{"id":18449,"date":"2016-02-14T14:45:33","date_gmt":"2016-02-14T14:45:33","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=18449"},"modified":"2016-02-14T14:45:33","modified_gmt":"2016-02-14T14:45:33","slug":"kooxda-alshabaab-oo-maanta-qiratay-inay-masuul-ka-ahayd-weerarkii-qaraxa-ahaa-ee-diyaaradii-daallo-airlines","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/02\/14\/kooxda-alshabaab-oo-maanta-qiratay-inay-masuul-ka-ahayd-weerarkii-qaraxa-ahaa-ee-diyaaradii-daallo-airlines\/","title":{"rendered":"Kooxda Alshabaab Oo maanta Qiratay Inay Masuul Ka Ahayd Weerarkii Qaraxa Ahaa Ee Diyaaradii Daallo Airlines"},"content":{"rendered":"<p class=\"lead\">Arabsiyo News&#8212;Al-shabaab ayaa maanta si Rasmi ah u sheegtay inay mas\u2019uul ka ahayd Weerarkii Qarax ee ka dhex-dhacay Diyaaraddii DAALLO Airlines 02-dii bishaan Feberaayo, Taasoo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kuna socotay dalka Jabuuti.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.hiiraan.com\/images\/2013\/Sep\/Al-shabaab_oo_Qaraxyo_Sheegatay.jpg?w=696\" alt=\"\" \/><\/p>\n<p>Bayaan ku Qornaa Afka Ingiriiska oo ay Al-shabaab soo Saartay Maanta ayay ku sheegtay inay beegsanayeen xubno ay ku sheegeen inay ahayaeen kuwo u shaqeeya Sirdoonka Reer Galbeedka iyo ciidamada Turkiga ee NATO ka tirsan, iyagoo xusay in weerarku uu ka mid ahaa weerarro gaar ah oo ay dadka la shaqeeya sirdoonka Reer Galbeedka la beegsadaan.<\/p>\n<p>\u201cInnagoo ka hortagayna dhibaatooyinka ay Sir-doonka Dalalka Reer Galbeedku ku hayaan Muslimiinta ah ayay Al-shabaab fulisay weerarka diiyaaraddii Daallo, taasoo ay la socdeen xubno u shaqeeya sirdoonka dalalka rer Galbeedka, sidaas awgeed wuxuu ahaa mid aan ku Beegsanaynay Hay\u2019adaha Sir-doonka Gaalada ee dhulka Muslimiinta ku sugan,\u201d ayaa lagu yiri bayaanka Al-shabaab.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Al-shabaab ayaa Bayaankeedan ku sheegtay in Weerarkaan uu dhacay xilli ay Hay\u2019adaha Sirdoonka Dalalka Reer Galbeedku ay kusoo kordhayaan Muqdisho, si ay uga fulinayaan Hawl-gallo ka dhan ah Muslimiinta Soomaaliya ku nool, gaar ahaan xoogagga Al-shabaab.<\/p>\n<p>\u201cKooxaha Sir-doonka Reer Galbeedka, Waxay ku lug leeyihiin Hawl-gallada ka dhanka ah Muslimiinta, iyagoo gacan ka siiya Hay\u2019adda CIA-da ee dalka Mareykanka duqeynta ay ka Geysanayaan Qaybo ka mid ah Soomaaliya, kuwaasoo lagu laayay Boqollaal Muslimiin ah oo aan waxba galabsan,\u201d ayaa lagu xusay Bayaanka.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/www.hiiraan.com\/images\/2016\/Feb\/2016213635909526523536710Daalo_airlines_660.jpg?w=696\" alt=\"\" \/><\/p>\n<p>Waxay kaloo Al-shabaab ay bayaankooda ku sheegeen in howlgalkooda aysan ku soo ridin diyaaradda, balse ay Argagax iyo cabsi ku geliyeen waxay ugu yeereen Gaalada. Waxayna intaas ku dareen, in inkastoo Amaanka si aad ah loo Xoojiyay haddana ay awoodi waayeen inay ka hor-tagaan Mujaahidiinta, uuna Howlgalkan imaan karo.<\/p>\n<p>\u201cAl-shabaab waxay awood u leedahay inay meel walba ku ugaarsato sirodonka u shaqeeya Reer Galbeedka, sidoo kalena ay beegsan karaan waqtigii ay doonaan. Guushuna waxay ku jirtaa gacanta Eebbe weynaha aan keligiis Rumeysan-nahay,\u201d ayaa mar kale Bayaanka Al-shabaab.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa bayaankooda ku sheegay inay sii wadi doonaan ugaarsiga cadowga Alle, ayna si gaar ah diiradda u saarayaan Sirdoonka Dalalka Reer Galbeedka ee Somalia ka Howl-gala. Waxaanan u adeegaynaa Muslimiinta Somalia sidii ay ugu noolaan lahaayeen amni iyo deggenaasho.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, Diyaaraddii Daallo Airlines ayaa waxaa ku Dhintay Hal Ruux oo la sheegay inuu Diyaaradda ka dhacay, kaasoo Hay\u2019adaha Amaanka Dowladdu ay magaciisa ku sheegeen C\/llaahi C\/salaan Boorle inuu ahaa Ruuxii is-qarxiyay, iyadoo ay Shilkaan ay ku dhaawacmeen laba qof oo rakaabkii diyaaradda ka mid ahaa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Al-shabaab ayaa maanta si Rasmi ah u sheegtay inay mas\u2019uul ka ahayd Weerarkii Qarax ee ka dhex-dhacay Diyaaraddii DAALLO Airlines 02-dii bishaan Feberaayo, Taasoo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kuna socotay dalka Jabuuti. Bayaan ku Qornaa Afka Ingiriiska oo ay Al-shabaab soo Saartay Maanta ayay ku sheegtay inay beegsanayeen xubno ay ku sheegeen inay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18450,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-18449","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4Nz","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18449","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18449"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18449\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18449"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18449"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18449"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}