{"id":1854,"date":"2014-12-17T17:15:25","date_gmt":"2014-12-17T17:15:25","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=1854"},"modified":"2014-12-17T17:15:25","modified_gmt":"2014-12-17T17:15:25","slug":"kerry-oo-falastiin-kala-hadlay-qorshahooda-aqoonsiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/17\/kerry-oo-falastiin-kala-hadlay-qorshahooda-aqoonsiga\/","title":{"rendered":"Kerry oo Falastiin kala hadlay qorshahooda aqoonsiga"},"content":{"rendered":"<p>Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa la kulmay guddiga waan waanta nabada u qaabilsan dowlada Falastiin si uu u baajiyo qorshe lagu wado in la hordhigo golaha amaana ee Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>Dowlada Falstiin ayaa dooneysa inay dhawaan Qaramada Midoobay horgeyso mooshin ah in wakhtiga aqoonsiga Dowlada Falastiin in la shaaciyo xiliga uu noqon doono, waxaana jira qorshe lagu taageerayo Falastiin oo laga yaabo in maanta oo Arbaca ah la horgeeyo Golaha Amaanka.<\/p>\n<p>Dowlada Falastiin ayaan iyadu hada weli xubin rasmi ah ka ahayn Qaramada Midoobay balse loo aqoonsan yahay in ay xubin korjooge ah ka noqoto, hase yeeshee dowlada Jordan oo hada xubiin ka ah Golaha Amaanka ayaa laga yaabaa inay codsiga Falastiin hordhigto golahaasi.<\/p>\n<p>Raysalwasaaraha Isra\u2019iil Benjamin Netenyahu ayaa isniinti lasoo dhaafay magaalada Rome kula kulmay John Kerry, si uu uga dhaadhiciyo Maraykanka inay horjoogsadaan qorshaha aqoonsiga ee laga dhex wado Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>Dhaq dhaqaaqa Aqoonsiga Dowlada Falastiin ayaa sii xoogeystay tan iyo intuu burburay wadahadalkii Isra\u2019iil iyo Falastiin oo muddo sanado ah hakad ku jiray, waxaana sii xoogeystay taageerada qaar kamid ah dalalka Reer Galbeedka iyo Caalamka u fidinayaan Falastiiniyiinta taasi oo looga jawaabayo dhul-boobka iyo xasuuqyada Isra\u2019iil u geysatay dadka reer Falastiin.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<br \/>\nWashotino office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa la kulmay guddiga waan waanta nabada u qaabilsan dowlada Falastiin si uu u baajiyo qorshe lagu wado in la hordhigo golaha amaana ee Qaramada Midoobay. Dowlada Falstiin ayaa dooneysa inay dhawaan Qaramada Midoobay horgeyso mooshin ah in wakhtiga aqoonsiga Dowlada Falastiin in la shaaciyo xiliga uu noqon [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1855,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1854","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-tU","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1854","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1854"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1854\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1854"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1854"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1854"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}