{"id":1794,"date":"2014-12-17T13:44:15","date_gmt":"2014-12-17T13:44:15","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=1794"},"modified":"2014-12-17T13:44:15","modified_gmt":"2014-12-17T13:44:15","slug":"qayb-ka-mid-ah-guddida-horumarinta-sacad-muuse-oo-ku-gacan-saydhay-in-muuse-biixi-yahay-musharaxa-kaliya-ee-beesha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2014\/12\/17\/qayb-ka-mid-ah-guddida-horumarinta-sacad-muuse-oo-ku-gacan-saydhay-in-muuse-biixi-yahay-musharaxa-kaliya-ee-beesha\/","title":{"rendered":"Qayb Ka Mid Ah Guddida Horumarinta Sacad Muuse Oo Ku Gacan Saydhay In Muuse Biixi Yahay Musharaxa Kaliya Ee Beesha"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Qayb ka mid ah Guddida Horumarinta Sacad Muuse, ayaa ku gacan saydhay Go\u2019aan shalay ka soo baxay Guddida oo lagu sheegay in Musharaxa Beesha ee Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadeed loo doortay Muuse Biixi.<\/p>\n<p>Guddida qaarkood oo maanta Shir Jaraa\u2019id ku qabatay Hargeysa waxay sheegeen inaanay guddidani u xilsaarnayn kala reebida siyaasiyiinta Beesha balse ay tahay mid loo igmaday horumarinta Beesha.<\/p>\n<p>Xubnaha Guddida ah ee ka soo horjeestay in Muuse Biixi Loo doortay Mushaxa Beesha waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Aadan, Sheekh Almis yaxya iyo Xubno kale kuwaasi oo tilmaamay in saddexda Siyaasi eek ala ah Muuse Biixi, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis yihiin kuwo Beesha u siman.<\/p>\n<p>Waxa ugu horayn Shirka Jaraa\u2019id ka hadlay Abshir Maxamed Warsame waxaanu yidhi\u201cIntayadan Runtii waxa Na Kulmisay gaarna Aanu iskugu Soo Raacnay waxaanu Nahay Gudidii Diiday Arinkii jujuubka Ahaa ee Dhalinyarada Dhabarka Lasoo taabtay Ee Lagu Doonayay in Loogu Codeeyo Saddexda Musharax ee Beesha Sacad muuse Leedahay,Waanu ka Dareernay Anagoo eegayna inaanay Magac Xumo Naga Raacin,Anaga waxa Naloo Dirtay Horumarin Laakiin Nalooma Diran Siyaasadda Inaanu Faro galinno,Waxaanu Baaq u diraynaa Gows Danbeedka Beesha Sacad muuse,Salaadiinta Wax garadka waxaanu leenahay Maanta Bad-baadiya Beesha Cid Aanu Anagu ku dooranay Codna majirto.\u201d<\/p>\n<p>Sheekh Cabdillaahi Cabdi Cali Oo isna ka hadlay Arintan ayaa tilmaamay in Go\u2019aanka lagu sheegay in Muuse Biixi Musharax yahay aanu ahayn Mid guddidu u dhan tahay islamarkaana aan lagu soo dhex tuuray \u201cGuddi ahaan Arinka La leeyahay Muuse Biixi ayaad Codka siiseen Mid Anaga Naga Soo go\u2019ay Muu Ahayn Laakiin, waxa uu ahaa Arin Hoosta Nalaga Soo galiyay oo Nalagu Dhex Tuuray, Intayadan Halkan Fadhida Iyo in Kale oo Maqan waxaanu Runtii Arinka Lagu Dhawaaqay u arkaynay Mid Fool Xun,Waxa kalsooni ah oo ay Saddexda Masuul soo bandhigeenna May jirin,waana wax cid walba ka xumaatay sida loo maamulay\u201d ayuu yidhi Mr Cabdillaahi.<\/p>\n<p>Hadalka Xubnahan ka tirsan Guddida horumarinta Beesha Sacad Muuse ee lagu doortay Shirkii Agabar ee Hoodaale ayaa ka dambeeyay ka dib markii Shalay qayb guddida ka mid ahi sheegtay in cod lagu kala saaray saddexda Musharax ee Beesha Sacad Muuse islamarkaana codka ugu badan uu helay Muuse Biixi.<\/p>\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/hadhwanaagnews.ca\/attached\/SAM_6141.JPG?w=696\" alt=\"\" \/><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"decoded\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/waaheen.com\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/04.jpg?w=696\" alt=\"http:\/\/waaheen.com\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/04.jpg\" \/><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"decoded\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/waaheen.com\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/014.jpg?w=696\" alt=\"http:\/\/waaheen.com\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/014.jpg\" \/><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"decoded\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/waaheen.com\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/111.jpg?w=696\" alt=\"http:\/\/waaheen.com\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/111.jpg\" \/><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"decoded\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/waaheen.com\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/012.jpg?w=696\" alt=\"http:\/\/waaheen.com\/wp-content\/uploads\/2014\/12\/012.jpg\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) Qayb ka mid ah Guddida Horumarinta Sacad Muuse, ayaa ku gacan saydhay Go\u2019aan shalay ka soo baxay Guddida oo lagu sheegay in Musharaxa Beesha ee Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadeed loo doortay Muuse Biixi. Guddida qaarkood oo maanta Shir Jaraa\u2019id ku qabatay Hargeysa waxay sheegeen inaanay guddidani u xilsaarnayn kala reebida siyaasiyiinta Beesha balse [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":1795,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-1794","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-sW","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1794","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1794"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1794\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1794"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1794"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1794"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}