{"id":17973,"date":"2016-01-31T12:43:46","date_gmt":"2016-01-31T12:43:46","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=17973"},"modified":"2016-01-31T12:43:46","modified_gmt":"2016-01-31T12:43:46","slug":"saddex-masuul-oo-xukuumadda-ka-tirsan-oo-beeniyay-inay-isbahaysiga-la-kulmeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/31\/saddex-masuul-oo-xukuumadda-ka-tirsan-oo-beeniyay-inay-isbahaysiga-la-kulmeen\/","title":{"rendered":"Saddex Masuul Oo Xukuumadda Ka Tirsan Oo Beeniyay Inay Isbahaysiga La Kulmeen &#8211;"},"content":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Saddex masuul oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, kana soo jeeda koonfurta magaalada Hargeysa ayaa wada jir u beeniyay inay toddobaadkan kulan la yeesheen xubno ka tirsan isbahaysiga dimuqraadiyad doonka KULMIYE oo u badan wasiiradii iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/01\/111111111111156.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-thumbnail wp-image-30387\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/geeska.net\/wp-content\/uploads\/2016\/01\/111111111111156-150x150.jpg?resize=150%2C150\" alt=\"1111111111111\" width=\"150\" height=\"150\" \/><\/a><\/p>\n<p>Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, guddoomiyaha hay\u2019adda NDC ee qaranka Md. Jamaal Caydiid Ibraahim iyo agaasimaha gaadiidka madaxtooyada Abshir Xasan Xaashi, oo xalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, ayaa beeniyay warar warbaahinta lagu baahiyay oo sheegaya inay kulan la yeesheen xubno ka tirsan isbahaysiga, gaar ahaan wasiiradii hore ee madaxtooyada iyo cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, \u201cWararkaas lagu baahiyay warbaahinta qaarkeed wax ka jiraa ma jiraan, mana jiro kulan aanu isbahaysiga la yeelanay anagoo ah saddexdan masuul, mana jirto sabab aanu ula kulanaaba.\u201d sidaas waxa yidhi wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil oo ku hadlayay magaca saddexdan masuul, waxaanu intaas raaciyay, \u201cWararkaasi waxay u muuqdaan kuwo lagu doonayo in loo kala sheekeeyo xukuumadda iyo masuuliyiinteeda, waxaanse leeyahay looma kala sheekayn karo xukuumadda, xisbigeeda iyo masuuliyiinteedaba.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale guddoomiye Jamaal Caydiid iyo agaasime Abshir Xasan Xaashi ayaa iyaguna sheegay inaanu jirin kulan ay la yeesheen xubno ka tirsan isbahaysiga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyo News&#8212;Saddex masuul oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, kana soo jeeda koonfurta magaalada Hargeysa ayaa wada jir u beeniyay inay toddobaadkan kulan la yeesheen xubno ka tirsan isbahaysiga dimuqraadiyad doonka KULMIYE oo u badan wasiiradii iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, guddoomiyaha hay\u2019adda NDC ee qaranka Md. Jamaal [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17974,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-17973","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4FT","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17973","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17973"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17973\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17973"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17973"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17973"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}