{"id":18926,"date":"2016-02-29T19:19:27","date_gmt":"2016-02-29T19:19:27","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=18926"},"modified":"2016-02-29T19:19:27","modified_gmt":"2016-02-29T19:19:27","slug":"fahmka-dhabta-ah-ee-macnaha-sabirka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/02\/29\/fahmka-dhabta-ah-ee-macnaha-sabirka\/","title":{"rendered":"Fahmka  Dhabta ah ee Macnaha Sabirka"},"content":{"rendered":"<p><strong>Fahmka\u00a0<\/strong><strong>\u00a0Dhabta ah ee Macnaha\u00a0<\/strong><strong>Sabirka\u00a0<\/strong><\/p>\n<p>Waxaan manta qallinka u qaatay inaan bal aan bayaamiyo amase cadeeyo intii aqoontayda ah anoo soo koobaya macnaha Sabirka dhabta ah ee la inaga rabo intaynu noolnahay inaynu ku sabirno nolosha dhaxdeeda.<\/p>\n<p>Sabirku wuxu yimaad marka ay timaado ibtillo aduun amase imtixaan aduun oo uu ALLAH kugu imtixaaniyo si uu u eego fal celiskaaga aad kaga falceliso.<\/p>\n<p>Sabirka faaidadiisa waxaa kutusinaaya inta jeer ee uu Qur\u2019aanka Kariimka ahi rabi ku xusay. ALLAH Subxanah wuxu kelmada sabir iyo kelimaadka kale ee ay usii kala baxdo uu Qur\u2019aanka ku xusay 103 jeer waxayna ku soo aroortay 45 suuradood, taasi oo u dhiganta 40% guud ahaan suuradaha Qur\u2019aanka. \u00a0[i]<\/p>\n<p>Tusaalayaal kooban oo ku saabsan sabirka:<\/p>\n<p>Nebi Yacqub Calayhi Salaam si uu u helo wiilkiisi uu aadka u jeclaa ee Yusuf Calayhi Salaam wuxu sugayay inbadan sida Qur\u2019aanka ku cadna waxa ceelka lagu riday Yusuf Cs isagoo wiil yar ah aabihina waxay kulmeen isagoo nin weyn ah oo wasiir ah.<\/p>\n<p>Nebi Muxamed Calayhi Salaatu Wasalaame si uu maka iyo jaziiratu carab badankeeda u muslimiyo wuxu u sabrayay inkabadan 20 sano\u2026.<\/p>\n<p>Waalidkaaguna waxay u sabrayeen dhibaatada caruurnimo, xanuun iyo kadeedka kale nolosha inay mar uun arkaan adigoo nin weyn ama gabadh weyn ah oo iyaga caawiya\u2026\u2026\u2026\u2026<\/p>\n<p>Haddii aynu intaas ku dhaafno tusaaleyaasha kooban ee ku saabsan sabirka dhabta ah, waxaynu odhan karnaa Sabirka dhabta ahi maaha erayo lagu celceliyo kelmadaha tusinaaya sabirka sida, waan sabrayaa, iyo dar ALLAH baan u sabrayaa iwm.<\/p>\n<p>Sabirka dhabta ahi waa sabirka qofka sabrayaa aanu dareemayn werwer, shaki, amase walaac iyo walbahaar intaas midna, isagoo qofka sabrayaa si dhab ah u aaminaya inuu waxaas ku dhacay uu yahay qadar ALLAH, iyo dareemista xikmada Rabbi ee ku duugan waxaas Rabbi kaa qaaday sida qof kaa dhintay, waxaad jeclayd oo aad wayday amase shay ama qof agtaada qaali ku ahaa oo aad wayday.<\/p>\n<p>Tusaale ahaan hadaad xaas ama oday aad jeclayd aad kala tagtaan waxaa uu ALLAH idiin kala kaxeeyey ayaa ah inaanu midkiina ka kale khayr u lahayn, khayrkuna uu kujiro inuu ALLAH idin kala kaxeeyey si uu midkiinba ka kale uga raaxaysto dhibaatadiisa.<\/p>\n<p>Haddaba akhriste biyo meel godan ayay isugu imaadaane waxaynu u kala qaadi karnaa sabirka saddex:<\/p>\n<ol>\n<li>Sabir wax kaatagay: kani waa sabirka aad ka sabirtay wax kaa tagay oo aan soo noqon Karin sida qof kaa dhintay oo kale<\/li>\n<li>Sabirka waqti xaadirkan: kani waa ku sabrida hada dhibaatooyinka kugu taagan ama waxyaalaha kugu adag sida qof kaa xanuunsanaya oo aad ku sabirtid .<\/li>\n<li>Sabirka Mustaqbalka: kani waa u sabrida shay ama wax aad rabtid inaad gaadho sida, inaad ku sabirto waxbarashada si aad cilmigaa aad baranayso meel sare uga gaadhid.<\/li>\n<\/ol>\n<p>Guntii iyo Gunaanadkii, sabirku waa shay qaali ah oo laga rabo inuu qof welbaaba meel mariyo si uu u gaadho hiigsigiisa, amase uu ku kasbado ajar farabadan sida inaad ku sabirto xanuunka kugu dhacay amase aad caawiso dadka xanuunsan oo aad dhibtooda ku sabirto.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>tixraac<\/p>\n<p>[i] <a href=\"http:\/\/www.smfarabic.com\/index.php?topic=160.0\">http:\/\/www.smfarabic.com\/index.php?topic=160.0<\/a><\/p>\n<p>W\/Q: Abdirahman Mihile<\/p>\n<p>Cyberjaya, Selangor<\/p>\n<p>Malaysia<\/p>\n<p>Mobile: <a href=\"tel:%2B60182319764\">+60182319764<\/a><\/p>\n<p>Emails: <a href=\"mailto:4807060@gmail.com\">4807060@gmail.com<\/a><\/p>\n<p>blogs: mihile24.blogspot.com&#8230;..\u00a0<a href=\"http:\/\/mihile24.wordpress.com\/\">mihile24.wordpress.com<\/a><\/p>\n<p>Website:<a href=\"http:\/\/mihile.webs.com\">mihile.webs.com<\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Fahmka\u00a0\u00a0Dhabta ah ee Macnaha\u00a0Sabirka\u00a0 Waxaan manta qallinka u qaatay inaan bal aan bayaamiyo amase cadeeyo intii aqoontayda ah anoo soo koobaya macnaha Sabirka dhabta ah ee la inaga rabo intaynu noolnahay inaynu ku sabirno nolosha dhaxdeeda. Sabirku wuxu yimaad marka ay timaado ibtillo aduun amase imtixaan aduun oo uu ALLAH kugu imtixaaniyo si uu u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18927,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,10],"tags":[],"class_list":["post-18926","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4Vg","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18926","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18926"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18926\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18926"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18926"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18926"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}