{"id":18185,"date":"2016-02-06T13:50:02","date_gmt":"2016-02-06T13:50:02","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=18185"},"modified":"2016-02-06T13:50:02","modified_gmt":"2016-02-06T13:50:02","slug":"dr-maxamed-cabdillaahi-oo-sheegay-in-somaliya-ka-baxday-heshiisyadii-ay-turkiga-kula-gashay-dawladda-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/02\/06\/dr-maxamed-cabdillaahi-oo-sheegay-in-somaliya-ka-baxday-heshiisyadii-ay-turkiga-kula-gashay-dawladda-somaliland\/","title":{"rendered":"Dr. Maxamed Cabdillaahi Oo Sheegay In Somaliya Ka Baxday Heshiisyadii Ay Turkiga Kula Gashay Dawladda Somaliland &#8211;"},"content":{"rendered":"<p>Arbsiyo News&#8212; Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay go\u2019aankii ay Dawladda Somaliya Ku joojisay duulimaadyada Diyaaradaha ee Somaliland imanayey, waxaanu sheegay in dawladda Somaliya ay si toos ah u jebisay heshiisyadii ay Somaliland iyo Somaliya wada gaadheen.<\/p>\n<div class=\"content\">\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/02\/111111111111135.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-thumbnail wp-image-30525\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/02\/111111111111135-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"1111111111111\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/p>\n<p>Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Shirkii Wadamada Afrika ee dalka Itoobiya ku qabsoomay\u00a0 waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaya yidhi \u201cGo\u2019aankan ay Dawladda Somaliya ku joojisay duulimaadyadii ugu imaanayey Somaliland wey ku deg degtay, waa qorshe aanay ka fiirsan, oo ay si khaldan u gaadhay, Somaliland waxba ku yeeli mayso, inta badan Shacabka Somaliya ee Somaliya tagaya ayaa ku sii nagaan jiray Somallland, markaas waxa ay is lahayd wax tarso\u00a0 ama Somaliland wax ku yeel, balse wax alaale wax dhib ah oo Somaliland go\u2019aankaas ka soo gaadhayaa ma jirto.<\/p>\n<p>Wada hadalo ayaa Somaliland iyo Somaliya dhexmaray, heshiisyo ayaa la\u00a0 galay, waxa lagu taliyey in aan heshiisyadaas la jabin, laakiin Dawladda Somaliya marka ay wax kale qaban kari weyday, ayey si toos ah uga baxday heshiisyadii oo qodobadii lagu heshiiyey si badheedh ah u jabisay.\u201d<\/p>\n<p>Dr Maxamed Cabdi Cumar mar uu ka hadlaayey go\u2019aamadii ay dhawaan soo saartay Dawladda Somaliya ee la xidhiidhay dhinaca doorashoyinka dalkooda,\u00a0 ayaa yidhi \u201cGo\u2019aanadii ay soo saartay Dawladda Somaliya ee ku saabsanaa Doorashada iyo Maamul Goboleedada Somaliya, oo ay Somaliland ku darsatay, ee ay u gudbisay Qaramada Midoobay, Midawga Wadamada Afrika iyo IGAD, wax ka jiraa ma jiraan, waxaana run ah in Somaliland tahay Dawlad iyo Dal madax baan, oo hanaankiisa dawladnimo dhistay, maamul goboleedada Somaliyana aan ku jirin\u201d.<\/p>\n<p>Dr Maxamed Cabdi Cumar ayaa mar uu ka hadlaayey Shirkii madaxda Afrika ayaa yidhi \u201cWaxa aan ka qayb galay Shirkii AU ee Qaramada Afrika ee ka dhacay dalka Itoobiya, Shirkaas waxa lagaga hadlaayey arimaha Afrika, gaar ahaan xaalada dalka Burundi, laguma soo qaadin arimaha Somaliland iyo Somaliya, balse waxa lagu soo qaaday go\u2019aankii ka soo baxay Shirkii Dawladda Somaliya ee Maamul Goboleedada\u201d.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Dr Maxamed Cabdi Cumar waxa uu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay isku duubnaadaan, oo dawladnimadooda iyo qaranimadooda ilaashadan, cidii dhib ka dhex wadana ay iska dhex qabtaan, horumarka dalkoodana ka shaqeeyaan.<\/p>\n<\/div>\n<p>A.phataah Mohammed Giryaad<\/p>\n<p>Arabsiyo Main Ofice<\/p>\n<p>Arabsiyonews@gmail.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbsiyo News&#8212; Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay go\u2019aankii ay Dawladda Somaliya Ku joojisay duulimaadyada Diyaaradaha ee Somaliland imanayey, waxaanu sheegay in dawladda Somaliya ay si toos ah u jebisay heshiisyadii ay Somaliland iyo Somaliya wada gaadheen. Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18189,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-18185","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4Jj","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18185","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=18185"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/18185\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=18185"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=18185"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=18185"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}