{"id":17883,"date":"2016-01-28T15:04:10","date_gmt":"2016-01-28T15:04:10","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=17883"},"modified":"2016-01-28T15:04:10","modified_gmt":"2016-01-28T15:04:10","slug":"masuuliyiin-ka-tirsan-xisbi-xaakimka-kulmiye-oo-ku-baaqay-in-diwaan-galinta-la-joojiyo-iyo-xaaladona-sabab-uaga-dhigay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/28\/masuuliyiin-ka-tirsan-xisbi-xaakimka-kulmiye-oo-ku-baaqay-in-diwaan-galinta-la-joojiyo-iyo-xaaladona-sabab-uaga-dhigay\/","title":{"rendered":"Masuuliyiin ka tirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye oo ku baaqay in diwaan galinta la joojiyo iyo xaaladona sabab uaga dhigay"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arabsiyonews:-<\/strong>Masuuliyiin ka Tirsan Xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye oo kala ah Xildhibaan Ibraahin Kacaan, Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh ayaa ka hadlay Abaaro ba\u2019an oo ka jira Deeganada galbeedka Somaliland waxaanay Xukumada, Ganacsatada iyo Shacabka Somaliland ugu baaqeen in loo gurmado dadkaasi, waxa kale oo ay sheegen in loo baahan yahay in dib loo dhigo diwaangalinta Codbixiyaasha Somaliland, madama aanay dadkii is diwaangalinayey ay u qaybsameen qaar dalka gudihiisa Macaluuli ku hayso iyo kuwo \u00a0xuduudka ka talaabay.<\/p>\n<p>Sidaasi waxay ku sheegen Shir jaraa\u2019id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa.<\/p>\n<p>Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi jaraa\u2019id ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dib loo dhigo diwaangalinta codbixiyaasha madama dadkii ay farro baas ku hayso abaari waxanu yidhi. \u201cGobolada Galbeedka Somaliland waxa ka jira Abaaro runtii marka aad aragtid aad ka naxayso, Duunyadii ku dhaqnayd dhulkaasi way dhamaatay, waxana ugu sii daran marka aad Hargeysa Galbeed uga baxdid, ilaa Gobolka Awdal, marka Madama oo ay Abaarahaasi jiraan waa in dib loo dhigaa Diwaangalinta Codbixiyaasha Somaliland, waayo dad is diwaangaliyaba lama hayo, xaata heerkii laynaga doonayey ma gaadhayaan, marka tiradii Dadku yaraato dee layna aqoonsanmaayo, \u00a0marka waxaan leeyahay diwaangalinta dib ha loo dhigo\u201d ayuu yidhi Xassan Cawaale.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Xildhibaan Xassan Cawaale Waxa kale oo uu soo jeediyey in lacag laga jaro Saddexda Golle Qaran, Barlamaanka, Golaha wasiirada iyo Garsoorka, si loogu gurmado dadkaasi, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay soo arkeen Dunyadii oo dabbar go\u2019day.<\/p>\n<p>Xildhibaan Ibraahin kacan oo ka hadlay isaguna shirkaasi jaraa\u2019id ayaa sheegay in loo bahan yahay Gurmad qaran, isaga oo Madaxweynaha Soamliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka codsaday in uu dalka galiyo xaalad degdeg ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Waxanu yidhi. \u201cwaxaanu halkan qaylo dhaan uga diraynaa, madaxweynaha Somaliland oo aanu u sheegayno in abaarihii Barri iyo Galbeedba oo waliba galbeedku sii darna yahay ay faro baas ku hayaan, oo aanay Xoolo noolayn, dad noolayn, marka maanta waxa loo bahan yahay gurmad qaran, marka madaxweynaha waxaanu kula talinaynaa in uu dalka galiyo, xaalad degdeg ah, oo wixii hanti \u00a0ah ee aynu hayno dhulka dhigno loona jeedsado gurmadka dadka iyo Duunyada hadhay\u201dAyuu yidhi Xildhibaan Kacaan.<\/p>\n<p>Isaga oo ka hadlayaa Arrimaha diwaangalinta waxa uu yidhi. \u201cMaanta Diwaangalinbaa socota? Maxaa la diwaangalinba hadii dadkii dhintaan, dadkii ka u sokeeya waxa uu marayaa dhagax buur, kuwii dalka joogayna baad la\u2019aan iyo biyo la\u2019aanbay la fadhiyaan, marka aniga iima muuqato in diwaangalin la qabto\u201dAyuu yidhi<\/p>\n<p>Agaasimaha guud ee wasaarada Boosta iyo isgaadhiinsta Faysal Cali Sheikh oo isaguna ka hadlay ayaa ka war bixiyey sida ay abaaruhu uga jirana Goboolada Galbeedka Somaliland isaga oo ka dayriyey abartaasi deeganadaasi ka jira.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyonews:-Masuuliyiin ka Tirsan Xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye oo kala ah Xildhibaan Ibraahin Kacaan, Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh ayaa ka hadlay Abaaro ba\u2019an oo ka jira Deeganada galbeedka Somaliland waxaanay Xukumada, Ganacsatada iyo Shacabka Somaliland ugu baaqeen in loo gurmado dadkaasi, waxa kale [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17884,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-17883","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4Er","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17883","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17883"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17883\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17883"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17883"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17883"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}