{"id":18237,"date":"2016-02-08T14:20:15","date_gmt":"2016-02-08T14:20:15","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=18237"},"modified":"2016-02-08T14:20:15","modified_gmt":"2016-02-08T14:20:15","slug":"xukuumadda-somaliland-oo-sharaxaad-ka-bixisay-muranka-ka-dhashay-qayb-ka-mid-ah-dhismaha-tiyaatarkii-hore-ee-caasimadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/02\/08\/xukuumadda-somaliland-oo-sharaxaad-ka-bixisay-muranka-ka-dhashay-qayb-ka-mid-ah-dhismaha-tiyaatarkii-hore-ee-caasimadda\/","title":{"rendered":"Xukuumadda Somaliland oo Sharaxaad ka Bixisay Muranka ka Dhashay Qayb ka Mid ah Dhismaha Tiyaatarkii Hore ee Caasimadda"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;-Xukuumada Somaliland ayaa Shalay\u00a0 si rasmi ah uga hadashay khilaafka ka taagan mulkiga dhul banaan oo hore qayb uga ahaan jiray xerada Tiyaatarka weyn ee Magaalada Hargaysa oo maalmihii u dambeeyey aad loogaga hadlay warbaahinta isla markaana sababay xadhiga ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo goor dambe la sii daayey.<\/p>\n<p>Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta iyo hawlaha guud oo shir jaraa\u2019id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa sharaxaad iyo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qaabkii lagu bixiyey dhulkaasi iyo noocyada kala duwan ee dhulku ka kooban yahay.<\/p>\n<p>Ugu horayn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md Cabdlaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ahna afhayeenka Xukuumada ayaa waxa uu tilmaan cad ka bixiyey arimo ay ka mid yihiin heshiiskii Tiyaarka dib loogu dhisay, xiliga heshiiskaasi ku eg\u2019 yahay, ruqsadaha Madaxweynaha JSL ku bixiyey dhulkaasi \u00a0iyo eedaymo uu ku sifeeyey in aanay\u00a0 xaq ahayn kuwaas ay soo jeedinayeen dhinacyo kale, waxana Wasiirka oo arimahaa ka hadlaya uu yidhi sidan: \u2018<b>Kulankan maanta waxa aanu u qabanay oo saxaafadda ugu yeedhnay in aanu dadweynaha u bayaamino arin maalmahan dambe meherad laga dhigtay oo ku saabsan dhulkii uu ka dhisnaan jiray Tiyaatarka weyn ee Hargaysa, isla markaana bulshada u faahfaahino oo u soo bandhigno sharciyada kala duwan ee qaybiyey dhismayaasha iyo dhulkii tiyaatarku hore u lahaa, dhulkaa oo ah ka jihada bari ka xiga xarunta dawlada hoose ee Hargaysa oo ah dhul qayb ka ahaa xeradii uu ka dhisnaan jiray Tiyaatarkii hore ee Hargaysa\u2019.<\/b><\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta oo sharraxaya maalgashiga uu Tiyaatarka ku sameeyey Ganacsade Cumar caydiid, ogolaanshaha uu haysto noociisa iyo cidda Madaxweynuhu sida sharciga ah u siiyey dhulka banaan ee hadda hadalku ka taagan yahay ayaa waxa uu yidhi sidan:\u2019 Ganacsade Cumar Caydiid waxa uu Xukuumadii hore iyo tan hadda joogtaba ka codsaday in uu dib u dhiso Tiyaatarkii weynaa ee Hargaysa oo ku dumay dagaaladii 1988-kii dabeetana isaga laga kireeyo oo uu manafacaadsado mudada heshiisku dhigayo oo dhan 25 sanadood, waana sidaa caddaynta dhulka tiyaatarku ku yaallo\u2019<\/p>\n<p>Md Cukuse waxa uu sidoo kale iftiimiyey dhulka banaan ee ka mid ahaan jiray xeradii tiyaatarkii hore iyo cidda sharci ahaan loo siiyey, waxana hadaladii wasiirka ka mid ahaa: \u2018 <b>dhulkii banaanaa ee dhismahii Tiyaatarkii hore\u00a0 ka horeeyey waxaa Madaxweynaha JSL siiyey ganacsade Cumar caydiid, laakiin dhulkii kale ee intaa ka baxsanaa ee tiyaatarkii hore lahaan jiray waxaa soo doontay oo la siiyey nin ka mid ah madax dhaqameedka Gobolka, waana dhul mid waliba cabbir gaar ah leeyahay\u201d isagoo intaa ku daray in dhulka Tiyaatarkii hore ka dhisnaa cabir gaar ah leeyahay, dhulkii banaanaa ee Cumar caydiid la siiyay oo dhistayna cabir gaar ah leeyahay, dhulka kale ee ninka kale la siiyayna cabir gaar ah leeyahay.