{"id":18934,"date":"2016-03-01T13:47:41","date_gmt":"2016-03-01T13:47:41","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=18934"},"modified":"2016-03-01T13:47:41","modified_gmt":"2016-03-01T13:47:41","slug":"jamaal-caydiid-oo-ka-hadlay-sida-uu-u-arko-xilka-uu-madaxweyne-siilaanyo-ka-qaaday-isagoo-dalka-ka-maqan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/03\/01\/jamaal-caydiid-oo-ka-hadlay-sida-uu-u-arko-xilka-uu-madaxweyne-siilaanyo-ka-qaaday-isagoo-dalka-ka-maqan\/","title":{"rendered":"Jamaal Caydiid Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Xilka Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Qaaday Isagoo Dalka Ka Maqan"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Guddoomiyihii hay\u2019adda NDC Md. Jamaal Caydiid Ibraahi, oo uu Madaxweyne Siilaanyo shalay xilkii ka qaaday, isagoo safar dibadda ah ku maqan, ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka laga qaaday.<\/p>\n<div class=\"content\">\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/download.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-thumbnail wp-image-31084\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/download-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"download\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/p>\n<p>Md. Jamaal Caydiid Ibraahim, oo isagoo jooga magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo xilka laga qaaday, islamarkaana uu Madaxweynaha uga mahadcelinayo go\u2019aankaas. \u201cAnigu dalka waan ka maqanahay, anoo maqan ayaana xilka layga qaaday,\u00a0 markaan imaado ayaan hadalkayga u dhiganayaa, laakiin keliya waxaan idiin sheegayaa inaan Madaxweynaha uga mahadceliyo xilka uu iga qaaday, waayo markii horena isagaa ii dhiibay.\u201d ayuu yidhi Jamaal oo intaas raaciyay, \u201cxumaan iyo ceeb uma arko xilka la iga qaaday, waayo madaxweynuhu isagaa awood distoori ah u leh cidda uu xilka ka qaadayo iyo cidda uu u dhiibayo, markaas markii horena isagaa ii gartay, imikana iga qaaday, waana inoo markaan dalka imaado.\u201d ayuu yidhi Jamaal Caydiid Ibraahim.<\/p>\n<p>Madaxweyne Siilaanyo, ayaa digreeto uu shalay soo saaray uu xilkii kaga qaaday guddoomiye Jamaal Caydiid, waxaanu xilkaas u magacaabay Ibraahim Axmed Raabi oo hore u ahaan jiray xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa.<\/p>\n<p>Qoraalka uu Madaxweynuhu hawada u mariyay Jamaal Caydiid, wuxuu ku yidhi sidan\u201cWaxaan kaaga mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Maareeyaha Hay\u2019adda Abaabul ka saarka Qaranka (NDC). Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.<\/p>\n<p>Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay\u2019adda Abaabul Ka Saarka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (NDC).<\/p>\n<p>Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay \u00a0Mudane, Ibraahim Axmed Raabi oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.\u201d<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Guddoomiyihii hay\u2019adda NDC Md. Jamaal Caydiid Ibraahi, oo uu Madaxweyne Siilaanyo shalay xilkii ka qaaday, isagoo safar dibadda ah ku maqan, ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka laga qaaday. Md. Jamaal Caydiid Ibraahim, oo isagoo jooga magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo xilka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18939,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-18934","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4Vo","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18934","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18934"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18934\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18934"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18934"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18934"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}