{"id":18294,"date":"2016-02-10T14:11:38","date_gmt":"2016-02-10T14:11:38","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=18294"},"modified":"2016-02-10T14:11:38","modified_gmt":"2016-02-10T14:11:38","slug":"war-saxaafadeed-nuxurka-qodobaddii-ay-maanta-ka-wada-hadleen-xukuumadda-somaliland-iyo-wadamadda-deeq-bixiyeyaashu","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/02\/10\/war-saxaafadeed-nuxurka-qodobaddii-ay-maanta-ka-wada-hadleen-xukuumadda-somaliland-iyo-wadamadda-deeq-bixiyeyaashu\/","title":{"rendered":"War-saxaafadeed: Nuxurka Qodobaddii Ay Maanta Ka Wada-hadleen Xukuumadda Somaliland Iyo Wadamadda Deeq-bixiyeyaashu."},"content":{"rendered":"<div id=\"main\" class=\"col-xs-8 clearfix\">\n<article id=\"post-581\" class=\"clearfix post-581 post type-post status-publish format-standard has-post-thumbnail hentry category-news\">\n<section class=\"post_content clearfix\">\n<p class=\"lead\"><span lang=\"sq-AL\">Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo<\/span>\u00a0<span lang=\"sq-AL\">ayaa maanta 09.02.2016 Xafiiskiisa ku qaabilay wefti culus oo ka koobnaa Safiirada Waddama Jam. Somaliland ka caawiya xagga Horumarka. Weftigaasi wuxuu ka koobnaa\u00a0<\/span><span lang=\"sq-AL\"><i><u>11 xubnood<\/u><\/i><\/span><span lang=\"sq-AL\">\u00a0waxana hoggaaminayey Safiirrada fadhigoodu yahay Nairobi ee u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya dalalka\u00a0<\/span><span lang=\"sq-AL\"><i><u><b>Denmark\u00a0<\/b><\/u><\/i><\/span><span lang=\"sq-AL\"><i><u>(Ms. Mette Knudsen)<\/u><\/i><\/span><span lang=\"sq-AL\">,\u00a0<\/span><span lang=\"sq-AL\"><i><u><b>Holland\u00a0<\/b><\/u><\/i><\/span><span lang=\"sq-AL\"><i><u>(Mr. Frans Makken)<\/u><\/i><\/span><span lang=\"sq-AL\">,<\/span><span lang=\"sq-AL\"><i><u><b>Norway\u00a0<\/b><\/u><\/i><\/span><span lang=\"sq-AL\"><i><u>(Mr. Victor Conrad Ronneberg)<\/u><\/i><\/span><span lang=\"sq-AL\">\u00a0iyo Madaxa Hay\u2019adda Iskaashiga Caalamiga ee\u00a0<\/span><span lang=\"sq-AL\"><i><u>dalka\u00a0<\/u><\/i><\/span><span lang=\"sq-AL\"><i><u><b>UK DFID<\/b><\/u><\/i><\/span><span lang=\"sq-AL\"><i><u>\u00a0u qaabilsan Somaliland\/ Soomaaliya (Mr. Phil Evans)<\/u><\/i><\/span><span lang=\"sq-AL\">.<\/span><\/p>\n<p lang=\"sq-AL\">Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ayaa ugu horraan Danjirayaasha dalalka safka hore kaga jira taageerada horumarinta Somaliland iyo weftigii ay hoggaaminayeen uga mahad-naqay booqashada qiimaha leh ee ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu weftigan si gaar ah ugala hadlay arrimo dhawr ah oo ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha dalka iyo dadka Somaliland, waxana ka mid ahaa:<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span lang=\"sq-AL\"><b>1.\u00a0\u00a0\u00a0Arrimaha Doorashooyinka:<\/b><\/span><\/p>\n<p><span lang=\"sq-AL\"><i><u>Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo<\/u><\/i><\/span>\u00a0<span lang=\"sq-AL\">wuxuu u sheegay Danjirayaasha Denmark, Holland, Norway iyo Dawladda Ingiriiska in Xukuumaddiisa iyo ummadda Somaliland ay mahadnaq iyo abaalba ugu hayaan sida ay dalkeena uga taageeraan geeddi-socodka hannaanka Dimuqraadiyadda, gaar ahaan kaalmada ay u fidiyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo arrimaha Diwaangelinta Codbixiyeyaasha. Madaxweynuhu wuxuu weftiga u sheegay in mashruucii Diwaangelinta Codbixiyeyaashu uu si fiican u socdo dhawaana la bilaabi doono gobolkii labaad\u00a0 oo ah Gobolka Awdal. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu weftiga u\u00a0 sheegay in ay Xukuumaddiisa ka go\u2019an tahay qabsoomidda doorashooyinka Madaxweynenimada iyo ta Golaha Wakiillada oo Jam. Somaliland ka dhici doona bisha March 2017-ka, sidaa darteedna uu iyaga laftoodana ka rajaynayo in ay taageeradooda iyo kaalmada arrimaha doorashooyinka sii xoojin doonaan.