<\/b><\/p>\n<p>Gebagebadii hadalkiisa wasiir Cukuse waxa uu saxaafadda u soo bandhigay cadaymo qoraal ah oo rasmi ah oo uu sheegay inay kala caddaynayaan mulkiyada iyo qaybaha dhulkaasi, isagoo wax kama jiraan ku tilmaamay hadalada maalamahan dambe lagaga hadlay khilaafka ka dhashay mulkiga dhulkaasi iyo dad uu ku tilmaamay inay arintan wax aan jirin ka sheegayaan oo cod ka raadinayaan.<\/p>\n<p>Dhankiisan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud,Gaadiidka iyo Guryaynta <b>Md Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)<\/b>oo Wasaaradiisu mas\u2019uul ka tahay dhulka danta guud\u00a0 ayaa shir jaraa\u2019idkaasi waxa uu ka caddeeyey waxyaabaha uu xaq u leeyahay ganacsade Cumar caydiid iyo waxyaabaha kale ee si aan jirin loo buunbuuniyey.<\/p>\n<p>Md Cali Mareexaan oo saxaafadda u akhriyaya caddaymaha muujinaya mulkiga dhulkaasi oo ay guddi hore loogu saaray soo diyaariyeen\u00a0 waxa uu yidhi sidan:<b>\u2019 Madaxweynaha JSL waxa uu dhulkaa ku bixiyey labadaa wareegto ee aad labadayda gacmood ku aragtaan, kuwaas oo mid ka mid ahi cadaynayso in Ganacsade Cumar caydiid loo ogolaaday ruqsadda kiraynta Tiyaatarka weyn, isla markaana la siiyey dhulkii jihada Koonfureed ka xigay Tiyaartarkii hore \u2018.<\/b><\/p>\n<p><b>\u2018Sida aad ogtihiin Cumar caydiid waxa uu dhisme ka dhistay dhulkii tiyaatarka ka xigay dhanka bari, sidoo kale dhulkii ka xigay xaga waqooyi waxa uu ka dhistay fooq dheer, labadaa dhisme midna uguma cadda ruqsadda la siiyey\u2019<\/b> sidaa waxaa mar kale yidhi wasiirka Wasaaradda hawlaha guud Md cali mareexaan oo sidoo kale soo bandhigay magacyada madax dhaqameedka soo codsaday dhulkii banaanaa ee kale, kuwaas ay ka mid yihiin, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan iyo Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Aw Good, iyadoo dhulka la siiyey uu yahay mid ay galbeed ka xigto Xarunta dawlada Hoose, dhanka koonfureed-na waddo,\u00a0 waqooyi waddo, bari waddo cabirkiisuna yahay 20 M + 85 M.<\/p>\n<p>Ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo ah ganacsadaha maalgashiga ku samaystay tiyaatarkaasi oo heshiiskii lala galay dhigayo in\u00a0 uu manaafacsado tiyaatarka mudo 25 sanadood ah sida ay muujinayaan caddaymaha ay Xukuumadu soo bandhigtay \u00a0Waxaana khilaafka mulkiga dhulka banaan ee ku dhegan tiyaatarka Gaar ahaan Dhinaca Galbeed waxa uu kala dhexeeyaa Laba Xubnood oo ka mid aha Madax dhaqameedka Gobolka Maroodijeex.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;-Xukuumada Somaliland ayaa Shalay\u00a0 si rasmi ah uga hadashay khilaafka ka taagan mulkiga dhul banaan oo hore qayb uga ahaan jiray xerada Tiyaatarka weyn ee Magaalada Hargaysa oo maalmihii u dambeeyey aad loogaga hadlay warbaahinta isla markaana sababay xadhiga ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo goor dambe la sii daayey. Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta iyo hawlaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18241,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-18237","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-uncategorized"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4K9","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18237","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18237"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18237\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18237"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18237"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18237"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}