{"id":17841,"date":"2016-01-27T16:26:58","date_gmt":"2016-01-27T16:26:58","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=17841"},"modified":"2016-01-27T16:26:58","modified_gmt":"2016-01-27T16:26:58","slug":"soomaalida-mareykanka-waxay-safka-hore-kaga-jiraan-la-dagaalanka-argagaxisadahillary-clinton","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2016\/01\/27\/soomaalida-mareykanka-waxay-safka-hore-kaga-jiraan-la-dagaalanka-argagaxisadahillary-clinton\/","title":{"rendered":"\u201cSOOMAALIDA MAREYKANKA WAXAY SAFKA HORE KAGA JIRAAN LA DAGAALANKA ARGAGAXISADA\u201dHILLARY CLINTON"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arabsiyonews:-<\/strong>Musharaxa madaxtinimada dalka Mareykanka ee xisbiga dimuqraadiga Hillary Clinton ayaa sheegtay in Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ay furumaha hore kaga jiraan la dagaalanka argagixisada.<br \/>\noghayihi hore ee arrimaha dibadda dalka Mareykanka, Hillary Clinton ayaa hadalkaan jeedisay mar ay su,aalo uga jawaabeysay dad Muslimiin ah oo kasoo qeybgalay kulan ay taageerayaasheeda xalay kula yeelatay gobolka Iowa.<\/p>\n<p>Iyada oo ka jawaab celineysay su,aal ay weydisay haweeneey xijaaban oo Muslim ah waxa ay ka qabto waxa ay dadka reer galbeedka ugu yeeraan \u2018\u2019Islamaphobia\u2019\u2019 oo macnaheedu tahat Islam naceyb, ayey sheegtay in dadka Muslimiinta Mareykanka ay u mideeysanyihiin la dagaalanka kooxaha xagjirka.<br \/>\nWaxay tusaale usoo qaadatay booqasho ay dhawaan ku tagtay magaalada Minniapolis ee gobolka Minnesota halkaas oo ay sheegtay in ay kula kulantay koox badan oo ka mid ah Soomaalida dagto gobolkaasi, kuwaas oo ay sheegtay in ay la wadaageen walaacooda ku aadan argagixisada.<br \/>\nMrs.Clinton ayaa sheegtay in ay u sheegeen Soomaalidi ay la kulantay in ay safka hore kaga jiraan la dagaalanka kooxaha argagixisada, isla markaana ay dagaal adag u galeen is hortaagida ubadka Soomaalida ee la xagjireeynayo si ay dibada uga soo dagaalamaan.<br \/>\nWaxa kale oo ay intaasi ku dartay in Soomaalida Minnesota ay iskaaxi xoogan la leeyihiin ciidamada amaanka oo ay ka wada shaqeeyaan sidi ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen kooxaha xag jirka ah.<br \/>\nUgu danbeynti, Clinton ayaa sheegtay in ay daw tahay in dhamaan dadka Mareykanka ah muslim ama kuwa aanan aheynba ay si wada jir ah gacmaha isu qabsadaan iskana difaacaan kooxaha xagjirka ah, iyada oo ugu baaqday dalalka Islaamka in ay si saf ah ula dagaalamaan kooxda ISIS.<br \/>\nGobolka Minnesota ayaa ah halka ay dagaan Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka, waxaa kusoo xiga gobolka Ohio.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arabsiyonews:-Musharaxa madaxtinimada dalka Mareykanka ee xisbiga dimuqraadiga Hillary Clinton ayaa sheegtay in Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ay furumaha hore kaga jiraan la dagaalanka argagixisada. oghayihi hore ee arrimaha dibadda dalka Mareykanka, Hillary Clinton ayaa hadalkaan jeedisay mar ay su,aalo uga jawaabeysay dad Muslimiin ah oo kasoo qeybgalay kulan ay taageerayaasheeda xalay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17845,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_publicize_message":"","jetpack_publicize_feature_enabled":true,"jetpack_social_post_already_shared":true,"jetpack_social_options":{"image_generator_settings":{"template":"highway","default_image_id":0,"font":"","enabled":false},"version":2},"jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-17841","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_publicize_connections":[],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-4DL","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17841","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17841"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17841\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17841"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17841"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17841"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}