<\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span lang=\"sq-AL\"><b>2.\u00a0\u00a0\u00a0Fara-gelinta Soomaaliya ay ku hayso Jam. Somaliland:<\/b><\/span><\/p>\n<p><span lang=\"sq-AL\"><i><u>Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo<\/u><\/i><\/span>\u00a0<span lang=\"sq-AL\">mar uu ka hadlayey fara-gelinta qaawan ee Soomaliaya ay ku hayso Soomaaliland wuxuu Danjirayaasha Denmark, Holland, Norway iyo Dawladda Ingiriiska u sheegay sidan: \u201cWar-murtiyeedkii ay dhawaan soo saartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la xidhiidhay geedi-socodka doorashooyinkooda ka dhici doona 2016-ka waxay ku sheegeen in ay Somaliland u samayn doonaan qorshe gaar ah oo ay kaga qeyb qaadanayso doorashooyinka Soomaaliya. Haddaba, waxaan mar kale halkan hortiina si cad idiinku sheegayaa in aan<\/span>\u00a0<span lang=\"sq-AL\"><i><u>Jam. Somalilad<\/u><\/i><\/span><span lang=\"sq-AL\">\u00a0ka mid ahayn oo aanay ka tirsanayn waxa la yidhaa Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Dalkayagu kama aha qayb, kumana jiro nidaam kasta oo dawladnimo ama doorasho kasta oo la leeyahay waxay ka dhacaysaa Soomaaliya 2016-ka.<\/span>\u00a0<span lang=\"sq-AL\">Sidaa darteed hadalka ka soo yeedhay Xukuumadda Federaalka ah waa hawaawi iyo male-awaal aan xaqiiqada ku salaysnayn oo ay xukuumadda Muqdisho bulshada Caalamka iyo shacbigoodaba ku marin habaabinayaan. Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay xukuumad ku timid codka dadweynaha. Waxanu leenahay nidaam dimuqraadi ah dalkayagana waxa hore uga dhacay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay goob joogeyaashii caalamiga ahaa ka markhaati kaceen hufnaanteeda. Sidaa darteed, hore ugama aanu mid ahayn, kamana mid noqon doono wax kasta oo loogu yeedho Xukuumada Federaalka Soomaaliya.\u201d<\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span lang=\"sq-AL\"><b>3.\u00a0\u00a0\u00a0Arrinta Qisaasta Somaliland laga fuliyo:<\/b><\/span><\/p>\n<p><span lang=\"sq-AL\"><i><u>Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo<\/u><\/i><\/span>\u00a0<span lang=\"sq-AL\">mar uu Danjirayaasha Denmark, Holland, Norway iyo Dawladda Ingiriiska kala hadlayey arrinta Qisaasta Somaliland lagu fuliyo gacan-ku-dhiiglayaasha wuxuu u sheegay sidan: \u201cWaa arrin aan fahmi karo walaaca ay Dawladaha aad wakiillada u tihiin ka muujiyeen arrinta Qisaasta ay Xukuumadaydu dhawaan fulisay, waxana i soo gaadhay codsiyo dhawr ah oo Xukuumaddayda lagaga codsanayo inaanu arrinta Qisaasta hakino. Dareenkiina iyo aragti ahaan waxaad arrintan ka qabtaana waanu dhegeysanay. Laakiin, waxaan jecelahay inaan si cad idiinku bayaamiyo in Qisaastu tahay arrin waafaqsan Diintaayada iyo Distoorka dalkayga. Ka hor intaan qisaasta la fulin, Xukuumaddaydu waxay si mug leh oo dhammaystiran u soo baadhaa arrintaa iayada ah, shuruucda u dhiganna waa loo maraa si looga taxadiro wax kasta oo mugdi iyo muran gelin kara sharcinnimada fulinta Qisaasta. Go\u2019aan maxkamadeed oo cadli ah iyo rabitaanka qoyska qofka la dilay ka dib ayaanu Qisaasta fulinaa, taasina waxay lagama maarmaan u tahay adkaynta nabadda iyo xasiloonida uu dalkayagu ku caan baxay.\u201d<\/span><\/p>\n<p><span lang=\"sq-AL\"><b>4.\u00a0\u00a0\u00a0Qorshaha Horumarinta Somaliland:<\/b><\/span><\/p>\n<p><span lang=\"sq-AL\"><i><u>Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo<\/u><\/i><\/span>\u00a0<span lang=\"sq-AL\">mar uu Danjirayaasha Denmark, Holland, Norway iyo Dawladda Ingiriiska kala hadlayey Qorshaha Horumarinta Somaliland (National Development Plan) wuxuu yidhi sidan: \u201cSidaad idinkuba ka war qabtaan, Qorshaha Horumarinta Somaliland ee shanta sano wuxuu ku egyahay sannadka 2016-ka. Waqtigan xaadirka ah waxaanu wadnaa qorshe aanu dib ugu milicsanayno wixii noo qabsoomay, wixii naga qabyoobay iyo caqabadaha u baahan in laga gudbo. Taasina waxaanu ugu gogol-xaadhaynaa jaan-goynta Qorshaha Horumarinta Jam. Somaliland ee shanta sano ee soo socda. Waxa na soo gaadhaya warar iyo soo jeedino la leeyahay Qorshaha Horumarinta Somaliland ha lala mideeya ka Soomaaliya. Arrintaa waxaanu u aragnaa fikir aan sax ahayn oo khaldan. Jam. Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dal oo gebi ahaanba kala duwan oo maraya heerar kala duwan, waxana wacan inuu dal walba yeesho Qorshihiisa horumarineed ee ku habboon baahiyihiisa iyo duruufihiisa gaarka ah.\u201d<\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p lang=\"sq-AL\">Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi: \u201cWaxaan aad ugu faraxsanahay inaad booqasho ku tagteen mashaariicda ay Dawladihiinu maal-galiyaan isla markaana aad indhihiina ku soo aragteen isbeddelka togan ee ay keeni karto lacagta aad ugu tala gasheen horumarinta Somaliland. Waad aragteen waxtarka ay leedahay kaalmada aad anaga sida tooska ah noogu qoondaysaan, waana mid aanu idiinka mahadnaqayno, waxanan idinku boorinayaa inaad halkaa ka sii wadaan taageerada xagga horumarinta ah ee aad noogu deeqdaan.\u201d<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span lang=\"sq-AL\"><b>5.\u00a0\u00a0\u00a0Arrimaha Bini-aadminimada iyo Abaaraha:<\/b><\/span><\/p>\n<p><span lang=\"sq-AL\"><i><u>Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo<\/u><\/i><\/span>\u00a0<span lang=\"sq-AL\">mar uu Danjirayaasha Denmark, Holland, Norway iyo Dawladda Ingiriiska iyo weftigii ay hoggaaminayeen kala hadlayey Arrimaha Bini-aadminimada iyo Abaaraha wuxuu yidhi sidan: \u201cSidaa malaha idinkuba ka war qabtaan, qaybo badan oo ka mid ah Jam. Somaliland waxaa haleelay abaaro aad u ba\u2019an iyo xaaluf ka dhashay roob la\u2019aan iyo isbeddelka Cimilada Caalamka taasina waxay dhalisay in dadkii iyo duunyadiiba halis ku sugan yihiin. Dalkayaga waxaa halis ku jira ilaa 150,000 (Boqol iyo konton kun) oo qof, shacab iyo Xukuumadba dedaal naguma yara, itaal meel uu na dhigo mooyaane. Sidaa darteed, waxaanu idinka codsanaynaa inaad naga gacan siisaan gurmadka abaaraha iyo gargaarka dadka ku tabaaloobay.\u201d\u00a0\u00a0<\/span><\/p>\n<p lang=\"sq-AL\"><b>ALLAA MAHAD LEH<\/b><\/p>\n<p lang=\"sq-AL\"><b>Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)<\/b><\/p>\n<p lang=\"sq-AL\"><b>Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.<\/b><\/p>\n<\/section>\n<\/article>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo\u00a0ayaa maanta 09.02.2016 Xafiiskiisa ku qaabilay wefti culus oo ka koobnaa Safiirada Waddama Jam. Somaliland ka caawiya xagga Horumarka. Weftigaasi wuxuu ka koobnaa\u00a011 xubnood\u00a0waxana hoggaaminayey Safiirrada fadhigoodu yahay Nairobi ee u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya dalalka\u00a0Denmark\u00a0(Ms. Mette Knudsen),\u00a0Holland\u00a0(Mr. Frans Makken),Norway\u00a0(Mr. Victor Conrad Ronneberg)\u00a0iyo Madaxa Hay\u2019adda Iskaashiga Caalamiga ee\u00a0dalka\u00a0UK DFID\u00a0u qaabilsan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18296,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,1,2],"tags":[],"class_list":["post-18294","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-uncategorized","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4L4","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18294","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18294"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18294\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18294"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18294"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18294"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}