{"id":18963,"date":"2016-03-01T16:58:52","date_gmt":"2016-03-01T16:58:52","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=18963"},"modified":"2016-03-01T16:58:52","modified_gmt":"2016-03-01T16:58:52","slug":"guddoomiyaha-kulmiye-oo-digniin-u-diray-maamul-goboleed-puntland-oo-ku-soo-xad-gudbay-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/03\/01\/guddoomiyaha-kulmiye-oo-digniin-u-diray-maamul-goboleed-puntland-oo-ku-soo-xad-gudbay-somaliland\/","title":{"rendered":"GUDDOOMIYAHA KULMIYE OO DIGNIIN U DIRAY MAAMUL-GOBOLEED PUNTLAND OO KU SOO XAD-GUDBAY SOMALILAND"},"content":{"rendered":"<p><span id=\"yui_3_16_0_1_1456841836078_17420\">Hargeysa (AN)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa digniin adag u diray maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ku soo xad-gudbay xuduudka Somaliland.<\/span><\/p>\n<p id=\"yui_3_16_0_1_1456841836078_17423\"><span id=\"yui_3_16_0_1_1456841836078_17422\">Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in aanay Jamhuuriyadda Somaliland u dulqaadanayn u dulqaadan karayn farogelin lagu sameeyo dhulkeeda, sidaasi darteedna maamulka Puntland uu masuul ka noqon doono wixii dhibaato ah ee ka yimaada dhisme ay ka bilowday gudaha xuduudka Somaliland haddii aanay si degdeg uga noqon tallaabadaas, isagoo beesha caamalkana ku wargeliyey arrintaasi ka dhan ah qaranimada Somaliland.<\/span><\/p>\n<p id=\"yui_3_16_0_1_1456841836078_17444\"><span id=\"yui_3_16_0_1_1456841836078_17443\">Guddoomiye Muuse Biixi sidaasi waxa uu ka sheegay mar uu booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta maanta, waxaanna kulan uu halkaasi kula yeeshay masuuliyiinta wasaaradda kadib hadal uu siiyey warbaahinta uu kaga hadlay farogelinta Puntland, xaaladda abaarta iyo dhibaatada shilalka baabuurta ka haysta Somaliland.<\/span><\/p>\n<p>Ugu horreyn, isagoo ka hadlayey digniinta uu u diray maamul-gobolkeeda Puntland waxa uu yidhi, \u201cPuntland waxay ku soo xad-gudubtay Qaranimada Somaliland, waxay soo galeen xuduudda Somaliland dhawr Kilomiter, waxaanay ka bilaabeen dhismo ama magaalayn, waxaannu u sheegaynaa caalamka oo dhan iyo gaar ahaan Puntland inay wanaagsan tahay in nabadgalyo, walaaltinimo iyo iskaashi lagu wada noolaado, xad-gudubka xuduudka dhulalku waa mid caalamka oo dhan ka reebban, waxaanay keentaa cawaaqib aan fiicnayn.<\/p>\n<p>Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland qaadan karimayso in dhulkeeda lagu soo xad-gudbo oo weliba dhisme laga bilaabo, jawaabta aannu bixinaynaa Qaran ahaan xisbi iyo xukuumadba waxa weeye in aannu ku dayno inta ugu macquulsan in Puntland looga digo qaladkeeda, waxaannu u soo jeedinaynaa inay ka noqdaan qaladkooda, waxaannu u badin doonaa hadalka iyo waanada intii suurtogal ah, haddii ay taa wax ku qaadan waayaana wixii dhibaato ah ee halkaa ka yimaada iyagaa ka masuul ah. Sidoo kale, waxaannu u sheegaynaa dawladaha jaarka ah, ururrada IGAD, EU-da iyo ururrada caalamiga ah oo dhan in aanaan u sinnayn gardarradaa ay ku kacday Puntland.\u201d<\/p>\n<p>Waxa kaloo uu ku wargeliyey shacabka Somaliland inay la socdaan gardarrada kaga imanaysa dhanka Soomaaliya, \u201cUmmadda Somaliland waxaan u dirayaa inay ogaadaan in farogelini ku soo koradhay oo ay innagaga timi xagga Puntland oo aynu u horimarin doono waano iyo wax-u-sheeg iyo inay qaladkooda saxaan, haddii ay ku qanciwaayaana in aan Qaranimada Somaliland u dulqaadan doonin in dhulkeeda lagu soo xad-gudbo,\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ka hadlay abaarta daran ee ka jirta Somaliland oo uu ku tilmaamay inay tahay oday ka sheekee sida taariikhda lagu hayo ah tii ugu xumayd ee soo marta Somaliland inta la xasuusto ee saamayn aad u adag ku yeelata dalka, waxaannu ugu baaqay shacabka in la isku tashado oo loo gurmado dadka abaartu dhibaataysay.