{"id":18454,"date":"2016-02-14T15:01:21","date_gmt":"2016-02-14T15:01:21","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=18454"},"modified":"2016-02-14T15:01:21","modified_gmt":"2016-02-14T15:01:21","slug":"wasaarada-hawlaha-guud-oo-marwada-madaxweyne-silanyo-ka-difaacday-eedda-ah-inay-qaadatay-guriga-womens-club","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/02\/14\/wasaarada-hawlaha-guud-oo-marwada-madaxweyne-silanyo-ka-difaacday-eedda-ah-inay-qaadatay-guriga-womens-club\/","title":{"rendered":"Wasaarada Hawlaha Guud Oo Marwada Madaxweyne Silanyo Ka Difaacday Eedda Ah Inay Qaadatay Guriga Women\u2019s Club &#8211;"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Wasaaradda hawlaha guud ayaa marwada madaxweyne Siilaanyo, Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde ka difaacday eeddo loo jeediyay oo ah inay qaadatay guriga caanka ah ee Women\u2019s Club oo ay ku dartay guriga uu dhismuhu ku socdo ee uu lahaa Alle haw naxariiste walaalkeed Cali Jirde. Guriga Women\u2019s club ayay dawladii Ingiriisku u dhistay inay haweenka reer Hargeysa wax ku bartaan.<\/p>\n<div class=\"content\">\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/02\/140.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-thumbnail wp-image-30715\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/02\/140-150x100.jpg?resize=150%2C100\" alt=\"1\" width=\"150\" height=\"100\" \/><\/a><\/p>\n<p>Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud Mukhtaar Maxamed Cali iyo agaasimaha dhulka iyo guryaha ee wasaaradaas Maxamuud Maal, ayaa shirjaraa\u2019id oo ay shalay ku qabteen wasaaradooda, waxa ay ku sheegeen in gurigaas lagu eedeeyay marwada madaxweyne Siilaanyo laga iibiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid, waxaanay eeddaas ku tilmaameen mid aanay waxba ku jirin, iyagoo siyaasiga hadalkaas sheegay oo ah siyaasiga caanka ah ee Cabdi Haybe Maxamed ugu hanjabay inay sharciga la tiigsan doonaan. Waxa kale oo ay beeniyeen hadal ay Cabdi Haybe iyo dad kaleba sheegeen oo ah in xukuumadu iibinayso xerada Birjeex iyo Dugsiga Sheekh Bashiir,<\/p>\n<p>\u201cRagga abaabulka wada ee dadka kicinaya, ee masuuliyiina sheeganaya, in nabadgelyada wadanka la khalkhaliyo maaha, in la yidhaahdo degmadaasay kaca oo dagaalama waa fawdo, waxaan cadayntooda loo hayn ciddii ku kacdana annagu warqad ayaanu qoraynaa oo maxkamad iyo sharci ayaanu la tiigsanaynaa.\u201d sidaas waxa yidhi agaasimaha guud ee wasaaraddaas.<\/p>\n<p>Isagoo agaasimaha guud si gaar ah u beeninaya in marwada madaxweyne Siilaanyo iibsatay gurigaas caanka ah, wuxuu yidhi\u00a0 \u201cMucaaradku xaq ayay u leeyihiin wixii dhaliil ah inay sheegaan laakiin wax aanay cadayntooda hayn in lagula kaco aflagaado, oo marwada madaxweynaha ayaynu arkaynaa in wax aanay gayin meel aanay shaqo ku lahayn lagu eedaynayo.\u00a0 Waa taas xaqiidu, Gurigaas women\u2019s club oo laga iibiyay ganacsade Maxamed Aw Sicidi meel ay ka soo galayso anagu garan mayno, ta\u2019 kale wax la bixiyay maaha oo ganacsadaha laftarkiisa wax la siiyay maaha oo waa wax laga iibiyay oo guddiga iibka qaranku ay ka iibisay, markaas waxaan odhan lahaa wax kasta intaynu ku hadalno hadhawna far ku dhuumano maaha, laakiin sharcigaa la isla tagayaa, anagu cadayntii waanu haynaa.\u201d<\/p>\n<p>Agaasimaha waaxda dhulka ee wasaaradda hawlaha guud Mr. Maxamuud Maal, ayaa isna isagoo u jawaabaya Cabdi Haybe, wuxuu yidhi \u201cCabdi Haybe, wuxuu afka ku cadeeyay Womens\u2019 club inay marwadu qaadatay, women\u2019s club wuxuu ku jiraa dhulka hantida dawladda, waana la iibiyay, waxaana laga iibiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid oo mulkiyada loo sameeyay, loona qoray mulkiyad lahaanshe ah, meel ay kaga jirto marwadu oo ay ku qaadatatay dhul ma hayno, waxaana iibisay guddiga iibka hantida qaranka, dhulkaasna waxaanu ka iibinay ganacsade Maxamed Aw Siciid.\u201d<\/p>\n<p>Siyaasi Cabdi Haybe oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa dhawaan sheegay in marwada Madaxweyne Siilaanyo ay gurigaas Women\u2019 club ku darsatay dhismaha walaalkeed lahaa, waxaana hadaladii Cabdi Haybe ka mid ahaa\u00a0 \u201cSheekh Bashiir ayaa la hadal hayaa in imika la iibinayo, waxaana ka sii daran haweenku Hargeysa waxay ku lahaayeen dugsi la odhan jiray iskuulka Dumarka oo women\u2019s club la odhan jiray\u00a0 kaana marwad koowaad ayaa qaadatay oo ku darstay aqalkii walaalkeed .<\/p>\n<p>Dumarku saddex iskuul ayey\u00a0 ku lahaayeen wadanka mid Hargeysa ah,\u00a0 mid Burco ah iyo mid Boorama ah, kii Hargeysa waa taas marwadii qaadatay ee lagu kala tagay.\u201d<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Wasaaradda hawlaha guud ayaa marwada madaxweyne Siilaanyo, Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde ka difaacday eeddo loo jeediyay oo ah inay qaadatay guriga caanka ah ee Women\u2019s Club oo ay ku dartay guriga uu dhismuhu ku socdo ee uu lahaa Alle haw naxariiste walaalkeed Cali Jirde. Guriga Women\u2019s club ayay dawladii Ingiriisku u dhistay inay haweenka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18455,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-18454","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4NE","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18454","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18454"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18454\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18454"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18454"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18454"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}