{"id":18811,"date":"2016-02-26T15:41:39","date_gmt":"2016-02-26T15:41:39","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=18811"},"modified":"2016-02-26T15:41:39","modified_gmt":"2016-02-26T15:41:39","slug":"madaxwaynaha-somaliland-oo-tacsi-u-diray-eheladii-qaraabadii-ay-ka-baxeen-dadkii-maanta-ku-dhintay-shilka-baabuur-ee-ka-dhacay-wadada-isku-xidha-magaalooyinka-kalabaydh-iyo-gabiley","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/02\/26\/madaxwaynaha-somaliland-oo-tacsi-u-diray-eheladii-qaraabadii-ay-ka-baxeen-dadkii-maanta-ku-dhintay-shilka-baabuur-ee-ka-dhacay-wadada-isku-xidha-magaalooyinka-kalabaydh-iyo-gabiley\/","title":{"rendered":"Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Eheladii, Qaraabadii Ay Ka Baxeen Dadkii Maanta Ku Dhintay Shilka Baabuur Ee Ka Dhacay Wadada Isku Xidha Magaalooyinka Kalabaydh Iyo Gabiley"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen 14-kii qof eek u dhintay maanta shilka baabuur ee ka dhacay wadad wayn ee isku xidha magaalooyinka Kalabaydh Iyo gabiley.<\/p>\n<p><strong><u>TACSI MADAXWEYNE<\/u><\/strong><\/p>\n<p><strong><u>IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN<\/u><\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu Bulshada Somaliland ka tacsiyadaynayaa Shilka naxdinta leh ee maanta ka dhacay inta u dhaxay Gabiley iyo Kalabaydh, shilkaas oo sababay 14 Dhimasho ah, iyo 9 qof oo dhawac ah ka dib markii ay isku dhaceen laba Baabuur oo midna land cruiser yahay midna NOAH, kuwaas oo siday dad shicib ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu ka tacsiyadaynayaa isagoo ka tiiraanyeysan Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka geeriyoodeen dadkaasi, waxaanu Alle uga baryay inta dhaawaca ah inuu caafimaad sareecana siiyo kana kiciyo dhaawaca soo gaadhay. Waxaanu amray in la xoojiyo baadhista sida shilku u dhacay, lana badiyo Gurmadka adeega caafimaad ee shilkaas.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong><u>IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN<\/u><\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0\u00a0\u00a0 \u00a0\u00a0Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen 14-kii qof eek u dhintay maanta shilka baabuur ee ka dhacay wadad wayn ee isku xidha magaalooyinka Kalabaydh Iyo gabiley. TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN \u00a0 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18812,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-18811","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4Tp","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18811","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18811"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18811\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18811"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18811"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18811"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}