<\/p>\n<p>\u201cUmmadda Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay isku gurmato oo ka xoolo haya, ka xoog haya iyo ka fikrad hayaaba inuu dadka jilicsan u gurmado, Ilaahay uun baa innaga qaadi kara abaarta, gacan bani\u2019aadam inoo soo diraana waxba inoo tarimayso ee teenna ayaa ka badan, tusaale ahaan dadka Hargeysa jooga oo lagu qiyaaso ilaa 800,000 (siddeed boqol oo kun) in laga yaabo saddex boqol oo kun qof waliba inuu bixin karayo 7000 Shl ama 1 dollar maalintii, waxay noqonaysaa saddex boqol oo kun dollar oo Hargeysa maalin bixisay, toban maalmoodna waxay noqonaysaa saddex milyan oo dollar, taasi waxay gaadhi lahayd dadkeenna reer miyiga oo dhan, saddex boqol oo kun qof oo tabaalaysan hal dollar wax buu u goynayaa oo ilmo gaajoonaya ayuu wax siinayaa. Markaa intaynu leenahay na soo gaadhaay bal innaga gudaheennu in aynu isku noqonno ayaa wanaagsan, waa in aynu masuuliyad iska saarno arrintaas, Ilaahayna aynu waydiisanno inuu innaga soo gaadho oo ducaysanno,\u201d ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.<\/p>\n<p>Waxa kaloo uu ka hadlay shilalka baabuurta iyo khasaaraha ka dhashay oo uu xusay inay noqdeen dhibaato u baahan in xal loo helo, sidaasi darteedna waxa uu soo jeediyey in la qaado olole wacyigelin ah dadku lagu fahamsiiyo dhibaatada baabuurta, waxaannu yidhi, \u201cShilalka baabuurtu waxay innaga dilaan tiro aan cudur kaleba dilin, dillaaga koowaad ee Somaliland ka jiraa waa baabuurta, tusaale waxa innoogu filan 15 qof oo laba qoys oo keliya ah ayaa shil baabuur innagaga baxay toddobaadkan, waynu dareemi karaynaa culayska arrintaasi leedahay ee waliba dadkaasi wada da\u2019yar ahaayeen laba sanno ilaa dhawr iyo labaatan jir. Masiibadaa shilalka baabuurtu innagu hayaan waxaynu kaga bixi karnaa, kow, in dadku guud ahaan fahmaan in baabuurku yahay aalad wax disha ee aannu ahayn aalad raaxo, haddii darawalka wada, ka leh iyo ka suuqa socdaaba intaa fahmo waxaynu ogaanaynaa in baabuurka khatar yahay. Laba, haddii aynu sharciga raacno oo qofku marka la yidhaa liisanka darawalka qaado oo imtixaan ha lagaa qaado aannu damcin inuu si fudud u qaato liisanka ileyn naftiisa iyo ta dadkaba khatar buu galinayaaye, sidoo kale dadka baabuurta leh waxay hagradaan inay baabuurka dayactiraan biriigiisa, isteerinkiisa, taayiradiisa iyo saliidiisaba, haddii intaas midna aan la eegin khasaare ayuu keenayaa oo dadka wuu dilayaa.\u201d<\/p>\n<p id=\"yui_3_16_0_1_1456841836078_17455\">\u201cMarkaa waxaynu u baahannahay in la qaado olole xoog ah oo la ogaado baabuurtu wad la saaran yahay inay yihiin oo wacyigelin laga sameeyo warbaahinta, dadka lagala hadlo masaajidada, ardayda dugsiyada laga baro baabuurku inuu yahay aalad wax dili karta,\u201d ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa digniin adag u diray maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ku soo xad-gudbay xuduudka Somaliland. Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in aanay Jamhuuriyadda Somaliland u dulqaadanayn u dulqaadan karayn farogelin lagu sameeyo dhulkeeda, sidaasi darteedna maamulka Puntland uu masuul ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18794,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-18963","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4VR","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18963","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18963"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18963\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18963"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18963"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18963"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}