{"id":1839,"date":"2014-12-17T17:06:36","date_gmt":"2014-12-17T17:06:36","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=1839"},"modified":"2014-12-17T17:06:36","modified_gmt":"2014-12-17T17:06:36","slug":"dalka-haiti-oo-ay-ka-taagan-tahay-xiisad-lamid-ah-tii-federaalka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/17\/dalka-haiti-oo-ay-ka-taagan-tahay-xiisad-lamid-ah-tii-federaalka-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Dalka Haiti oo ay ka taagan tahay xiisad lamid ah tii Federaalka Soomaaliya!"},"content":{"rendered":"<p>Madaxaweynaha Haiti Michel Martelly bidix iyo raysalwasaarihiisi is casiley Minister Laurent Lamothe<br \/>\nBanaanbaxyo balaaran ayaa ka bilowday caasimada Haiti ee Port-au-Prince, kadib markii uu asbuucan iscasilay Raysalwasaarihii xukuumada Haiti Laurent Lamothe kadib xiisad siyaasadeed oo hakisay hawlihii dowlada Haiti.<\/p>\n<p>Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Haiti ayaa meelo uga eg xiisadii dowlada Federaalka Soomaaliya, balse wadanka Haiti ayaa uga duwan Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo ahaa rag saxiibo isku dhow, hadana waxay khasab ku noqotay in Raysalwasaaraha uu iscasilo kadib markii ay ismari waayeen Xukuumada &amp; Madaxweynaha oo dhinac ah iyo Golaha Baarlamaanka &amp; Senateka oo dhinac ah.<\/p>\n<p>Inta badan Xildhibaanada dalka Haiti ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Michel Martelly iyo saaxiib kiis Laurant Lamothe Raysalwasaaraha inay labaduba is-casilaan, balse Madaxweynaha Michel Martelly<\/p>\n<p>ayaa guddi u waan waan u saaray xiisada u dhaxeysa isaga iyo Baarlamaanka, guddigaasi oo soo jeediyey inay xilka baneeyaan Raysalwasaaraha, Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo Guddiga Doorashada. Michel Martelly oo doonaya inuu xilka siihayo ayaa ka codsaday saaxiibkiis Raysalwasaare Lamothe inuu xilka baneeyo. Taasina waa uu aqbalay Raysalwasaaraha oo sheegay inuu doonayo in xal la gaaro.<\/p>\n<p>Balse Shacabka Haiti iyo Xildhibaanada ayaa diiday inay aqbalaan iscasilaada Raysalwasaaraha oo kaliya, waxay doonayaan inuu sidoo kale xilka baneeyo Madaxweynaha Haiti Michel Martelly.<\/p>\n<p>Wakhtiga Baarlamaanka dalka Haiti ayaa ku eg 12ka bisha Janaayo 2015, waxaana marar badan horey xukuumada dib u dhigtay doorashadii guud ee Baarlamaanka, arrintaasi oo ay mucaaridka ku sheegeen inuu yahay qorshaha Madaxweynaha Michel Martelly uu ku doonayo in marka xiliga Baarlamaanka uu dhamaado uu kala diro Xildhibaanada iyadoo aan weli lasoo dooran Baarlamaankii bedali lahaa.<br \/>\nShacabka Haiti ayaa kasoo horjeeda Madaxweyne Michel Martelly inuu la wareego awoodii Baarlamaanka isla markaana Dikareeto ku xukumo dalka Haiti tan iyo inta laga gaarayo doorashooyinka Madaxweynaha ee 2016.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa waxaa kasoo horjeestay xildhibaanada iyo Shacabka oo sheegaya in Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha dhamaantood is-casilaan oo la qabto doorashooyin guud ee Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Madaxweyne Michel Martelly ayaa la doortay 2011 xili uu dalka Haiti kasoo kabanayey burburkii dhulgariirkii dalkaasi ka dhacay dhulgariirka, balse shacabka Haiti ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha inaysan wax badan u qaban dalkooda marka laga yimaado Safaro badan oo ay dibada ku aadeen iyagoo isticmaalaya Diyaarado qaali ah oo ay ku si raxaaleh ugu tamashleenayaan caalamka.<\/p>\n<p>Sidoo kale Madaxweynaha iyo Saaxiibkiisa Raysalwasaaraha ayey mucaaridka Haiti ku eedeeyeen in markale ay wadanka Haiti geliyeen Daymo badan kadib markii dalkaasi uu Caalamka ka cafiyey daymihii horey loogu lahaa markii uu dalkaasi dhul-gariirka ka dhacay.<\/p>\n<p>Arabsiyopnews.com<br \/>\nHaiti office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxaweynaha Haiti Michel Martelly bidix iyo raysalwasaarihiisi is casiley Minister Laurent Lamothe Banaanbaxyo balaaran ayaa ka bilowday caasimada Haiti ee Port-au-Prince, kadib markii uu asbuucan iscasilay Raysalwasaarihii xukuumada Haiti Laurent Lamothe kadib xiisad siyaasadeed oo hakisay hawlihii dowlada Haiti. Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Haiti ayaa meelo uga eg xiisadii dowlada Federaalka Soomaaliya, balse wadanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1838,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1839","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-tF","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1839","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1839"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1839\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1839"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1839"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1839"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}