{"id":18308,"date":"2016-02-11T08:06:50","date_gmt":"2016-02-11T08:06:50","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=18308"},"modified":"2016-02-11T08:06:50","modified_gmt":"2016-02-11T08:06:50","slug":"in-doorashada-madaxwaynaha-iyo-ta-barlamaanku-mar-wada-dhacaan-waa-qodob-sharciyajaamac-shabeel","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/02\/11\/in-doorashada-madaxwaynaha-iyo-ta-barlamaanku-mar-wada-dhacaan-waa-qodob-sharciyajaamac-shabeel\/","title":{"rendered":"&#8220;In doorashada Madaxwaynaha iyo ta Barlamaanku mar wada dhacaan waa qodob sharciya&#8221;Jaamac Shabeel"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye\u00a0 Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel)\u00a0\u00a0\u00a0 ayaa ka hadlay Diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo ka bilaamaysa Gobolka Awdal, waxaanu jawaab ka bixiyey wararka ka soo yeedhay Mucaaradka ee sheegaya in Xisbiga Kulmiye aanu doonaynin in aan dalka Diiwaangelin laga qaban iyo in aanu raali ka ahayn in si wada jir ah loo qabto Doorashada Madaxtooyada\u00a0 iyo Doorashada Barlamaanka, waxaanu tilmaamay in wararkaasi yihiin qaar been abuur ah.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/02\/118.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-thumbnail wp-image-30642\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/02\/118-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"1\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Abaaraha dalka ka jira, waxaana ugu horeyn isaga oo ka hadlay Diiwaangelinta\u00a0 ka bilaamaysa Gobolka uu yidhi \u201cIn dadka reer Somaliland is diiwaangeliyaan, oo kaadhka Diiwaangelinta cod bixiyaha qaataan ayaa waajib ah, si qof walba uu u helo xaqa uu u leeyahay inuu Doorashooyinka codeeyo, qof walbana isma diiwaangelinayo ee cidii xaqa u leh ayaa waajib ah inay is diiwaangeliso oo kaadhka diiwaangelinta qaadato, sida qofka qaangadhka ah, qofka xuskiisi caadiga yahay iyo qofka\u00a0 muwaadiniinta ah, marka in fursadan laga faa\u2019iidaysto ayaan Shacabka kula talinayaa\u201d.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira in Xisbigoodu aanu raali ka ahayn Diiwaangelinta iyo dhaliisha Mucaaradka ayaa waxa ku jawaabay\u00a0\u00a0 \u201cWararkaasi waa warar xaqiiqada ka fog, Xisbiga Kulmiyena wuu isku kalsoon yahay, oo raali ayaanu ka nahay inay Diiwaangelintu dalka oo dhan si fiican uga wada qabsoonto, oo waxa aanu hadda wadnaa wacyigelin ku saabsan Diiwaangelinta, oo madaama ay ka bilaamayso Gobolka Awdal, waxa aanu dadka ku dhiirigelinaynaa inay kaadhka Diiwaangelinta si fiican u qaatan, ee cida tidhi Kulmiye ayaa diidan\u00a0 Diiwaangelinta, waa cid bilaa kalsooniya, oo xaqiiqada ka fog, Komishanka ayaa hawshan Diiwaangelinta gacanta ku haya, awoodna u leh, ee waanu isku kalsoonahay\u201d.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira in Xisbiga Kulmiye aanu raali ka ahayn in isku mar la qabto Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Barlamaanka ayaa ku jawaabay \u201cIn Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Barlamaanku mar wada dhacaan waa qodobo sharciya, waa qodob laga wada heshiiyey, waana qodob uu Madaxweynuhu digreeto ku soo saaray, cida aamisan in Xisbiga Kulmiye aanu rabin in mar la wada qabto Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Barlamaanka waa cid xaqiiqda ka fog, Xisbiga Kulmiyena mar walba wixii sharciya ayuu ku dhaqmaya, wixii sharci daro ahna uu iska ilaalinayaa, \u201d<\/p>\n<p>Jaamac Shabeel ayaa mar uu ka hadlaayey Abaaraha ayaa yidhi \u201cILLAAHAY ha inaga qaboojiyo Abaaraha, roobkiisana ha inoo shubo, inta aynu gaalo baryeyno, ee aynu leenahay na caawiyo, waxa inooga khayr badan inaynu ILLAAHAY barino, oo aynu isaga u noqono,Abaarahana waxa aan ka baryayaa inuu nimco inoogu bedelo\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Xigasho Geeska<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye\u00a0 Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel)\u00a0\u00a0\u00a0 ayaa ka hadlay Diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo ka bilaamaysa Gobolka Awdal, waxaanu jawaab ka bixiyey wararka ka soo yeedhay Mucaaradka ee sheegaya in Xisbiga Kulmiye aanu doonaynin in aan dalka Diiwaangelin laga qaban iyo in aanu raali ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":13944,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-18308","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4Li","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18308","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18308"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18308\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18308"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18308"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18308"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}