\n<p>Si kasteba ha haatee wafti uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo wasiir Cali Warancadde ayaa iyagu u anba baxay dhankaa iyo magaalada berbera oo ay xaaladeda amni qasan tahay.Magaalada berberana waxa gabi ahaanba laga jaray oo layara hakiyay khadadka telefoonada, sidoo kalean waxa hakad galay sida la sheegay isku socodka magaalooyinka berbera iyo burco.<\/p>\n<p>Halkan hoose ka daawo muuqaalka oo dhamaystiran<\/p>\n<p><span class=\"embed-youtube\" style=\"text-align:center; display: block;\"><iframe loading=\"lazy\" class=\"youtube-player\" width=\"696\" height=\"392\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/b3l2XlBMQG8?version=3&#038;rel=1&#038;showsearch=0&#038;showinfo=1&#038;iv_load_policy=1&#038;fs=1&#038;hl=en-US&#038;autohide=2&#038;wmode=transparent\" allowfullscreen=\"true\" style=\"border:0;\" sandbox=\"allow-scripts allow-same-origin allow-popups allow-presentation allow-popups-to-escape-sandbox\"><\/iframe><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyo Desk<\/p>\n<p>Arabsiyonews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay dilkii loo gaystay taliyiihii ciidamada booliska gobolka saaxil oo ay shalay dabley hubaysani ku dileen tuuleedda Biyooley ee gobolka saaxil. Sidoo kalena wasiirku waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan eheladii, qaraabadii , asxaabtii ciidamada booliska Somaliland, iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18995,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-18994","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4Wm","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18994","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18994"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18994\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18994"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18994"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18994"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}