{"id":18388,"date":"2016-02-12T21:38:51","date_gmt":"2016-02-12T21:38:51","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=18388"},"modified":"2016-02-12T21:38:51","modified_gmt":"2016-02-12T21:38:51","slug":"baafingobaad-ka-samri-wayey-qalinkii-guluf-ahmed-kooshin-q2aad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/02\/12\/baafingobaad-ka-samri-wayey-qalinkii-guluf-ahmed-kooshin-q2aad\/","title":{"rendered":"baafin&#8221;Gobaad Ka samri wayey&#8221;?  qalinkii Guluf Ahmed Kooshin. Q2aad"},"content":{"rendered":"<p>goor mir-dhexe ah buu roob kii go-ay, lakiin wali\u00a0 inuu da-aayo ayaad moodaysaa, mawjadaha ka soo rogmanayaa buuraha nuugu xeerani ka guux weyn dhibicda roobka.<\/p>\n<p>waa dhawaad kii ayaa wax mar qudha isla oogsaday abkay habar duugag, waxana jiibta iyo jaabta isla helay shibirihii, aniga oo hurdad macan sanaaya ayaa waxan il-qoodha ka arkey gobaad oo albabkii tandhada furtay siina baxaysa, waan iska yar noqday hurdadii ilaa 10 daqiiqo ka dib ayaan soo booday, gobaad gobaad\u00a0 gobaad\u00a0 mise ima jawaabayso!!<\/p>\n<p>waan soo kacay dibadanan soo istagay waxanan ku muusanaabay &#8220;gobaadeeey&#8221;. talo ayaa igu cadadatay dhan aan u dhaqaaqona waan garan wayey. luguhu way i gariirayaan gadhigii ayaan ku tiirsaday.goor aanan waxba ku noolayn aayaa taag yar oo sidaa aan uga fogay xaganu dagnay dabadiisa ayey ka soo baxday gobaad!!<br \/>\nxageed qabtay? maad soo kacdayba waxan islahaa intuuna soo kicin caano reeraha meelahan dagan ka soo iibsada iyo wax aad cuntaba? ayey iga jawaabtay iyadoo baqasho ka yar muuqata wajigeeda.<br \/>\nwallal inaad ii sii sheegto bay ahayd gadhiga sababtaan ugu tiirsaday waan taagnan kari wayey dhan aan u cararona waan garan la aa. iyo jawaab yar oo gaaban \u00a0&#8220;raali noqo dib uma dhacayso xaaji&#8221;.<\/p>\n<p>waan iska qaboobay waxanan ku idhi waxad inoo doontay meeyee waxayna igu jawaabtay wali lama lisin xoolihi in yar ka bacdi baan ku noqonayaa.<\/p>\n<p>waxanu ku wada fadhisanay gadhiga afkiisa hore waxananu u jeedna dhanka koonfureed. xagaas baanu cabar ku haasownay. udgoonka iyo quruxda deeganka waad yabaysaa intanu hadlaynaaba way yar tahay waxaanu kolba dhan isha ula racaynaa bilicda dhulka.<br \/>\nwax mar qudha mudh soo tiri cadceedii oo goorahanba daruuro qarinaayeen.<br \/>\n&#8216;kolay waa la lisay xoolahii imika ee kalay soo iibsano canihiiye&#8217;, ana waxan ugu jawaabay kolkii horeba waadigii kaligaa tagay ee soco imikana kaligaa tag!<\/p>\n<p>markay sidaas taagii yaraa oo dhanka bari igaga beegan uga dabo laabtay gobaad meel ili qabtay ii jirta wax ka soo baxay baabuur xawaare dheeraynaaya ku socda, jihada koofureedna igaga soo socda. markiiba waxa i galay dareen, hadana waxan is idhi waa baabuur wadad iska maraysa. dhawr daqiiqo gudahoodba way i soo gadheen mise waa ciidan!.<br \/>\nmaxad meesha ka qabanaysaa iyo taliye waan iskaga dalxiis imid. mise dhirbaaxo ayaa xigtay waana laysku key jabiyey. ninkii watay cidanka ayaa igu yidhi&#8221;yaad u waday sanaadan ciidanka?&#8221; taliye sanaad maaha ee waa tandho yar oon habeenkii dhaxanta ka galayey. intuu dib u istagay buu ku yidhi &#8216;garaaca duufarka doofaarku dhalay&#8217;<br \/>\nwaxa laag iyo jug igu dhacaysa mid ka mid ah ma dareemaayo waxan illahay ka baryaa inayna gobaad soo noqon.<br \/>\nmarkaan dhiig matagay buu hadana taliyiihii i waydiiyey &#8220;yaad halkan kugula sugnaa se yaad sugayseen&#8221; taliye cidna kaligey baan ahaa qurbahan ka imid dhulkeena barwaaqadiisa ayaan u soo baxay si aan iskaga daawado, cidankii i dufaaci laa baa tiin inaad sidan ii dishaan maaha. candhuuf buu igu tufay wuxuuna yidha saara gadhiga, tandhadaydii intay rujiyeen bay gadhi cabdi biile ah xagiisa danbe ku tuurteen iyadan, gadhigeyga furihiisii waxay ka soo helay tandhada guda heeda, intii lay garacaayey ayey qolana tandhad gudaheeda kala galalafaysay.<br \/>\nwaxan ku celcelinayaa alhamdulilah, alhamdulilah, alhamdulilah waxan u mahadnaqayaa ilahii meeshaas ka maqnaysiyey gobaad. markaanu sidaa afka u saarnay daw gii cada una soo jeedno dhanka hargeysa ayuu mid dusha saarnaa oo badhayey shandadihii aanu sidanay yidhi &#8220;taliye istaag,qof dumar ah baa ninkan kula sugnayd meesha waayo\u00a0 dhar dumar baa ku jira shandadaha mid?&#8221;.<\/p>\n<p>&#8220;hello hello waar guluf muu kaa go-ay khadku, may maqlaysaa guluf&#8221;, sidii qof hurdo ka soo booday baan ku idhi haa waan ku maqlayaa, iga raali noqo waan yar baxee, warka dulucdiisa ii qadim oo gobaad ma nooshahay mise way dhimatay, &#8220;gulufow gobaad way &#8230;&#8230;&#8230;&#8230;&#8230;&#8221; la soco sabti kaste .<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>goor mir-dhexe ah buu roob kii go-ay, lakiin wali\u00a0 inuu da-aayo ayaad moodaysaa, mawjadaha ka soo rogmanayaa buuraha nuugu xeerani ka guux weyn dhibicda roobka. waa dhawaad kii ayaa wax mar qudha isla oogsaday abkay habar duugag, waxana jiibta iyo jaabta isla helay shibirihii, aniga oo hurdad macan sanaaya ayaa waxan il-qoodha ka arkey gobaad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18386,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,10],"tags":[],"class_list":["post-18388","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4MA","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18388","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18388"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18388\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18388"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18388"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18388"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}